Jeneral Caanood oo shaaciyay magacyada saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo lagu diley Bariire

0
Friday May 11, 2018 - 18:34:13 in Wararka by
  • Visits: 358
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jeneral Caanood oo shaaciyay magacyada saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo lagu diley Bariire

    Abaandullaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jen. C/llaahi Cali Caanood ayaa shaaciyey qaar ka mid ah magacyada saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo lagu diley duqeyn ay ciidamada Maraykanka ka fuliyeen deegaanka Bariire ee gobolka Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abaandullaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jen. C/llaahi Cali Caanood ayaa shaaciyey qaar ka mid ah magacyada saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo lagu diley duqeyn ay ciidamada Maraykanka ka fuliyeen deegaanka Bariire ee gobolka Sh/Hoose.

Jen. Caanood oo u waramayay idaacada ku hadasha afka ciidamada ayaa sheegay in duqeynta lala beegsaday saldhigyo ay Al-shabaab ku lahaayeen meel u dhaw degaanka Bariire.

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka ayaa magacaabay saddex ka mid ah saraakiil uu sheegay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab waxaana ay kala yihiin Khalif Maxamed Warsame (Khaliif Cadale), Yuusuf Macalin Cabdalla iyo Muuse Cali Gaabow.

 

Sidoo kale, abaandullaha ciidanka xoogga dalka waxa uu sheegay in duqeynta lagu burburiyey ilaa iyo afar goobood oo Al-shabaab u ahaa saldhigyo ay ka soo abaabulaan weerarada laguna dilay dagaalyahano badan oo kooxda ka tirsanaa

Jen. Caanood oo ka hadlay wararka sheegaya in howlgalkaas dadka lagu dilay ay ku jireen shacab ayuu sheegay iney arrintaas maqleen ayna socdaan baaritaano la xiriira.

Magaalada Muqdisho ayaa maanta la keenay meydadka shan ruux iyo afar ruux oo dhaawac ah kuwaasoo la sheegay inay ahaayeen xoogsato ku sugneyd deegaanka Bariire ayna waxyeelo ka soo gaartay duqeynta ay ciidamada Maraykanka ka fuliyeen deegaankaas.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip