(WARBIXIN)Maxaa Ka Jira In Ay Kala Qeybsan Yihiin Soomaalida Ku Nool Kenya?

0
Thursday May 10, 2018 - 10:35:56 in Wararka by
  • Visits: 420
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    (WARBIXIN)Maxaa Ka Jira In Ay Kala Qeybsan Yihiin Soomaalida Ku Nool Kenya?

    Hoggaamiyaha Aqlabiyadda badan ku dhex leh Barlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale waxa uu si kulul u beeniyey Qoraal uu Qareenka Degmadda FLAMBOYAMT ee dalka Kenya, Donald Kipkorir kaga been sheegay Tirada Soomaalida ku nool dalkaasi iyo inuu Kala-qe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha Aqlabiyadda badan ku dhex leh Barlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale waxa uu si kulul u beeniyey Qoraal uu Qareenka Degmadda FLAMBOYAMT ee dalka Kenya, Donald Kipkorir kaga been sheegay Tirada Soomaalida ku nool dalkaasi iyo inuu Kala-qeybsanaan ka dhex jiro Mujtamaca Soomaalida.
Donald Kipkorir waxa u uBartiisa Twitter-ka ku qoray inay Mujtamaca Soomaalida ku nool gudaha Kenyaa ay tiradoodu ka yar tahay 300,000 oo qof, waa sida uu hadalka u dhigay.

Balse, Aadan Ducaale ayaa beeniyey hadalkaasi, wuxuuna tilmaamay in Soomaalida ku nool Kenya ay tiradoodu ka sarreyso 3 million oo qof.

Dhinaca kale, Donald Kipkorir waxa uu qoray in Soomaalida la mid yihiin dadka u dhashay dalka Qatar, isla markaana aysan weligooda oggolaanin in caliyaan Kala-qeybsanaantooda Siyaasadda, waa sida uu hadalka u dhigay.

Hoggaamiyaha Aqlabiyadda badan ku dhex leh Barlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale o oah Xildhibaanka laga soo doorto Degmadda Garissa waxa uu Donald Kipkorir faahfaahin ka siiyey Taariikhda Asaasiga ee dadka Soomaalida, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay dadka Soomaalida 65% ka yihiin dadka ku nool Geeska Afrika.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip