Sawirro:-Dowladaha Soomaaliya Iyo Norway Oo Ka Wada Hadlay Arrimaha Socdaalka

0
Friday May 11, 2018 - 20:11:57 in Wararka by
  • Visits: 298
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:-Dowladaha Soomaaliya Iyo Norway Oo Ka Wada Hadlay Arrimaha Socdaalka

    Agaasimaha guud ee Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Gaanshaanle Sare Maxamed Aadan Koofi oo socdaal ku maraya dalalka Finland, Norway iyo Belgium ayaa magaalada Oslo ee caasimadda Norway kulamo kala duwan kula qaatey madaxda iyo sara

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasimaha guud ee Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Gaanshaanle Sare Maxamed Aadan Koofi oo socdaal ku maraya dalalka Finland, Norway iyo Belgium ayaa magaalada Oslo ee caasimadda Norway kulamo kala duwan kula qaatey madaxda iyo saraakiisha laanta socdaalka Norway ee UDI, Taliska guud ee booliiska, Xaruunta bixinta kaararka Aqoonsiga, Wasaaradda Caddaaladda iyo Wasaaradda arrimaha dibadda Norway,

Kulamadaas ayaa diiradda lagu saaray iskaashi laga yeesho arrimaha socdaalka , is-dhaafsiga xogta iyo Khibradaha, aqoonsiga Baasaboorka Soomaaliga.

Agaasimaha iyo wafdigiisa oo ka kooban 5-xubnood ayaa madaxda ugu muhiimsan oo ay la kulmeen waxaa kamid ahaa Taliyaha guud ee Booliska Norway, Agaasinka UDI iyo madaxda sare ee Wasaaradaha Amniga, Cadaaladda iyo arrimaha dibadda oo ay isdhaafsadeen khibrado iyo xog badan oo ku saabsan dhinaca wadashaqeeynta.

Wefdiga uu hogaaminayo Agaasime koofi ayaa booqday xarunta UDI, xarunta Booliiska magaalada Oslo, iyo xarunta kaararka aqoonsiga.

Agaasimaha guud ee Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Koofi iyo la-taliyihiisa Mahad Axmed Cabdi ayaa sidoo kale ka qeybgaley xaflad lagu soo gabagabeynayey tababaro iyo aqoon isweydaarsi muddo todobaad ah magaalada Oslo uga socday saraakiil ka tirsan Hay’adda socdaalka Soomaaliya.

Norway oo hor-muud u ah wadamada Soomaaliya kala shaqeeya arrimaha socdaalka ayaa dhowaan ku dhawaaqi doona dhameystirka heshiis ku saabsan oggolaansha dukuumentiyada safarka ee Soomaaliya, iyadoo horay ay Norway u ogolaatey baasaboorka diblomaasiga ah ee Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip