HALKAAN KA AKHRISO:-WARARKA WARGEYSKA MOGADISHUTIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 12-KA MAY 2018-KA

0
Saturday May 12, 2018 - 09:56:52 in Wararka by
  • Visits: 570
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:-WARARKA WARGEYSKA MOGADISHUTIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 12-KA MAY 2018-KA

    MARAYKANKA OO BAARAYA WEERARKII BARIIRE Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa war kasoo saaray Weerarkii dhawaan ka dhacay degaanka Bariire ee gobolka Shab-eellaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MARAYKANKA OO BAARAYA WEERARKII BARIIRE Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa war kasoo saaray Weerarkii dhawaan ka dhacay degaanka Bariire ee gobolka Shab-eellaha Hoose.

Howlgalkaasi ayaa waxaa ful-iyay ciidamo Mareykan iyo Soomaali isugu jira.

Ciidamada Militariga Mara-ykanka ayaa sheegaya in ay si dhab ah u qaadanayaan wararka sheegaya in dad rayid ah lagu laayey weerar uu Maraykanku taageerayey oo ka dha-cay Soomaaliya kaas oo ka dhan ah-aa Al-Shabaab.

"Waxaan ka warhaynaa tuhun ku saabsan in khasaare dad rayid ah uu ka dhashay weerarkaas, waxaana warbixinnadan u qaadaneynaa si dh-ab ah. Waynu eegi doonaa akhbaa-raadka ku saabsan dhacdadan, haddii aan helno in eedeymahan ay yihiin kuwa sax ah, waxaa taliska AFRICOM uu qaadi doonaa tallaabooyinka xiga ee ku habboon” ayaa lagu yiri qora-alka.

Taliska ciidamada Maraykanka ee Africa ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegay in ay baar-itaan ku samaynayaan xog kasta oo la xiriirta dhacdadaan, oo ay kujiraan dh-inacyada ay arrintani khusayso.

"Maraykanka ayaa si dhow ula shaqaynayey ciidamada Militariga So-omaaliya asagoo gacan ka siinaya dagaalka ka dhanka ah kooxaha jiha-ad doonka ah” ayaa lagu yiri War kas-oo baxay Taliska.

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee degmada Afgooye ayaa sheegay in la dilay shan qof oo beer-aleey ah intii uu socday hawlgalka oo dhacay habeenimadii arbacada.

SALDHIGA MILITARIGA TURKIGA EE MUQDISHO OO LA DUQEEYAY

Al-Shabaab ayaa sheegtay in saakay Aroortii ay duqeyn la beeg-sadeen saldhigga dowladda Turkiga ay ku leedahay Magaalada Muqdisho.

Waxaa ay Shabaab ay sheeg-tay in ku dhawaad 13 Madfac ay ku dhufteen Saldhigga xilli ay heegan la gelinaayay Ciidamada Soomaalida ee halkaasi lagu tababaro.

Sidoo kale qaar ka mid ah dad-ka degan meel u dhow Saldhigga ay-aa waxa ay sheegeen in ay maqleen jugta madaafiic xoogan, oo la garan waayay halka ay ku dhacayaan iyo meesha laga soo tuuray.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee madaafiicdaan ka dhashay, ink-astoo ay adag tahay helida xogta ras-miga ah ee ku saabsan madaafiicda lagu weeraray xeradan ciidan.

WABIGA SHABEELLE OO KU FATAHAY XAAFADO HOR LEH BELEDWEYNE

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheeg-ayaan in Wabiga Shabeelle uu mark-ale ku fatahay Xaafado dhowr ah oo ka tirsan Magaalada Baledweyne.

Sidda ay xaqiijiyeen dadka de-gaanka Wabiga ayaa hadda ku fatahay Xaafado hor leh oo horay ay-san u sameyn Fatahaadii Baledwe-yne.

Maamulka gobolka Hiiraan ay-aa ka dayriyay Xaaladda Magaalada Beledweyne, waxaana ay sheegeen in maalinba maalinta ka dambeysa ay kasii dareyso Xaaladda Magaalada.

Dadkii kunoolaa Magaalada Beledweyne ayaa horay uga Baraka-cay Magaalada, waxaana ay ku sugan yihiin degaano ka tirsan gobolka Hii-raan.

Xaaladda Magaaladda ayaa kasii dareysa maalinba maalinta ka dameysa, waxaana reer Beledweyne ay wajahayaan Fatahaado kale.

DOWLADDA IRELAND OO DHAQAALLE UGU DEEQDAY SOOMAALIYA

Dowladda Ireland ayaa shee-gtay in ay dhaqaalle ugu deeqday Soomaaliya si wax looga qabto dhib-aatooyinka ka jira Gudaha Sooma-aliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Simon Cov-eney iyo Wasiirka Horumarinta Irel-and Ciarán Cannon ayaa ku dhaw-aaqay deeq lacageed oo dhan 3 mil-yan oo Yuuro oo ku saabsan dhiba-atooyinka bini’aadanimo ee ka taagan Soomaaliya.

Sanadkii 2017, Ireland waxay bixisay lacag gaaraysa € 6.7 milyan si ay u taageeraan dadaalka lagu yarey-nayo dhibaatooyinka bini’aadannimo ee Soomaaliya. Caawinaadaasi wax-aa bixiyay hay’adaha gargaarka ban-i’aadamnimada ee Ireland.

Waxaa lagu qiyaasey in 5.4 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya ay u baahan yihiin gargaar bani’aada-mnimo.

In ka badan 2 milyan oo Soom-aali ah ayaa gudaha ku barakacay, waxaana ay u baahan yihiin in la caawiyo sidda ay sheegtay dowladda Ireland.

Waxaa ay sidoo kale dowladda Ireland ay sheegtay Bishii la soo dha-afay, daadadkii ay sii xumeeyeen xa-alad bani’aadamnimo ee ka taagan Gudaha Soomaaliya,waxaana ku bar-akacay in ka badan 220,000 oo Qof.

DOORASHOOYINKA CIRAAQ

Shacabka Ciraaq ayaa maanta galinka dambe u dareeraya codbixin ma-rkii ugu horeysay tan iyo markii dowladda Ciraaq ay ka guuleysatay ururka isku ma-gacaabay dowladda Islaamka.

Ra'iisal-wasaaraha haatan talada haya Haider Al-Abadi ayay u badantahay in uu ku guuleysto doorashada balse wa-xaa loo maleynayaa in uu la kulmi doono loollan adag.

Doorashadaan ayaa ku soo bee-gmeysa xilli uu dalka Ciraaq ku jiro xaalad adag, iyadoo weli lala daalaa dhacayo dib u dhiska waddanka, ka dib afar sano oo dagaal ay kula jireen ururka Daacish.

Qof kasta oo ku guuleysta doora-shadaan ayaa waxa kaloo laga doonayaa in uu mideeyo madhabta kala duwan ee ka jirta Ciraaq, kuwaasi oo iyaguna caq-abad ku ah nabadda waddanka.

Ra'iisal-wasaare al- Abadi ayaa lagu aamaanay guusha uu ka gaaray da-gaalkii uu kula jiray kooxaha Islaamiyiinta ah iyo amniga oo aad u soo wanaag-sanaaday dhammaan waddanka.

Xabaal wadareedyo laga helay Ciraaq

Ciidamada Ciraaq oo qabsaday buund-ada Mosul

Madaxwaynihii Kurdiyiinta Ciraaq oo xilka ka dagay

Balse dad badan oo reer Ciraaq ah ayaa si aad u dhaliilsan musuquq-ma-asuqa ka dhex jira dowaldda iyo dhaq-aalaha waddanka oo aad u hooseeya.

Doorashadaan ayaa sidoo kale ku soo beegmaysa maalmo uun ka dib ma-rkii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka baxay heshiiska nuclear-ka ee Iiraan.

qaar ka mid dadka reer Ciraaq ayaa ka cabsi qaba in mar labaad uu da-lkooda saameyn ku yeesho hardanka siyaasa-deed ee u dhaxeeya Mareykanka iyo Iiraan.

MADAXWEYNAHA OO KA QEYBGALAY MUNA ASABADDA CALEEMA-SAARKA GUDDOOMI YAHA GOLAHA SHACABKA

Madaxweynaha Jamhuuriyad-da Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo daraad ka qayb galay xafladda cale-ema-saarka Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed Mu-dane Maxamed Mursal Sheekh Cabdi-raxmaan ayaa sheegay in Goleyaasha dowladda looga baahan yahay in ay yeeshaan wadashaqeyn buuxda si loo adkeeyo dowladnimadeenna.

Madaxweynaha ayaa tilma-amay in dadaalka loogu jiro dowlad-dhisidda Soomaaliya ay ka dhalan karto kala aragti duwanaansho, balse loo baahan yahay in taasi lagaga gu-dbo isfaham, is-qancin iyo tanaasul maadaama dan guud laga wada sha-qeynayo.

`Madaxweynaha ayaa ku adke-eyey xildhibaannada inay gutaan waa-jibkooda dastuuriga ah si loo dard-argeliyo anisixinta shuruucda hory-aalla Baarlamaanka ee mudnaanta u leh howlaha ay dowladdan ku taam-ayso inay ku guulaysato muddo xilee-dkeeda.

Mar uu ka hadlayay siyaasadda dowladda ee ku wajahan arrimaha di-badda ayuu Madaxweynuha yiri "wax-aan rabnaa inaan xiriir la yeelanno dawlad walba oo danta Soomaaliyeed ka shaqeynaysa, xiriirkaas oo ku dh-isan wada shaqeyn, iskaashi iyo isx-urmayn."Madaxweynaha ayaa xildhib-aannada uga mahadceliyey biseylka siyaasadeed iyo hufnaanta ay ku doo-rteen Guddoomiyaha cusub ee Gol-aha Shacabka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyay xildhibaannada Golaha Shacabka hannaankii dimuqraadiya-dda iyo hufnaanta ku salaysnaa ee ay u guteen waajibaadkooda dastuuriga ah.Waxaa kale oo ammaanay xil-dhibaannadii u istaagay qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha Shaca-bka , aqbalayna natiijadii codbixinta.

JUBBALAND OO QAADACDAY KA QEYB-GALKA SHIRWEEYNAHA QARAN EE DASTUURKA

Shirkan oo looga hadli doono dib u eegista Dastuurka, 13 bishan Maaj-na ka furmi doona Muqdiso ayay wasaaradda cadaaladda, dastuurka iyo arimaha Diinta Jubbaland shaa-cisay in aysan ka qeyb-gali doonin shirkaasi.

Wasiirka wasaaradda cadaa-ladda, dastuurka iyo arimaha diinta Jubbaland Dr. Aadam Ibraahim Aw-xi-rsi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirkaasi aysan ka qeybg-ali doonin.

Wasiirka ayaa ka gaabsaday in uu faahfaahin ka bixiyo sababaha aysan shirkaasi uga qeybgaleyn.

Arrintan ayaa imaaneeysa ayadoo mudooyinkii u danbeeyay uu soo ifb-axayay khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda dhexe iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada.

Madaxweynaha Jubbaland Mu-dane Axmed Max'ed Islaam oo dhaw-aan markii uu dib ugu soo laabtay Kismaayo qabtay shir jaraa'id ayaa dowladda ku eedeeyay in aysan ixt-iraamin dowlad goboleedyada, isagoo madaxda dowladda ugu baaqay in ay ilaaliyaan xuquuqda dastuuriga ah ee ay leeyihiin dowlad goboleedyada da-lka ka jira.

AMISOM IYO MIDOWGA YURUB OO WADA QORSHE LAGU SUGAYO AMMAANKA XEEBAHA SOOMAALIYA

Howlgalka la dagaalanka Burc-adbadeeda Soomaaliya ee Midowga Yurub iyo AMISOM ayaa wada qorshe ay isaga kaashanayaan ilaalinta Xee-baha Soomaaliya.

Ciidamada Badda Talyaaniga oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Yurub iyo ciidamo gaar ah oo ka tirsan howlgalka AMISOM ayaa iska kaas-hanaya, sidii loo xoojin lahaa amm-aanka Xeebaha magaalada Muqd-isho.Sarkaal ka tirsan howlgalka Midowga Yurub ayaa xusay in ay muhiim tahay in howlgalka AMISOM laga caawiyo dhinaca ka hortagista kooxa Burcad badeeda.

Waxaana uu intaasi ku daray u jeedkooda ugu weyn uu yahay sidii loo kordhin lahaa ilaalada xeebaha Soomaaliya, si la isagu kaashado in la xaqiijiyo ammaanka Baddaha Soom-aaliya.Sanadkii hore ayaa waxaa Ciidamada Badda ee Midowga Yurub iyo kuwa Midowga Afrika ay same-yeen is dhaafsiga qibradaha dhinaca Badda, iyadoo Ururka Midowga Yurub uu sheegay in AMISOM ay ka taageerayaan ilaalinta baddaha Soo-maaliya.Ururada ka shaqeeya dhinaca ammaanka ee Baddaha Soomaaliya ayaa ka digaya in kooxaha Burcad-badeeda ay weli halis ku yihiin Mara-akiibta isticmaasha Biyaha Sooma-aliya.

SOMALILAND OO DAAH-FURTAY NIDAAM CUSUB OO LAGU DIIWAANGELINAYO LAMB ARKA CASHUUR BIXIYAHA

Wasaaradda Horumarinta Ma-aliyadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay daraad Daahfurtay Nida-amka Diiwaangelinta Lambarka Aqoo-nsiga Cashuur-bixiyaha. Munaasibad-dan oo lagu daahfuray Nidaamka Di-iwaangelinta Lambarka Aqoonsiga Cashuur-bixiyaha oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Horumarinta maaliyadda Somaliland, ayaa daraad lagu qabtay Huteel Maansoor ee ma-gaalada Hargeysa, waxaana ka qay-bgalay Wasiirka iyo Wasiir Ku-xig-eenka Horumarinta Maaliyadda, Was-iirrada Ganacsiga, Arrimaha gudaha, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, Ga-nacsato kala duwan iyo Wakiillo Gan-acsatada qaar meteleyey, Masuuliy-iinnta waaxyaha kala duwan ee Wa-saaraddaas, Hay’adaha la shaqeeya qaarkood iyo marti-sharaf kale. Was-iirka horumarinta maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddada iyo Muhiimadda Nidaamkan ay Shalay Daahfureen. Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa isa-guna halkaas ka hadlay oo tilmaamay muhiimadda cashuurtu u leedahay dhismaha qaran. Wasiirka Wasaar-adda Ganacsiga, Wershadaha iy oo Dalxiiska Somaliland Maxamuud Xa-san Sacad Saajin, oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay Dadku ku kala duwan yihiin bixinta Cashuu-raadka ku waajibay, halka qaarkoodna ay ka cararaan cashuurta. Sidoo kale, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ho-rumarinta Maaliyadda Maxamed Da-ahir, Agaasimaha guud ee Wasa-aradda Maaliyadda, Cabdiraxmaan Sheekh, Guddoomiyaha Rugta Gana-csiga Somaliland Maxamed Shugri iyo Xubno ku hadlayey Magaca Ganac-satada, ayaa iyaguna halkaas ka hadlay, dhammaantoodna waxay ifti-imiyeen sida ay lagama maarshalay u tahay isku xidhnaanta iyo wada-shaqaynta Cashuurbixiyeyaasha iyo Cashuur-qaadayaasha oo uu wax fiican ku soo kordhin karo adeeggan la soo kordhiyey.

JUBBALAND OO SHEEGTAY IN AYSAN KA QEYB GALI DOONIN SHIRKA ARIMAHA DASTUURKA EE SOOMAALIYA

Wasaarada Datuurka, Cadaa-lada iyo Arimaha Diinta ee maamulka Jubbaland ayaa sheegay in aysan ka qeyb gali doonin shirka looga hadlaya arimaha Dastuurka oo maalinta berri la filayo in uu ka furmaya magaalada Muqdisho.

`Wasiirka Wasaaradda Dr.Aa-dan Ibraahim Aw Xirsi ayaa sheegay in aanan ka qeyb gali doonin shirka looga hadlayo Arrimaha Dastuurka, in-kastoo uusan caddeynin sababta ka dambeysa in ay ka qeyb gali waayaan shirkaasi.

Wasaaradda dhilinyarada iyo ciyaaraha ee maamulka Jubbaland ayaa horay u sheegay in ay xariirka u jartay wasaarada dhalinyarada iyo ciy-aaraha ee dowlada dhexe kadib mar-kii eedeeymo ay u soo jeediyeen.

Dowlada dhexe ee Soomaaliya ayaan wali ka hadlin eedeeymaha loo soo jeediyay ee ugu imaanaya maa-mul goboleedka Jubbaland.

WAFDI KA SOCDA QM OO KU WAJAHAN GAROWE

Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arimaha Soomaaliya Da-njire Micheal Keating ayaa lagu wad-daa in uu maanta taggo Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland si-dda ay xaqiijiyeen ilo lagu kals-oonkaro.

Wakiilka Qaramada Midoobey ayaa la filayaa in Madaxweyne Gaas kala hadli doono xaalada ka taagan tuulada Tukaraq halkaas oo ay isku horfadhiyaan ciidamo ka tirsan laba-dda maamul ee Somaliland iyo Punt-land.

Qaramadda Midoobey ayaa dooneysa in la dejiyo Xiisadda Siya-asadeed ee ka taagan degaankaasi, Maadaama wali ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland iyo Somaliland.

Madaxweyne Gaas ayaa horay ugu baaqay Qaramada Midoobey in ay soo farageliso Xaaladda degaanka Tukaraq.

KENYA OO MARKII UGU HOREYSAY TIJAABISAY DAYAX GACMEED

Kumanaan dad ah ayaa isugu soo uruuray jaamacadda Nairobi si ay u daawadaan munaasabad dalka Jap-an ka dhacaysay oo xarigga looga jarayay dayax gacmeed maxalli ah oo lagu sameeyay gudaha kenya.

Saaynisyahano Kenyan ah, khuburro ka socotay dalka Japan, ard-ey iyo marti kale ayaa ku sugnaa jaa-macadda oo maanta si toos ah u daawanayay tallaabadan taariikhiga u ah dalka kenya.

Dayaxgacmeedkan waxa uu ka duulay xarun ku taal Tokyo.

Samaynta dayax gacmeedkani waxaa Kenya ka caawisay dowladda Japan oo maalgelisay mashruuca, wa-xaana lagu sheegay baaxaddiisa 10 sentiimiitar oo afar gees ah.

Dowladda Japan ayaa bixisay 1 milyan oo doolar oo lagu sameeyay dayax gacmeedka balse waxaa gaca-nta ku haysay hagaajintiisa Kenya.

Dayax gacmeedkan ayaa Ken-ya ka caawin doona arrimaha beeraha iyo la socodka dhaqdhaqaaqa xebee-hda.

Waxaana dayax gacmeedkani oo loogu magacdaray Nano hawada u dirtay waaxda caalamiga ah ee JAXA ee dalka Japan sacaaddu markay ahayd 2-dii duhurnimo.

Waxa ay arrintani Kenya ka dh-igaysaa inay ka mid noqoto 6 dal oo qaarada Afrika ku yaalla oo dayax ga-cmeed hawada sare u diray.

WASIIRKA AMNIGA OO AMRAY IN CIIDAMA DA AY SOO QABTAAN DADKA DILALKA QORSH EYSAN KA FULIYA MUQDISHO

Wasiirka Amniga Soomaaliya maxamed Abuukar Islow Ducaale ay-aa ciidamada Amaanka dalka ku amr-ay in ay gacanta ku soo dhigaan koo-xaha dilalka qorsheysan ka geystaan magaalada Caasimada Muqdisho,is-agoo sheegay inaan marnaba la aqb-ali Karin in dilal ay ka dhacaan mag-aalada muqdisho.

Sidoo kale Wasiir Islow ayaa sheegay in ka hor sugida amniga mu-qdisho looga baahnayahay ciidamada qalabka sida ee dowladda soomaliya in ay dhexdooda ay la yimaadaan wa-da shaqeyn si ay ugu fududaato buu yiri la dagaalanka cadowgooda.

Magaalada Muqdisho ayaa mu-dooyinkii dambe Waxaa ka dhacayay Dilalka qorsheysan ee loo geysto askarta ka tirsan Ciidanka Dowlada Soomaaliya, waxaana weerarkii ugu dambeeyay ee dhacay habeen hore lagu diley afar ruux oo ku sugnaa guri uu ka degenaa degmada Wadajir sar-kaal ka tirsan ciidamada nabad sugida.

Hase yeeshee, Dowlada Soo-maaliya ayaa sheegtay in ay diya-arisay ciidamo looga tala galay sidii ay ugu hortagi lahaayeen weerarada Al-Shabaab.

SARAAKIISHA CIIDANKA XOOGGA OO SHEEG AY IN AY QABTEEN HUB SHABAAB U SOCDAY

Ciidamada xoogga dalka Soo-maaliyeed ayaa degmada Baardheere ee gobolka Gedo ku qabtay gaadiid ay ku jireen rasaas, islamarkaana u socday xoogaga ururka Al-shabaab, ciidanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay 4 qof oo xiligaasi waday gaar-iga ay ku jireen rasaasta

Taliyaha ururka 49-aad ee Guutada 10-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Xidigle Faarax Max-amed Turbac oo la hadlay Idaacadda ku hadasha afka ciidamada qalabka sida ayaa sheegay rasaasta ay cii-damada gacanta ku dhigeen in ay tiro ahaan ay gaareyso 15,000 oo ah rasaasta loo isticmaalo qoryaha AK-47 ah iyo qoriga daba-jeexa

Sidoo kale Taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in rasaastaan ay ciidamada qabteen loo waday Al-shabaab oo fariisin ku leh tuulada Ray’dab oo 40-KM u jirta degmada Baardheere

Wuxuu sheegay ragga gaariga ku w-aday rasaasta in ay damceen in ay iska laalushaan ciidanka, iyaga oo u balan qaaday lacag dhan Saddex Kun oo dollar, balse ciidanka ayaa raggan ku war galiyay in ay yihiin ciidan qar-an, sidaasina ay ku qabteen hubka.

Taliyaha ururka 49-aad ee Guutada 10-aad ee ciidanka xoogga dalka Soo-maaliyeed ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in rasaastan ay Al-shabaab doonayeen in ay ummada Soomaali-yeed ee muslimiinta ah ku dhibat-eyaan.

Ururka Al-shabaab weli wax war ah kama aanay soo saarin hadalkan ka soo baxay saraakiisha ciidanka xoog-ga dalka ee ku aadan in ay gacanta ku dhigeen hub badan oo Shabaabka xagooda ku socday.

SOMALIA

DIGNIINTA GARGAARKA - DIGNIINTA QARASHKA_______________________

ABSOLUT OGAYSIIS WAA BIXINAYAA in calaamadda ganacsiga ee kor ku xusan tahay calaamadda ganacsiga ee:

Shirkadda Absolut Aktiebolag, shirkad gaar ah oo xadidan oo sharci ah oo ay abaabulaan sharciyada dalka Iswiidan ee 117 97, Stockholm, Sweden

waxaana loo isticmaalaa iyadoo lala xiriirinayo:

Cabitaanka dhammaan noocyada kala duwan.

OGAYSIIS WAXAA KA BEDELAYaa in dacwad sharci ah laga qaadi doono qof kasta ama shirkad isticmaala calaamada ganacsiga ama wax kasta oo la midabtakooro ama kuwa kale ku xadgudbo xuquuqda shirkaddaas.

OGEYSIISKA GUUD

NOTICE waxaa loola jeedaa in Telefoonaktelebolaget LM Ericsson oo ka mid ah SE-16p4 83 Stockholm Sweden waa Sole Proprietors ee Soomaaliya iyo dhammaan waddamada kale ee Markhaatiyada Ganacsiga soo socda:

Taas oo loo adeegsado qalab iyo qalab loogu talagalay isgaarsiinta xogta, isgaarsiinta satellite-ka iyo isgaarsiinta; qalabka iyo qalabka lagu cabbiro miisaamida, cabirida, calaamadeynta, hubinta (kormeerka) iyo waxbarashada; qalabka loogu talagalay diiwaangelinta, gudbinta ama dhalida codka, sawirada ama nalalka; Qalabka macluumaadka, qalabka wax lagu shaqeeyo, kombiyuutarada, barnaamijyada kombiyuutarka, qalabka isugudbinta ee kombiyuutarada; qalabka iwm iyo qalabka; qalabka iyo agabyada kormeerka shabakadaha isgaarsiinta iyo shabakadaha isgaarsiinta macluumaadka; qalab rakibo iyo qalab loogu talagalay shabakadaha isgaarsiinta macluumaadka iyo shabakadaha isgaarsiinta; batariyada; qaybaha elektarooniga ee kombiyuutarada xadhkaha korontada iyo fiilooyinka, fiilooyinka korontada ku shaqeeya; xarumaha saldhiga; qalabka radar, qalabka xakamaynta, qalabka crypto-ka, qalabka bandhiga, qalabka scanner; anteenooyinka; Qaybaha iyo fiilooyinka loogu talagalay dhammaan badeecadaha kor lagu soo sheegay; qalabka kuleylka, qaboojiyaha iyo hawo qaadista; qoraalka, qoraalka iyo wax barista (marka laga reebo qalabyada) marxalado, buug-gacmeedyo, waraaqo, kaarar ganacsi, warqad, kartoon iyo alaabta laga sameeyay qalabkaan, oo aan lagu darin fasalada kale; qalabka wax lagu dhigto; sawirada; xayeeysiinta; maamulka ganacsiga; maamulka ganacsiga; xafiisyada xafiiska. ijaarashada (maalgelinta); rakibidda, dayactirka iyo dayactirka gudaha isgaadhsiinta; adeegyada isgaarsiinta; bixinta macluumaadka macluumaadka iyo diiwaanka elektarooniga ah meelaha laga duubo muusikada, fiidiyowga, raadiyaha, telefishanka, wararka, cayaaraha, cayaaraha, dhacdooyinka dhaqanka, madadaalada iyo farshaxanka iyo waqtiyada firaaqada ee shabakadaha isgaarsiinta; Adeegyada la-talinta ee aagga warfaafinta xogta, aagga isgaarsiinta satellite-ka iyo aagga isgaarsiinta; waxbarashada gudaha aagga warfaafinta, aagga isgaarsiinta satellite-ka iyo isgaadhsiinta isgaarsiinta, bixinta tababarka, shirarka, siminaarada, shirarka, koorsooyinka waraaqaha; Adeegyada macluumaadka ee kuyaal meelaha muusikada, fiidiyaha, raadiyaha, telefishanka, wararka, cayaaraha, cayaaraha, dhacdooyinka dhaqanka, madadaalada iyo farshaxanka iyo waqtiyada firaaqada ah ee shabakadaha isgaarsiinta qaabka codka, fiidiyowga, sawirrada, qoraalka iyo multimedia kale; cilmi-baariseed oo ku saabsan fisikiska, kiimikada iyo injineernimada; barnaamijka qalabka kombiyuutarka, ijaarinta qalabka wax lagu shaqeeyo; falanqayn farsamo iyo la-tashiyo la xiriira xiriirka warfaafinta, isgaarsiinta satellite-ka iyo isgaarsiinta; adeegyada la-talinta ee adeega ogaanshaha kumbuyuutarka; fogaanshaha iyo / ama kormeerka goobaha kumbuyuutarrada, dhammaan dhinacyada isgaarsiinta xogta, isgaarsiinta satellite-ka iyo isgaarsiinta; ruqsadda hantida garaadka; ruqsadda kombiyuutarka kombuyuutarka iyo alaabooyinka iyo adeegyada gudaha barkada.

OGEYSIISKA LAGA HELAY LAHAYD

OGAYSIIS WAXAA LAGA HELAA in calaamadaha ganacsiga sare (PIONEER iyo PIONEER qalabka) ay yihiin hantida PIONEER KABUSHIKI KAISHA (sidoo kale ganacsiga PIONEER CORPORATION), shirkad Japanese ah oo ah 28-8, Honkomagome 2-chome, Bunkyo-ku, Tokyo, Japan iyo in calaamadaha ganacsiga isku mid ah loo isticmaalo alaabtan soo socda:

Cilmi-baaris, elektaroonik ahaan loo isticmaalo, baadhitaan, koronto, sawir, cinwaan, muuqaal, miisaan, cabbirid, calaamadeyn, hubin (kormeer), qalabka wax lagu baro iyo qalabka; Qalabka loogu talagalay diiwaangelinta, gudbinta, farsamaynta iyo taranka dhawaaqa, sawirada ama xogta; Ciyaartoyda sawir-qaadaha iyo cajaladaha fiidiyowga lagu duubo ciyaaro cajalad iyo cajalado cajalad; ciyaartoyda diiwaan gashan; raadiyaha iyo tifaftirayaasha; qaadayaasha codka iyo kuwa qaata fiidiyaha; qalabka telefishanka; qaylo-dhaanyo; hababka hadalka; mikrofones iyo isku darka mikrofoon; samaacadaha dhagaha; nadiifinta qalabka loogu talagalay qalabka maqalka; anteenooyinka; qalabka telefoonka; telefoonka gacanta; jukeboxes; fiidiyowga fiidiyowga; discs; cajalado fiidiyo iyo cajalado fiidiyoow ah; cajalado macmiil ah; duubista maqalka; kamaradaha fiidiyoowga ah; kombiyuutarada; kumbiyuutarrada kumbuyuutarka; xusuusta kombuyuutarka; daabacayaasha loo isticmaalo kombiyuutarada; PC kiniiniga; Dareemaha CD-ROM iyo CDROM duug-beddelayaasha baabuurta; gawaarida dhagxaanta ee fiilooyinka iyo baabuurta wax lagu beddelo; software computer; barnaamijyada hawlgalka kombiyuutarka; barnaamijyada kombiyuutarka; Qalabka CD-ROM; qalabka dhegaha iyo qalabka mashiinka; discoppy discs; wareegyada isku dhafan; nus-qaboojiye; kontoroolayaasha fog; telefishinada telefishinka; akhristayaasha barka; qalabka wax lagu dhigo ee maqalka; qalabka isgaadhsiinta; xirayaasha; batariyada; xadhkaha korontada; armaajooyinka loogu talagalay gawaarida; saacadaha maqalka; riixista maqalka; maqaar-gacmeedka; digaagga; Cajaladaha DVD; cajaladaha dhagxaanta ee adag; ciyaartoyda sawir-qaadashada iyo sawir-qaadayaasha loogu talagalay macluumaadka maqalka, video iyo kombiyuutarka; bandhigyada laydhka dabiiciga ah ee organic; Nidaamka masraxa guriga; software kombiyuutarka si loogu soo saaro macluumaadka maqalka iyo fiidiyowga ee lagu kaydiyay mashiinnada server ee shabakadda guriga; ciyaaryahannada maqalka la qaadi karo; cayaaraha la qaadan karo; ciyaartoyda maqalka ee dijital ah; ciyaartoyda warbaahinta; xarumaha wax lagu dhejiyo; waxay u taagan yihiin si gaar ah loogu talagalay inay haystaan taleefannada gacanta iyo qalabka elektiroonigga ah ee gacanta iyo handheld; korontada iyo / ama qalab elektaroonig ah oo loogu talagalay isticmaalka qalabka jimicsiga; Ciyaartoyda DVD; Ciyaartoyda CD; iskujirayaasha; dhawaaqa maqalka; codbixinta rikoorka; xoojiyeyaasha; codka iyo / ama ficilada fiidiyowga; sariiraha; kombiyuutarka kombiyuutarka lagu ciyaaro si aad uhesho sheyga kombuyuutarka; kombiyuutarka kombiyuutarka loo isticmaalo soo saarida, tarjumidda, waxqabadka, wax ka bedelidda, gudbinta iyo / ama hawlgalka

xogta maqalka, muusiga ama fiidiyowga; qalabka kombiyuuterka; qalabka elektarooniga ah ee calaamadaha maqalka iyo muuqaalka; nidaamka maqalka ee baabuurta; nidaamyada fiidiyowga gaariga;

kamaradaha dijital ah; ku hadla telefoonada gacanta; sawirada elektarooniga ah ee xarfaha ama sawirada loo qoray qoraal ama kulamo; Nidaamyada shirarka fiidiyowga software si loo siiyo khariidado dhijitaal ah; shaandheen qalad qalad sawireed; Qaybaha iyo fiilooyinka loogu talagalay dhamaan badeecadaha la soo sheegay. - fasalka 09;

OGEYSIIS WAXAA KA YIHIIN KARO PIONEER KABUSHIKI KAISHA

(sidoo kale ganacsiga PIONEER CORPORATION) wuxuu sheeganayaa dhammaan xuquuqda marka la eego calaamadaha ganacsiga ee ka jira Soomaaliya oo bilaabi doona tallaabo sharci ah oo ka dhan ah qof kasta ama dadka lagu helo inay isticmaalayaan calaamadaha ganacsi ee kor ku xusan ama ganacsi kale u calaamadee si qarsoodi ah ama isku midka ah isku midka ah, ama haddii kale xadgudub ku ah xuquuqdiisa.

OGEYSIISKA GUUD

NOTICE waxaaloolajeedaa SEIKO HOLDINGS KABUSHIKI KAISHA (ganacsiahaan SEIKO HOLDINGS CORPORATION) ee 5-11, Ginza 4-chome, Chuo-ku, Tokyo, Japan waaShirkadaha Sole eeSoomaaliyaiyowaddamada kale eesoosocda: -

SEIKO

Taasoo loo adeegsanayosaacadaha, saacadahaiyoqalabka kale eeqadiimiga ah iyoqayboka mid ah.

Qofkastaoonuqulkadhigaya, kutakooraya, amahab kale ookastaooxadgudubku ah xuquuqdakuqoranXawaaladdaGanacsigaMarkastawaxaa loo siiwadidoonaasiwaafaqsanSharciyadakudhaqankaSoomaaliyasiloogahortago in lagusameeyoMarkhaatiyada been abuurka ah eeganacsiga.

OGEYSIISKA GUUD

NOTICE waxaa loola jeedaa in Telefoonaktelebolaget LM Ericsson oo ka mid ah SE-164 83 Stockholm Sweden waa Sole Proprietors ee Soomaaliya iyo dhammaan waddamada kale ee Markhaatiyada Ganacsiga soo socda:

Taas oo loo adeegsado qalab iyo qalab loogu talagalay isgaarsiinta xogta, isgaarsiinta satellite-ka iyo isgaarsiinta; qalabka iyo qalabka lagu cabbiro miisaamida, cabirida, calaamadeynta, hubinta (kormeerka) iyo waxbarashada; qalabka loogu talagalay diiwaangelinta, gudbinta ama dhalida codka, sawirada ama nalalka; Qalabka macluumaadka, qalabka wax lagu shaqeeyo, kombiyuutarada, barnaamijyada kombiyuutarka, qalabka isugudbinta ee kombiyuutarada; qalabka iwm iyo qalabka; qalabka iyo agabyada kormeerka

shabakadaha isgaarsiinta iyo shabakadaha isgaarsiinta macluumaadka; qalab rakibo iyo qalab loogu talagalay shabakadaha isgaarsiinta macluumaadka iyo shabakadaha isgaarsiinta; batariyada; qaybaha elektarooniga ee kombiyuutarada xadhkaha korontada iyo fiilooyinka, fiilooyinka korontada ku shaqeeya; xarumaha saldhiga; qalabka radar, qalabka xakamaynta, qalabka crypto-ka, qalabka bandhiga, qalabka scanner; anteenooyinka; Qaybaha iyo fiilooyinka loogu talagalay dhammaan badeecadaha kor lagu soo sheegay; qalabka kuleylka, qaboojiyaha iyo hawo qaadista; qoraalka, qoraalka iyo wax barista (marka laga reebo qalabyada) marxalado, buug-gacmeedyo, waraaqo, kaarar ganacsi, warqad, kartoon iyo alaabta laga sameeyay qalabkaan, oo aan lagu darin fasalada kale; qalabka wax lagu dhigto; sawirada; xayeeysiinta; maamulka ganacsiga; maamulka ganacsiga; xafiisyada xafiiska. ijaarashada (maalgelinta); rakibidda, dayactirka iyo dayactirka gudaha isgaadhsiinta; adeegyada isgaarsiinta; bixinta macluumaadka macluumaadka iyo diiwaanka elektarooniga ah meelaha laga duubo muusikada, fiidiyowga, raadiyaha, telefishanka, wararka, cayaaraha, cayaaraha, dhacdooyinka dhaqanka, madadaalada iyo farshaxanka iyo waqtiyada firaaqada ee shabakadaha isgaarsiinta; Adeegyada la-talinta ee aagga warfaafinta xogta, aagga isgaarsiinta satellite-ka iyo aagga isgaarsiinta; waxbarashada gudaha aagga warfaafinta, aagga isgaarsiinta satellite-ka iyo isgaadhsiinta isgaarsiinta, bixinta tababarka, shirarka, siminaarada, shirarka, koorsooyinka waraaqaha; Adeegyada macluumaadka ee kuyaal meelaha muusikada, fiidiyaha, raadiyaha, telefishanka, wararka, cayaaraha, cayaaraha, dhacdooyinka dhaqanka, madadaalada iyo farshaxanka iyo waqtiyada firaaqada ah ee shabakadaha isgaarsiinta qaabka codka, fiidiyowga, sawirrada, qoraalka iyo multimedia kale; cilmi-baariseed oo ku saabsan fisikiska, kiimikada iyo injineernimada; barnaamijka qalabka kombiyuutarka, ijaarinta qalabka wax lagu shaqeeyo; falanqayn farsamo iyo la-tashiyo la xiriira xiriirka warfaafinta, isgaarsiinta satellite-ka iyo isgaarsiinta; adeegyada la-talinta ee adeega ogaanshaha kumbuyuutarka; fogaanshaha iyo / ama kormeerka goobaha kumbuyuutarrada, dhammaan dhinacyada isgaarsiinta xogta, isgaarsiinta satellite-ka iyo isgaarsiinta; ruqsadda hantida garaadka; ruqsadda kombiyuutarka kombuyuutarka iyo alaabooyinka iyo adeegyada gudaha barkada.

Qofkasta oo nuqul ka dhigaya, ku takooraya, ama hab kale oo kasta oo xadgudub ku ah xuquuqda ku qoran Xawaaladda Ganacsiga Markasta waxaa loo sii wadi doonaa si waafaqsan Sharciyada ku dhaqanka Soomaaliya si looga hortago in lagu sameeyo Markhaatiyada been abuurka ah ee ganacsiga.

OGEYSIISKA GUUD

NOTICE waxaa loola jeedaa SEIKO HOLDINGS KABUSHIKI KAISHA (ganacsi ahaan SEIKO HOLDINGS CORPORATION) ee 5-11, Ginza 4-chome, Chuo-ku, Tokyo, Japan waa Shirkadaha Sole ee Soomaaliya iyo waddamada kale ee soo socda: -

SEIKO

Taas oo loo adeegsanayo saacadaha, saacadaha iyo qalabka kale ee qadiimiga ah iyo qaybo ka mid ah.

Qofkasta oo nuqul ka dhigaya, ku takooraya, ama hab kale oo kasta oo xadgudub ku ah xuquuqda ku qoran Xawaaladda Ganacsiga Markasta waxaa loo sii wadi doonaa si waafaqsan Sharciyada ku dhaqanka Soomaaliya si looga hortago in lagu sameeyo Markhaatiyada been abuurka ah ee ganacsiga.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip