Dad Badan oo ku dhintay biyo xireen ku dumay Kenya.

0
Thursday May 10, 2018 - 10:27:59 in Wararka by
  • Visits: 429
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad Badan oo ku dhintay biyo xireen ku dumay Kenya.

    Ugu yaraan 20 Qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen iyada oo kumanaan kalena ay ku barakaceen kaddib markii saaka uu dumay Biyo xireen ku yaalla Waqooyi Galbeed dalka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 20 Qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen iyada oo kumanaan kalena ay ku barakaceen kaddib markii saaka uu dumay Biyo xireen ku yaalla Waqooyi Galbeed dalka Kenya.

Maamulka Gobolka Nakuru ayaa sheegay in ay ka wal walsanyihiin in dhimashada intaas ka badan karto iyada oo ay wali socota bad baadada dadka uu ku dumay Biya xireenka.

Saraakiisha Booliska Kenya ee gurmadka u tagay goobta ayaa sheegay in dadka dhintay ee la helay ay ka badanyihiin kuwa la la’yahay.

Degaanka waxaa ku barakacay saaka kalaiya dad ka badan 3,000 oo Qoys,waxaana hay’adda Bisha cas ee Kenya ay waddaa samata bixinta dadka biya ku fataheen.

Hanti badan ayey sheegeen in ay ku bur bureen Fatahaadda ka dhalatay biya xireenka Dumay iyada oo howlgalka gurmadka deg degga ahna uu wali socdo.



Sawirro laga qaaday goobta ayaa muujinaya Biyaha ka fakaday biya xireenka oo jiiray guryo badan islamarkaana bur buriyay.

Dumidda Biya xireenkan ayey saraakiisha Gobolka sheegeen in ay ka dhalatay roob xoog leh oo ka da’aya gobolka,waxaana ay walaac ka muujiyeen cabsida laga qabo kororka khasaaraha.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip