Somaliland Oo Daah-furtay Nidaam Cusub Oo Lagu Diiwaangelinayo Lambarka Cashuur Bixiyaha

0
Friday May 11, 2018 - 18:56:51 in Wararka by
  • Visits: 324
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo Daah-furtay Nidaam Cusub Oo Lagu Diiwaangelinayo Lambarka Cashuur Bixiyaha

    Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay shalay Daahfurtay Nidaamka Diiwaangelinta Lambarka Aqoonsiga Cashuur-bixiyaha. Munaasibaddan oo lagu daahfuray Nidaamka Diiwaangelinta Lambarka Aqoonsiga Cashuur-bixiyaha oo ay s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay shalay Daahfurtay Nidaamka Diiwaangelinta Lambarka Aqoonsiga Cashuur-bixiyaha. Munaasibaddan oo lagu daahfuray Nidaamka Diiwaangelinta Lambarka Aqoonsiga Cashuur-bixiyaha oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Horumarinta maaliyadda Somaliland, ayaa shalay lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaana ka qaybgalay

Wasiirka iyo Wasiir Ku-xigeenka Horumarinta Maaliyadda, Wasiirrada Ganacsiga, Arrimaha gudaha, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, Ganacsato kala duwan iyo Wakiillo Ganacsatada qaar meteleyey, Masuuliyiinnta waaxyaha kala duwan ee Wasaaraddaas, Hay’adaha la shaqeeya qaarkood iyo marti-sharaf kale. Wasiirka horumarinta maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddada iyo Muhiimadda Nidaamkan ay Maanta Daahfureen. Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa isaguna halkaas ka hadlay oo tilmaamay muhiimadda cashuurtu u leedahay dhismaha qaran. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Somaliland Maxamuud Xasan Sacad Saajin, oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay Dadku ku kala duwan yihiin bixinta Cashuuraadka ku waajibay, halka qaarkoodna ay ka cararaan cashuurta. Sidoo kale, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Maxamed Daahir, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Cabdiraxmaan Sheekh, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shugri iyo Xubno ku hadlayey Magaca Ganacsatada, ayaa iyaguna halkaas ka hadlay, dhammaantoodna waxay iftiimiyeen sida ay lagama maarmaanta u tahay isku xidhnaanta iyo wada-shaqaynta Cashuurbixiyeyaasha iyo Cashuur-qaadayaasha oo uu wax fiican ku soo kordhin karo adeeggan la soo kordhiyey. Gebo-gabadii Wasiirka Horumarinta Maaliyadda iyo Wasiirrada kale ee Munaasibadda ka qaybgalay, ayaa Shahaadooyinka Aqoonsiga Cashuurbixiyeyaasha Halkaas ku guddoonsiiyey Tobankii Ganacsade ee ugu horreeyey ee soo buuxiya Foomka Nidaamka Cashuur-bixinta.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip