Kenya oo markii ugu horeysay tijaabisay Dayax Gacmeed

0
Saturday May 12, 2018 - 10:37:11 in Wararka by
  • Visits: 445
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo markii ugu horeysay tijaabisay Dayax Gacmeed

    Kumanaan dad ah ayaa isugu soo uruuray jaamacadda Nairobi si ay u daawadaan munaasabad dalka Japan ka dhacaysay oo xarigga looga jarayay dayax gacmeed maxalli ah oo lagu sameeyay gudaha kenya. Saaynisyahano Kenyan ah, khuburro ka socotay dalka Japan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kumanaan dad ah ayaa isugu soo uruuray jaamacadda Nairobi si ay u daawadaan munaasabad dalka Japan ka dhacaysay oo xarigga looga jarayay dayax gacmeed maxalli ah oo lagu sameeyay gudaha kenya. Saaynisyahano Kenyan ah, khuburro ka socotay dalka Japan, ardey iyo marti kale ayaa ku sugnaa jaamacadda oo maanta si toos ah u daawanayay tallaabadan taariikhiga u ah dalka kenya. Dayaxgacmeedkan waxa uu ka duulay xarun ku taal Tokyo.

Dowladda Japan ayaa bixisay 1 milyan oo doolar oo lagu sameeyay dayax gacmeedka balse waxaa gacanta ku haysay hagaajintiisa Kenya.

Dayax gacmeedkan ayaa Kenya ka caawin doona arrimaha beeraha iyo la socodka dhaqdhaqaaqa xebeehda.

Waxaana dayax gacmeedkani oo loogu magacdaray Nano hawada u dirtay waaxda caalamiga ah ee JAXA ee dalka Japan sacaaddu markay ahayd 2-dii duhurnimo.

Waxa ay arrintani Kenya ka dhigaysaa inay ka mid noqoto 6 dal oo qaarada Afrika ku yaalla oo dayax gacmeed hawada sare u diray.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip