Wararkii ugu dambeeyay Al-Shabaab oo xalay gudaha u galay deegaan ka tirsan Cadaado

0
Thursday May 10, 2018 - 09:53:01 in Wararka by
  • Visits: 341
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu dambeeyay Al-Shabaab oo xalay gudaha u galay deegaan ka tirsan Cadaado

    Wararka ka imaanaya deegaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay fiidkii dagaalamayaal ka tirsna Al-Shabaab ay gudaha u galeen deegaankaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya deegaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay fiidkii dagaalamayaal ka tirsna Al-Shabaab ay gudaha u galeen deegaankaas.

Sida ay sheegayaan ciidankii deegaanka iyo kuwa dowladda ee ku sugnaa ayaa isaga baxay, kaddib markii dagaalamayaal ka tirsan Shabaab oo ku hubeysnaa gaadiidka dagaalka ay ku soo dhowaadeen.

Wararka ayaa sheegaya in labo ka mid ah gaadiidka dagaalka oo ay wateen Shabaab ay gudaha u soo galeen deegaanka, iyadoo aan wax dagaal ah ka dhicin.

Mid ka mid ah saraakiisha deegaanka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay muddo 30 daqiiqo ku sugnaayeen deegaanka, isla markaana dadka deegaanka ay kula hadleen masaajidka.

Taliyaha Booliska deegaanka Baxda ayaa u sheegay qaar ka mid ah Warbaahinta Muqdisho in ay u babac dhigi waayeen dagaalamayaasha Shabaab ee soo gaaray deegaanka, maadaama ciidamo ku filan aanay heysan.

Deegaanka Baxda ayaa 90KM u jirta degmada Cadaado, waana deegaanada hoos taga maamulka Galmudug, iyadoo maamulka Galmudug uu qorsheynayo in ciidamo dheeraad ah uu u diro deegaanka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip