Jubbaland oo qaadacday ka qeyb-galka shirweeynaha Qaran ee Dastuurka

0
Friday May 11, 2018 - 20:02:12 in Wararka by
  • Visits: 315
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jubbaland oo qaadacday ka qeyb-galka shirweeynaha Qaran ee Dastuurka

    Shirkan oo looga hadli doono dib u eegista Dastuurka, 13 bishan Maaj-na ka furmi doona Muqdiso ayay wasaaradda cadaaladda, dastuurka iyo arimaha Diinta Jubbaland shaacisay in aysan ka qeyb-gali doonin shirkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkan oo looga hadli doono dib u eegista Dastuurka, 13 bishan Maaj-na ka furmi doona Muqdiso ayay wasaaradda cadaaladda, dastuurka iyo arimaha Diinta Jubbaland shaacisay in aysan ka qeyb-gali doonin shirkaasi.

Wasiirka wasaaradda cadaaladda, dastuurka iyo arimaha diinta Jubbaland Dr. Aadam Ibraahim Aw-xirsi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirkaasi aysan ka qeybgali doonin.

Wasiirka ayaa ka gaabsaday in uu faahfaahin ka bixiyo sababaha aysan shirkaasi uga qeybgaleyn.

Arrintan ayaa imaaneeysa ayadoo mudooyinkii u danbeeyay uu soo ifbaxayay khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda dhexe iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada.



Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Max'ed Islaam oo dhawaan markii uu dib ugu soo laabtay Kismaayo qabtay shir jaraa'id ayaa dowladda ku eedeeyay in aysan ixtiraamin dowlad goboleedyada, isagoo madaxda dowladda ugu baaqay in ay ilaaliyaan xuquuqda dastuuriga ah ee ay leeyihiin dowlad goboleedyada dalka ka jira.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip