Wasiirka Amniga oo amray in ciidamada ay soo qabtaan dadka dilalka qorsheysan ka fuliya Muqdisho

0
Friday May 11, 2018 - 18:03:13 in Wararka by
  • Visits: 236
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Amniga oo amray in ciidamada ay soo qabtaan dadka dilalka qorsheysan ka fuliya Muqdisho

    Wasiirka Amniga Soomaaliya maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa ciidamada Amaanka dalka ku amray in ay gacanta ku soo dhigaan kooxaha dilalka qorsheysan ka geystaan magaalada Caasimada Muqdisho,isagoo sheegay inaan marnaba la aqbali Karin in dilal ay k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Amniga Soomaaliya maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa ciidamada Amaanka dalka ku amray in ay gacanta ku soo dhigaan kooxaha dilalka qorsheysan ka geystaan magaalada Caasimada Muqdisho,isagoo sheegay inaan marnaba la aqbali Karin in dilal ay ka dhacaan magaalada muqdisho.

Sidoo kale Wasiir Islow ayaa sheegay in ka hor sugida amniga muqdisho looga baahnayahay ciidamada qalabka sida ee dowladda soomaliya in ay dhexdooda ay la yimaadaan wada shaqeyn si ay ugu fududaato buu yiri la dagaalanka cadowgooda.

Magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii dambe Waxaa ka dhacayay Dilalka qorsheysan ee loo geysto askarta ka tirsan Ciidanka Dowlada Soomaaliya, waxaana weerarkii ugu dambeeyay ee dhacay xalay lagu diley afar ruux oo ku sugnaa guri uu ka degenaa degmada Wadajir sarkaal ka tirsan ciidamada nabad sugida.

Hase yeeshee, Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diyaarisay ciidamo looga tala galay sidii ay ugu hortagi lahaayeen weerarada Al-Shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip