Shacabka reer Ciraaq oo maanta u dareeraya doorasho

0
Saturday May 12, 2018 - 10:41:22 in Wararka by
  • Visits: 340
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shacabka reer Ciraaq oo maanta u dareeraya doorasho

    Warbaahinta dalka Ciraaq ayaa Shaacisay in Shacabka Ciraaq ayaa maanta galinka dambe u dareeraya codbixin markii ugu horeysay tan iyo markii dowladda Ciraaq ay ka guuleysatay ururka isku magacaabay dowladda Islaamka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbaahinta dalka Ciraaq ayaa Shaacisay in Shacabka Ciraaq ayaa maanta galinka dambe u dareeraya codbixin markii ugu horeysay tan iyo markii dowladda Ciraaq ay ka guuleysatay ururka isku magacaabay dowladda Islaamka.

Haider Al-Abadi Ra’iisal-wasaaraha haatan talada haya ayay u badantahay in uu ku guuleysto doorashada balse waxaa loo maleynayaa in uu la kulmi doono loollan adag.

Doorashadaan ayaa ku soo beegmeysa xilli uu dalka Ciraaq ku jiro xaalad adag, iyadoo weli lala daalaa dhacayo dib u dhiska waddanka, ka dib afar sano oo dagaal ay kula jireen ururka Daacish.

Qof kasta oo ku guuleysta doorashadaan ayaa waxa kaloo laga doonayaa in uu mideeyo madhabta kala duwan ee ka jirta Ciraaq, kuwaasi oo iyaguna caqabad ku ah nabadda waddanka.

Ra’iisal-wasaare al- Abadi ayaa lagu aamaanay guusha uu ka gaaray dagaalkii uu kula jiray kooxaha Islaamiyiinta ah iyo amniga oo aad u soo wanaagsanaaday dhammaan waddanka.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip