Madaxweynaha oo ka qeybgalay munaasabadda caleema-saarka Guddoomiyaha Golaha Shacabka

0
Friday May 11, 2018 - 17:05:24 in Wararka by
  • Visits: 294
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo ka qeybgalay munaasabadda caleema-saarka Guddoomiyaha Golaha Shacabka

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta ka qayb galay xafladda caleema-saarka Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Goleyaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta ka qayb galay xafladda caleema-saarka Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Goleyaasha dowladda looga baahan yahay in ay yeeshaan wadashaqeyn buuxda si loo adkeeyo dowladnimadeenna.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dadaalka loogu jiro dowlad-dhisidda Soomaaliya ay ka dhalan karto kala aragti duwanaansho, balse loo baahan yahay in taasi lagaga gudbo isfaham, is-qancin iyo tanaasul maadaama dan guud laga wada shaqeynayo.

Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey xildhibaannada inay gutaan waajibkooda dastuuriga ah si loo dardargeliyo anisixinta shuruucda horyaalla Baarlamaanka ee mudnaanta u leh howlaha ay dowladdan ku taamayso inay ku guulaysato muddo xileedkeeda.

Mar uu ka hadlayay siyaasadda dowladda ee ku wajahan arrimaha dibadda ayuu Madaxweynuha yiri "waxaan rabnaa inaan xiriir la yeelanno dawlad walba oo danta Soomaaliyeed ka shaqeynaysa, xiriirkaas oo ku dhisan wada shaqeyn, iskaashi iyo isxurmayn."

Madaxweynaha ayaa xildhibaannada uga mahadceliyey biseylka siyaasadeed iyo hufnaanta ay ku doorteen Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyay xildhibaannada Golaha Shacabka hannaankii dimuqraadiyadda iyo hufnaanta ku salaysnaa ee ay u guteen waajibaadkooda dastuuriga ah.

Waxaa kale oo ammaanay xildhibaannadii u istaagay qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka , aqbalayna natiijadii codbixinta.

Madaxweynaha JFS oo ka qayb galay xaflada caleemo saarka Afhayeenka gollaha shacabka Cali Ducale-10
Madaxweynaha JFS oo ka qayb galay xaflada caleemo saarka Afhayeenka gollaha shacabka Cali Ducale-7
Madaxweynaha JFS oo ka qayb galay xaflada caleemo saarka Afhayeenka gollaha shacabka Cali Ducale-19
Madaxweynaha JFS oo ka qayb galay xaflada caleemo saarka Afhayeenka gollaha shacabka Cali Ducale-14
Madaxweynaha JFS oo ka qayb galay xaflada caleemo saarka Afhayeenka gollaha shacabka Cali Ducale-6
Madaxweynaha JFS oo ka qayb galay xaflada caleemo saarka Afhayeenka gollaha shacabka Cali Ducale-35Madaxweynaha JFS oo ka qayb galay xaflada caleemo saarka Afhayeenka gollaha shacabka Cali Ducale-26


Madaxweynaha JFS oo ka qayb galay xaflada caleemo saarka Afhayeenka gollaha shacabka Cali Ducale-32
Madaxweynaha JFS oo ka qayb galay xaflada caleemo saarka Afhayeenka gollaha shacabka Cali Ducale-40
Madaxweynaha JFS oo ka qayb galay xaflada caleemo saarka Afhayeenka gollaha shacabka Cali Ducale-42
Madaxweynaha JFS oo ka qayb galay xaflada caleemo saarka Afhayeenka gollaha shacabka Cali Ducale-47
Madaxweynaha JFS oo ka qayb galay xaflada caleemo saarka Afhayeenka gollaha shacabka Cali Ducale-49
Madaxweynaha JFS oo ka qayb galay xaflada caleemo saarka Afhayeenka gollaha shacabka Cali Ducale-52



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip