Mahathir Mohamad oo markale loo dhaarinayo madaxtinimada dalka Malaysia

0
Thursday May 10, 2018 - 09:16:36 in Wararka by
  • Visits: 354
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mahathir Mohamad oo markale loo dhaarinayo madaxtinimada dalka Malaysia

    Xisbiga mucaaradka dalka Malaysia oo uu hogaamiyo ra'iisal wasaarihii hore ee dalkaas Mahathir Mohamad ayaa ku guuleystey doorasho taariikhi ah oo ka dhacday dalka Malaysia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga mucaaradka dalka Malaysia oo uu hogaamiyo ra'iisal wasaarihii hore ee dalkaas Mahathir Mohamad ayaa ku guuleystey doorasho taariikhi ah oo ka dhacday dalka Malaysia.

Guddiga doorashada ayaa ku dhowaaqay natiijada doorashadii ay shacabka dalka Malaysia u dareereen waxaana ku guuleystey 115 kursi oo baarlamaanka dalkaas isbahaysiga mucaaradka iyadoo 112 kursi xisbigii ku guuleysta uu soo dhisayo dowlada waddanka Malaysia.

Mr Mahathir oo 92 jir ah ayaa ka guuleystey xisbiga Barisan Nasional oo muddo lixdan sano ah xukumayay dalka Malaysia.

"Ma raadinayno aargoosi,waxaan rabnaa inaan soo celino sharciga iyo kala dambeynta.”ayuu yiri Mahathir oo noqonaya hogaamiyaha ugu da’ada weynaa caalamka ee doorasho ku guuleysta.

Afhayeen u hadlay dowlada ayaa sheegay in shaqada laga fasaxay shaqaalaha wadankaas maanta oo khamiisah iyo beerito oo  Jimca ah.

Taageerayaasha isbahaysiga mucaaradka ee doorashada ku guuleystey ayaa wadooyinka waaweyn isugu soo baxay iyagoo dhigey banaanbaaxyo ay ku muujinayaan shucuurtooda.

Ra’iisul Wasaaraha Malaysia oo haatan talada lagala wareegayo Najib Razak ayaa lagu eedeeyay inuu musuqmaasuqay oo uu malaayiin dollar bangiyada ku shubtay,hase yeeshee Razak ayaa beeniyay in uu musuqmaasuq ku kacay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip