Qarannimada haddii la waayo, walba Dollarka khaliijku ma ii sii soconayaa!!!=NasashadaJimcaha. Q-95aad.

0
Friday May 11, 2018 - 17:53:36 in Wararka by
  • Visits: 757
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarannimada haddii la waayo, walba Dollarka khaliijku ma ii sii soconayaa!!!=NasashadaJimcaha. Q-95aad.

    1-Dadka Soo Qoraya Bisha Ramadaan Awgeed iska keey cafi. iska hubi, qaarkood waa ay rabaan Bisha Ramadaan hadey dhamaato in ay ku caayaan, Qaarna intii hore oo kaliya aan iska cafino ayeey ka wadaan, qaarna hor iyo dibba aan is cafino.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Dadka Soo Qoraya Bisha Ramadaan Awgeed iska keey cafi. iska hubi, qaarkood waa ay rabaan Bisha Ramadaan hadey dhamaato in ay ku caayaan, Qaarna intii hore oo kaliya aan iska cafino ayeey ka wadaan, qaarna hor iyo dibba aan is cafino.

( Ugaas ciisoow, Subacii Soonka ee la wareejin jiray waa yaraaday ee ma shiidaa, mise Xertii ayaa cabsatay, Mise, Mise).

2 -Macallin ayaa ardaygiisii ku yiri: ka soo qaad in adiga oo kaligaa Duurka jooga uu Libaax ku soo weeraro. Maxaad sameyn laheyd? Ardaygii ayaa yiri: Macallin, ka soo qaadda lafteeda, ayaan iska dhaafi lahaa.

( Ballamada masuuliyiinta qaar waa un ka soo qaadaa. " ka soo qaad, Lacalla haddii aad i doorataan, waad dhargeysaan,waxaan sameynaa…Adiguna Shacabow u sheeg in dharagtii ay noqotay Sawir Caloosha korkeeda ah, laakin Caloosha dhaxdeedu weli Faaruq tahay) Fiiri Sawirka 1aad.

3- Naag ayaa ninkeedii oo Sakaraad ah ku tiri: Dardaaran. waxa uu ku yiri: Gadaasheeyda Cali Badmaceeye Guurso. Waxa ay ku tiri: kaasi soow ma ahan kii aad colka aheydeen?. Waxa uu yiri: waxaan rabaa in dhibkii aan soo maray uu soo maro.

( Axmadey oo doorashadii looga Guuleystay ayaa waxaa u yimid saaxiibkii Cali Qaaq , wuxuuna weeydiiyay,Mudane Axmadeyow adiga waa lagaa guuleystay, waadna tagee ee anigu maxaan sameeyaa?. Axmadey ayaa ku yirii: kuwaan cusub wasiir u noqo. Cali Qaaq ayaa ku yiri: sow kuwani ma ahan kuwii shalay mucaaradka nagu ahaay. Axmadey ayaa yiri: waxaan rabaa sidii aad ii lug gooysay in aad u lug gooyso…. Cali Qaaq hadda waa wasiir ).

4-Macallin Xuseen ayaa ardaygiisii Cabdi oo waxbarashada necbaa ku yiri: Cabdiyoow, maalinta Qiyaamaha dhulka waa la duubayaa, dadkuna waa wada dhimanayaan. Ardaygii ayaa yiri: Macalin maalintaa dugsiga mala dhiganayaa mise waa fasax.

( Nin Masuul ah ayaa lagu yiri: Haddii Soomaalidu sidan ku sii socto, Qaranimadiina ayaad weyneysiin, waadna kala tageysiin. Masuulkii Soomaliga ahaa ayaa yiri: Qarannimada haddii la waayo, walba Dollarka khaliijku ma ii sii soconayaa).

5-Laba nin oo xaasiiba ahaa ayaa Qaad ku cunayay banaanka Guri ku yiil xaafad kale, Saqdii dhexe ayaa mid yiri: Waan baxayaa ee waa meeqa Saac? Kii kale ayaa ku yiri: Saacad ma heysto, laakin waan qiyaasi karaa. Saaxiibkii ayaa ku yiri: Sideed u qiyaasee , Galabta ilaa iyo xiligaan wax Saacad wata ma aadan arkine.

Kii kale ayaa Jeebka gacanta Galiyay oo Firimbi kala soo baxay, markaa ayuu afuufay oo Fiririq, Fiririq ka siiyay. Oday deganaa guriga ay darbigiisa ku marqaameen ayaa ku soo toosay shanqarii Firimbiga. Markaa ayaa isaga oo qaylinaya uu yiri: Waa kuma Ruuxa sagaal saac habeenimo firinbiga nagu yeerinaayo?. Haye Sagaal Saac habeennimo waaye. fiiri sawirka 2aad.

( Armaa kuwa marqaansani Bisha Ramallaan, Saxuurta shanqarta rasaasta nagu kiciyaan).

6- Koo reer Gaalkacyo ah ayaa u soo martiyay Cid beeraleya oo Afgooye degan ,waxa uu weydiistay in la siiyo meel uu jiifto. Reerka oo lahaa laba Mudul mid ay seexato xaaska iyo caruurteedu, iyo mid uu seexdo ninka loo soo martiyay iyo waab banaanka ah. Waabtii ayaa la seexiyay martigii, hurdo ayaa ka soo dhici weyday.

Waxa uu maqlay ninkii guriga lahaa oo xaaskiisii u wacaya oo leh, Aay Faay, Hurdaa iga soo dhici weyday ee "Weelka Hurdada” ii keen. Waa u tagatay wax yar kadib Xuuradiisaa yeertay, xaaskiina aqalkeedii ayeey ku noqotay. Fiiri sawirka 3aad.

Kii martiga ahaa oo isna hurdo ka soo dhici weyday, ayaa is yiri waxan hurdada keenaya ee weelka ku jiro hadaad heli laheed adnna waad hurdi laheyd, isaga oo aanan fahmin baaqa cidda. Naagtii ayuu u wacay oo ku yiri: Naayaahee Faay anna waan hurdi waayay ee weelka hurdada maad i siisid. Naagtii oo naxsan ayaa ninkeedii u tagatay kuna tiri: Aboow Siidoow ka kac oo maqal martigii Akhallaq xumidiisa waxa uu ku hadlayo, waana maqlay. Ul weyn ( daab) agtiisa yiil ayuu soo qaatay. Waa la ogaa martigii waxa ku dhacay, hurda la aanu kuu roone si fiican ayaa hurdadii uga tagtay, Isbitaalka Shifa ee Xamar ayuu 4 bil jiifay.

( Masuuliyiintaan Soomaalidaa ee u sii ordaya waddamada Carabta, ee aan aqoon Baaqa Af- Carabiga, waxaan ka baqaa Lacagu kuu roone iyagoo daq daqran, in ay soo noqdaan). Fiiri sawirka 4 & 5aad.

Qore: Yahya Amir





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip