HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHUMTIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 10-KA MAY 2018-KA

0
Thursday May 10, 2018 - 09:00:46 in Wararka by
  • Visits: 525
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHUMTIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 10-KA MAY 2018-KA

    GUDDOOMIYAHA CUSUB EE GOLAHA SHACABKA OO MAANTA LA CALEEMA SAARAYO.. Waxaa maanta oo Khamiis ah lagu wadaa in Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomalaiya ay ka dhacdo Xaflada caleemo saarka Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Mudane Maxamed Murs

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

GUDDOOMIYAHA CUSUB EE GOLAHA SHACABKA OO MAANTA LA CALEEMA SAARAYO.. Waxaa maanta oo Khamiis ah lagu wadaa in Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomalaiya ay ka dhacdo Xaflada caleemo saarka Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.Munaasabadan oo ka dhaceysa xarunta General Kaahiye ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda ugu sareysa ee dalka, Wufuud caalami ah oo dalka,. Wufuud caalami ah oo dalka Dibaddiisa ka imaanaya iyo xubno kale.

Sidoo kale waxa ka qeyb galaya Munaasabadda Xubno ka socda Baarlamaanada Maamul Goboleedyada iyo Wakiilada Beesha Caalamka, sida ay inoo sheegeen qaar ka tirsan xubnaha qaban qaabinaya Xafladan.

Waxaa maanta oo Khamiis ah lagu wadaa in Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomalaiya ay ka dhacdo Xaflada caleemo saarka Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Munaasabadan oo ka dhaceysa xarunta General Kaahiye ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda ugu sareysa ee dalka,

Ammaanka Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta ay ka dhaceyso Munaasabadda ayaa aad loo adkeeyay, si looga hortago falal ka baxsan amniga in ay dhacaan, inta ay socoto Munaasabadda.

Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa Khamiistii ina dhaaftay si rasmi ah xilka ugala wareegay Guddoomiyihii hore ee Golaha shacabka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Golaha shacabka Soomaaliya ayaa waxaa horyaalla shaqooyin badan oo la xiriira Baarlamaanka, kuwaasi oo laga doonayo inuu halkooda ka sii wado

RA’IISUL WASAARE KHEYRE OO KA QEYB GALAY XUSKA MAALINTA AASAASKA MIDAWGA YURUB

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, oo shalay Muqdisho uga qeyb galay xuska sanad guurada 61aad ee aasaaska Midawga Yurub oo sanad kasta la xuso shalay oo kale, ayaa u diray hambalyo ku aadan munaasabadda muhiimka ah.

Ra’iisul wasaaraha oo khudad dhinacya badan taabaneysa ka jeediyay munaasabadda ayaa sidoo kale ka halday shirkii dhawaan lagu qabtay Brussels iyo dhaqaalihii ay u ballan qaadeen midawga Yurub kaalmada iyo garab istaagga Soomaaliya, waxa uuna ku ammaanay sida ay Soomaaliya u garab taaganyihiin gaar ahaan arimaha dhaqaalaha, Amniga iyo caawinta Barakacayaasha iyo Qaxootiga.

Mudane Kheyre ayaa ka codsaday Midawga Yurub in ay laba jibbaaraan dadaallada ay ku garab taaganyihiin Soomaaliya, isaga oo xussay in Soomaaliya ay soo kabaneyso ayna aad ugu baahantahay taageero dhinac waliba leh si ay cagaheeda isugu taagto mar kale.

QARAX ISMIIDAAMIN AH OO KA DHAC AY SHABEELLAHA HOOSE IYO DHIMASHADA OO 20…

Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in qof ismiidaamiyey uu 14 qof ku dilay, islamarkaana 15 kale ku dhaawacay suuq ku yaalla degmada Wanlaweyn ee gobolka.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellaha Hoose ee dhinaca ammaanka Cabdifataax Xaaji Cabdulle, ayaa sheegay in qofka weerarka fuliyey uu beegsaday suuq qaadka lagu iibiyo, abaare afartii galabnimo ee xilliga Geeska Afrika.

Cabdifataax ayaa VOA u sheegay in qofka weerarka fuliyey la tuhunsan yahay inuu ka tirsanaa kooxda AlShabaab.

"Ismiidamiye ka tirsan AlShabaab ayaa suuqa qaadka isku qarxiyey, wuxuuna galaaftay noloshiisa iyo 14 qof oo kale, isaga oo dhaawacay in ka badan 15 kale” ayuu Cabdifataax u sheegay VOA.

Degmada Wanlaweyn ayaa waxaa ku yaalla saldhigga milatari ee Belidoogle oo ay ku sugan yihiin ciidmada gaarka u tababaran ee Soomaaliya, iyo tababerayaal Mareykan ah.

DAGAAL DHIMASHO, DHAAWAC IYO BARAKAC GEYSTEY OO KA DHACAY DEGAANO KA TIRSAN GOBOLADA SANAAG IYO SOOL

Dagaal Culus ayaa ka dhex bilaabmay laba beelood oo wadada dega dhul balaadhan oo ka tirsan gobolada Sanaag iyo meelo ka mid ah gobolka Sool, waxaana la sheegayaa in uu khasaare xoog leh geystey.

Dagaalkan ayaa waxa uu daba socdey dagaalo bilihii la soo dhaafay ka dhacayey degaanadaasi oo sababay qasaare baahsanaa iyo barakacba.

Dagaalkan oo shalay ka bilaabamay meel lagu magcaabo Dhidinka oo u dhow degmada Ceelafweyn ayaa la sheegay in saameeyey degaano balaadhan oo ay labadaas beelood wada degaan oo ay ka mid yihiin Siigadheer, Dararweyne, Fadhigaab iyo degaano kale.

"Ceelafweyn waxaan ogahay in ay ku dhinteen 7 ruux oo mid haweeney tahay, sidoo kale waxaa naloo sheegay Fadhigaab in sagaal ruux ay ku dhinteen, halka dhidinkana 5 ruux la sheegay warkuna intaas maaha ee waa soo kordhayaa oo weli khasaaraha lama xaqiijin karo" sidaa HOL u sheegay Maxamuud Ismaaciil oo joogey Ceel Afweyn xiligii dagaalku Dhacayey.

Dad badan oo aan kala xidhiidhnay degaanada dagaaladu ka dheceen waxa ku adkaaday in ay helaan xaqiiqada dhabta ah ee khasaaraha labada dhinac, balse dadka qaarkood oo labada dhinaca ah waxa ay kuu sheegayaan halka ay joogaan iyo sida ay u adagtahay qaadashadeedu.

Gurmad ciidan ayaa labada dhinac ay ka wadaan degaanada ka baxsan dhulka laysku laayey, illaa hadana ma jiraan dadaalo lagu xakamayn karo iyadoo xiisadu meel aanay weligeed gaadhin ay marayso.

Meelaha qaarkood dagaalka waa istaagey waxaana soconaya qax ka bilaabmay degaanadii dagaaladu ka dheceen iyo kuwo kaleba.

ISMAACIIL MAX’ED OO U TARTAMAYAY XAAFADDA 25 EE COLUMBUS OHIO AYAA LAGA ADKAADAY

Gabi ahaan dalkan Mareykanka waxaa ka socda doorashooyinka dhexe ee sanadk 2018, Soomaalida Mareykan kuna waxay ka mid yihiin dadka u ordaya kuraasta kala gadisan ayaga oo ka tartamaya gobollo kala duwan.

Haddaba gobolkani Ohio magaalada Columbus degmadda 25 waxaa u tartmaya sadex qof oo ka socda xisbiga Democracy, mid ka mid ahna waa Ismaaciil Maxamed oo ah nin dhalinyaraa isla markaana ah qareen.

Waxaa maalmihii la soo dhaafay ay Kooxaha ololaha Ismaaciil wadeen dadaallo ku aadan sidii ay u gulaysan lahaayeen iyaga oo gaarayay ama tagayay xaafadaha Soomaalida iyo ajnabigaba leh, waxayna soo bixiyeen ama goobta doorashada gaarsiiyeen dad aad u badan.

Asbuuciiugu danbeeyay waxa uu ahaa midkii ugu adkaa ololaha doorashada waana sanadkii ugu horeeyay ee ay Soomaali badan ka qeyb qaateen waxa loo yaqaan "Early Vote” taas oo cabsi galisay dhinacyadii la tartamayay Ismaaciil.

Hadaba markii ay soo xirmeen goobihii codbixinta waxa ay Soomaalidii isugu yimaadeen Maqaaxida weyn ee Pizza House oo ay soo buux dhaafiyeen boqolaal Soomaali ah ka warsugayay natiijada doorashada iyaga oo rajo fiican ka qabay in uu Ismaaciil guuleysto.

Waxaa hadba ay tirinta codadku is badalaan waxaa soo baxay natiijada oo noqotay mid aan farxad galin Soomaalidii goobta joogtay iyo Ismaaciil Maxamed.

Waxaana Ismaaciil laga koreeyay codad gaaraya sideed boqol (800) waxa ayna u kala heleen sidan.

Bernadine Kennedy Kent oo heshay 4,881 (Afarkun sideed boqol sideetan iyo kow )

Ismaaciil Maxamed oo helay 4,058 ( Afar kun konton iyo sideed)

Lamar D Peoles oo helay 1,532 ( kun shan boqol sodon iyo labo) Hadaba codadka uu helay Ismaaciil waxa ay ahayeen kuwo muujinaya suurtogal nimada in gobolka Ohio oo aysan Soo maalidu wali ka tartamin ka samayn karaan isbadal siyaasadeed, waxa ayna uga dhigneyd iyaga oo guuley stay.

Waa markii ugu horeysay oo qof Soomaali ah sameeyo tartan adag oo noocan oo kale ah waxana ismail uu furay wadadii ay qaadi lahayeen jiilasha Somalida Ohio ee aqoonta u saaxiibka ah.

MADAXWEYNE ISMAACIIL CUMAR GEELLE IYO UHURU KENYATTA OO KA WADA HADLAY HAWLGALKA AMISOM IYO DEGANAANSHAHA SOMALIA

UHURU-DJIBOUTI-ISMAILMadaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo daraad booqasho 3 maalmood ah ku tegay Kenya waxa uu shalay dhigiisa dalkaasi, Uhuru Kenyatta kula kulmay Aqalka Dowladda ee magaalladda Nairobi.

Labada Madaxweyne waxay ka wada hadleen Xoojinta Xiriirka Labada Waddan, Xaalladda Somalia, Hawlgalka AMISOM iyo Ammaanka Gobalka.

Kulankaasi kadib, Madaxweyne Geelle oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay inay isaga iyo Uhuru Kenyatta ka wada xaajoodeen sidii loo xoojinta Xiriirka iyo Ammanka Labada Waddan, loona badbaadin lahaa Nolosha iyo Hantida Muwaadiniinta labadooda waddan.

Madaxweyne Geelle waxa uu hoosta ka xariiqay inay Jabuuti iyo Kenya ku yaallaan Gobal aad u rabshadaysan, loona baahan yahay inay labada dal xoojiyaan dadaalkooda ku aadan sidii dalalka Gobalka loogu soo dabaali lahaa Nabad buuxda.

"Waxaan ku dhex jirnaa Gobalka rabshadaysan, halkaasi oo aan wajahayno Xagjir iyo colaado. Waana taasi sababta ay Ciiddankeenna u joogaan gudaha Somalia, si aan uga caawino inay mar kale helaan Deganaansho” ayuu yiri Madaxweyne Geelle, oo intaasi sii raaciyey in ay ka hortagayaan sidii aysan Khatarta Nabadda iyo in la yareeyo Deganaansho La’aanta Gobalka.

Madaxweyne Geelle waxa uu farta ku fiiqay in waxa ka dhacayo Somalia ay si degdeg ah u wada baab’in karaan Gobalka, xuxuuna xusay in Jabuuti sida Kenya oo kale ay ka daacad tahay sidii Somalia loogu soo dabaali lahaa Nabad Buuxda.

Booqahaddda uu Madaxweynaja Jabuuti ku joogo dalka Kenya ayaa timid, hal maalin kadib, markii uu Ra’isulwasaaraha cusub ee dalka Ethiopia, Abi Axmeddhamaystay booqasho 2maalmood oo uu ku joogay dalka Kenya.

LAHAYSTAYAAL MARAYKAN OO KU XIR NAA WAQOOYIGA KUURYA OO LA SII DAAYEY

Madaxweyne Donald Trump waxa uu goor dhow Bartiisa Twitterka soo dhigay in lagu guuleystay in la sii daayo 3 nin oo Maraykan ah, kuwaasi oo ku xirnaa dalka Waqooyiga Kuurya.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Mike Pompeo ayaa la sheegay inuu Kulan Wanaagsan la yeeshay Hoggaamiyaha da’da yar ee Waqooyiga Kuurya, Kim Jong Un, isla markaana la sii daayey 3da nin ee Maraykanka ah.

Xoghaye Pompeo iyo ragga la sii daayey ayaa la sheegay inay u soo ambabaxeen dalka Maraykanka.

Madaxweyne Trump waxa kale oo uu Twitterkiisa ku qoray inay raggaasi u muuqdeen kuwo caafimaad qaba, oo ay haatan hawada ku soo jiraan.

Tweet kale ayuu Madaxweyne Trump ku sheegay inay Xoghayaha Arrimaha Dibedda iyo 3dii Lahayste ka so odegi doonaan Saldhigga Diyaaradaha ee Andrews Air Force Base abaaraha 2da habeenimo ee Khamiista.

Waxa uu Trump sii raaciyey:= "Waxaan xaadir ku noqon doonaa halkaasi, si aan iyaga u soo dhaweeyo. Aad bay u xiiso badan tahay”..

RA’IISAL WASAARAHA XFS OO KORMEER AY XARUNTA DHEXE EE MAAMULKA HAWADA DALKA

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Cali Kheyre, ayaa shalay kormeeray xarunta dhexe ee maamulka hawada Soomaaliya, si uu ugu kuur galo howlaha muhiimka ah ee xaruntaasi ay u heyso shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Wasaiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada, Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar), ayaa Ra’iisul wasaaraha kusoo dhaweeyay xarunta dhexe ee maamulka hawada Soomaaliya oo ku taalla gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusman.

Wasiir Oomaar ayaa uga warbixiyay Ra'iisul wasaaraha sida howsha ay u wadaan howlwadeennada iyo maamulka xarunta hawada Soomaaliya, kuwaas oo horumar badan sameeyay tan iyo markii maamulka hawada dalka loosoo wareejiyay Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa shaqaalaha iyo maamulka kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan howsha muhiimka ah ee ay u hayaan dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

WASAARADDA WAXBARASHADA OO LA WAREEGTAY DHISME AY WASAARADDU LAHAYD OO KU YAAL DEGMADA HODON EE GOBOLKA BANADIR

Maamulka degmada Hodon oo uu hogaaminayo gudoomiyaha dagmada Maxamed Axmed Cantoobo ayaa shalay ku wareejiyay Wasaaradda Waxbrashada Hidaha iyo tacliinta sare Xaruntii ay ku laheyd xaafadda taleex ee degmada Hodan ee Gobolka Banaaadir. Xarunta Shalay lagu wareejiyay Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare ayaa waxaa degenaa dad Shacab ah oo maamulka degmada uu ka codsaday in ay ka guuraan Madaama ay tahay Xarun danguud.

Xilligii ay dhisnayd dowladda dhexe ee dalka, Waxaa xaruntan deganaan jiray masuuliyiinta ugu sareeysa Wasaaradda Waxbarshada hiddaha iyo taclinta sare, waxaana ku dhawaad 30 sano degenaa dad shacab ah.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane C/raxmaan Daahir Cismaan ayaa sheegay in xaruntaan lagu sameyn doono dayactir, islamarkaana uu kaga mahadcelinayo maamulka degmada Hodon dadaalka ay muujiyeen.

Wasaaradda Waxbarashada hiddaha iyo taclinta sare ayaa dhawaanahaan waday qorshayaasha lagu tayaynayo Waxbarashada Dalka iyo dib u dhiska xarumihii ay laheyd Wasaaraddu si loogu adeego Bulshada Soomaaliyeed.

WASIIRKA DHALINYARADA IYO CIYAARA HA MARWO KHADIIJO OO FAAHFAAHIN KA BIXISAY SAFAR AY KU TAGTAY DALKA KUWAIT

Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay safar ay ku tagtay Dalka Kuwait ka dib markii ay Dalka dib ugu soo laabatay.

Marwo Khadiija Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in madaxda dawladda Kuwait ay isla garteen kordhinta taageerada ay ku bixiyaan horumarinta adeegyada dadwaynaha.

Khadiija Maxamed Diiriye Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha xukuumadda Federaal Soomaaliya ayaa sheegtay in madaxda ay la soo kulmeen ay kala hadleen sidii loo taageeri lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed oo ah kuwo kasoo ka banaya bur burkii Dalka ku dhacay.

Dhanka kale Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya ay diyaar garoow xoogga ugu jirto marti galinta 15 may oo ah maalinta dhalinyarada Qaranka Soomaaliyeed.

"Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa wada qorshayaal ku aadan horumarinta dhalinyarada iyo ciyaaraha Dalka taasoo ay baahi weyn u qabaan dhaliyarada Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda Soomaaliya iyo Gobalada Dalka”

RUUXAANI: IN MAREEYKANKU KA BAXO HESHIISKII NUCLEARKA WAA WAX AAN LA AQBALI KARIN

Madaxweynaha dalka Iiraan Xasan ruuxaani ayaa sheegay in xukuumadda Tahraan ay daba mari doonto Mareeykanka, kalana xaajoon doonto heshiiska Nuclearka dalalka kale ee sixiixayaasha ahaa, isagoo sheegay in ka laabashada Mareeykanka ee heshiiskaasi uu yahay mid aan la aqbali Karin.

Hadalka Ruuxaani ayaa yimid kadib markii madaxweynaha Mareeykanka Donald Trump uu ka baxay heshiiskii Nuclear ee lala galay Iiraan oo uu ku tilmaamay mid dhibaato keenaya.

Ruuxaani oo arimahaasi ka jawaabaya ayaa sheegay "Hadii ujeedooyinkii laga lahaa heshiiska aan ka helno dalalka kale ee saxiixay, sidiisa ayuu ahaan doonaa.”

"Ka bixidda heshiiska, Mareeykanka waxa uu si cad uga hor yimid ballanqaadkiisii heshiis caalami ah,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Waxa uu xusay in aysan marna ogolaan doonin in heshiiskaasi la burburiyo, isagoo yiri "Waxaan amray wasiirka arimaha dibadda in kala xaajoojo dalalka Yurub, Shiinaha iyo Ruushka todobaadyada nagu soo aadan. Haddii dhammaadka mudadan gaaban aan kusoo gabagabeeyno, waxaan si dhameystiran uga faa’iideysan doonnaa heshiiska wadajirka ah ee JCPOA ee Iiraan, anagoo garab uga heleeyna dalalka kale, heshiiskuna wuxuu ahaan doonaan sidiisii.”

Donald Trump ayaa mudooyinkii u danbeeyay waday dadaallo ku aadan in uu ka laabto heshiiska Nuclearka ee madaxweynihii isaga ka horeeyay la galay dalka Iiraan.

DAACISH OO LA SHEEGAY IN AY KORDHI YEEN WEERARADOODA AY KA FULIYAAN SOOMAALIYA

Maqaal dheer oo lagu daabacay barta ka faaloota Colaadaha iyo Dagaalka ee long war journal la yiraahdo ayaa lagu sheegay in Daacish ay Bishii lasoo dhaafay Dilal badan ka geeysteen Soomaaliya, taasi oo ka dhigan in uu kobcayo Garabkooda Bariga Africa.

Afar ka mid ah Shan weerar oo ay sheegteen wixii ka dambeeyay 15 kii April waxay ka dheceen Magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho.

Bartamihii April Daacish waxay Wakaaladooda Wararka u faafisa ee Amaq news ku shegteen in maleeshiyaad Daacad u ah ay Askari Militaryga Soomaaliya ka tirsan ku dileen Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose, Isbuuc ka dibna waxay sheegteen in sargaal ka tirsan heey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ay ku dileen Magaaladda Muqdisho, Afar maalmood kadib ayey hadana sheegteen Sargaal kale oo ay nabad sugdda Muqdisho uga dileen.

Dilka Daacish ay sheegteen ee uu soo aruuriyay joornaalka maqaaalkaan qoray waxaa ka mid ah Todobaadkii lasoo dhaafay dil Magaaladda Muqdisho loogu geeystay Askari booliiska ka tirsan iyo mid nabad sugidda ka tirsan.

2018 gudaheeda Daacish waxay Soomaaliya ka geeysteen ugu yaraan 13 Weerar sida Maqaalka lagu xusay, taasi oo ka badan tii 2016 kii ay geeysteen.

Daacish oo xoogooda Soomaliya uu yaalo Buuleeyda puntland ayaa hadda u muuqda in ay dhaqdhaqaaqyadooda kusoo kordhinayaan koofurta Soomaaliya. Kaliya mahan Dilalka waxa ay sheegtaan, Laakiin waxay sidoo kale sheegteen ugu yaraan Shan Qarax oo Soomaaliya ay ka geeysteen.

Meelaha ay sidoo kale Daacish Weeradda ka fuliyaan waxaa ka mid ah Magaalooyinka puntland ee Boosaaso iyo Qandala ay ka mid yihiin.

Maleeshiyaadkaan oo uu Hugaamiyo Cabdulqaadir Muunin waxay lagu sheegay in ay tiri ahaan u dhexeyaan 200 ilaa 300, hadase ma muuqdaan Dadaalo is wata oo Caacish wiiqaya.

MADAXWEYNAHA SOOMAALILAND OO KU BAAQAY IN LA JOOJIYO DAGAAL BEELEED KA TAAGAN GOBOLADA SOOL IYO SANAAG

Dagaalo xoogan ayaa ka socda deegaanada Siigadheer, Marqacaddo iyo Degmada Ceelafweyn kuwaasi oo ay ku dagaalamayaan laba maleeshiyo beeleed.

Dagaal oo u dhaxeeya laba beelood oo wada degan deegaanadaas saddexda ah ayaa la sheegay inay jiraan khasaare dhimasho iyo dhaaw ac leh inkasta oo aan la xaqiijin karin khasaaraha dhabta ee dagaalka ka dhashay.

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi oo shir jaraa’id oo degdeg ah ku qabtay xarunta Madaxtooyada ayaan waxaan la aqbali karin ku tilmaamay dagaalka ka socda Deegaanada Beriga Somaliland, waxaa uu sheegay uu ku baaqay in dagaalka la joojiyo.

"Dhiiga meesha ku daadanaya waa waxaan la aqbali karin, cid kasta oo Somaliland ku nool waxaan ugu baaqayaa inay gacan nabad ah ka geysato colaada deegaanadaas laga soo sheegayo”ayuu yidhi Muuse Biixi.

Ciidamada Millatariga Somaliland ayaa la sheegayaa inay ku baxeen goobaha dagaaladu ka socdaan si ay u dhexgalaan beelaha dagaalamaya.Dagaalada u dhaxeeya maleeshiyo beeleedka ayaa kusoo noqnoqda deegaanada gobolka Sanaag iyo Sool, kuwaasi oo boqolaal shacab ah ku dhinteen.

GUDDIGA QARAN EE GURMADKA FATAH AADAHA OO LACAG DEEG AH KU WAREE JIYAY MAAMULKA GEDO

Ra’iisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamuud Guuleed (Khadar) oo ah gudoomiyaha guddiga qaran ee gurmadka fatahaadaha ayaa waxa uu shalay lacag gargaar ah oo dhan $100,000 ku wareejiyay gudoomiyaha Gobalka Gedo, Maxamed Muxummed Maxamed, kadib kulan uu guddigu ku yeeshay Muqdisho.

"Waxa aan horay u ballan qaadnay in guddigu ugu deeqayo Gobalka Gedo lacag Boqol Kun oo doolar ah. Waxa aan hadda lacagtaas ku wareejinnay gudoomiyaha Gobalka Gedo oo aan ka dooneyno in uu si cadaalad ah u gaarsiiyo qoysasaka dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha”, ayuu yiri Ra’iisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Gudoomiyaha Gobalka Gedo, Maxamed Muxummed Maxamed, oo gudoomay lacagta gargaarka ah ee loogu tala galay dadka gobalkiisa ee daadadku dhibaateeyeen, ayaa waxa uu ka mahad celiyay gurmadka hordhaca ah, waxa uuna ballan qaaday in dadkii loogu tala galay ay gaarsiin doonaan.

Guddiga qaran ee Gurmadka fataha adaha ayaa tan iyo markii la magic aabay waxa ay wadeen dadaallo loo gu gurmanayo dadka iyo deegaan nada ay ka jiraan xaaladaha bini’aadni nimo ee ka dhashay daadaka, waxa ana xubna kamid ah guddigu ay soc daallo ku mareen deegaanno ay daa dad ku fataheen halkaas oo ay gaar siiyeen qaar kamid ah dadkii ay daa dadku saameeyeen gargaar isugu jira lacag, raashin, dawo, iyo agab kale oo Muhiim u ah nolosha Aadanaha.

KENYA OO DIGNIIN UJEEDISAY MUWAA DINIINTEEDA INTA LAGU GUDO JIRO BI SHA BARAKEYSAN RAMADAAN.

Dowladda Kenya ayaa digniin waxa ay u jeedisay Muwaadiniinteeda Inta lagu Gudo jiro Bisha Barakeeysan ee Ramadaan.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Ken ya Charles Owino oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay In inta lagu Gudo jir Bisha Ramadaan ey dhici karaan weerarro ay soo kooxaha Alshabaab Iyo Daacish oo ka dagaalama wamada Soomaaliya Iyo Kenya.

" Awoodda Alshabaab waa mid aan la dhayalsan karin xilli walbana weerar ayaa dhici kara, waan udiyaar garoobeeynaa weeraro inaan ku qaadno kooxaha argagaxisada ah” Sidaa waxaa yiri Charles Owino.

Dhanka kale Owino ayaa Shacabka Kenya ugu laabqaboojiyay in ay wiiqeen awoodda Xarakada, waxa uuna u sheegay in feeyjignaan dheeraad ah ey galaan inta Soonka lagu jiro, eyna si dhaw ula shaqee yaan laamaha amaanka Kenya.

Sidoo kale Afhayeenku waxa uu walaac xoogan ka muujiyay Xuduudda udhaxeeysa Soomaaliya Iyo Kenya, halkaa uu kaga digay in ey tagaan dadka Kentyaanka gaar ahaan kuwa aan kasoo jeedin gobolka waqooyi bari Kenya.

"Waxaan uga digeeynaa guud ahaan bulshada in ey heegan ku jiraan, kana foogaadaan goobaha la isugu yima ado, sida Kaniisadaha, Hootee lada, Meelaha basaska laga raaco Iyo Iskuulada” ayuu ku digay Mr Owina.

Xarakada Alshabaab gaar ahaan garabka Aleyman ee ka dagaalama wadanka Kenya ayaa weerarro Lixaad leh waxa ey ku qaadaan Gudaha Kenya gaar ahaan dhulka Soomaalida inta lagu gudo jiro Bisha Barakeeysan ee Ramadaan.

TAHRIIBAYAAL AY SOOMAALI KU JIRTAY OO KU DHAWAACMAY SHIL KA DHACAY DALKA GIRIIGGA.

Hadal ka soo baxay Boliska dalkaasi ayaa lagu sheegay inay Tahriibayaashaasi ku dhaawacmeen gaari ay la socdeen oo Waaberigii Talaadada (daraad) ku qalibmay halka laga soo galo Degmadda XANTHI ee W/bari ee dalkaasi

Boliska waaxay sheegeen inuu gaarigu qalibmay, xilli uu Dareewalku doonayey inuu ka baxsado Boliska oo caraysanayey, xilli uu marayey Wadada Hay Wayga ee ka timaada dalka Turkiga.

Dadka dhaawacmay ayaa kala ahaa Tahriibayaal ay ka soo kala jeeda dalalka Somalia, Eritrea, Pakistan iyo Afganistan, iyadoo Dareewalka oo ahaa Mukhalas ayaa la shegay nin u dhashay dalka Pakistan.

Xuduudka W/bari ee Giriigga ayaa ah jidka ugu weyn ee ay Tahriibayaasha ka imaanayo dalka Turkiga ka soo gudbaan.

GUDDOOMIYE ENG. YARISOW OO DHAG AXDHIGAY XARUNTA GURMADKA EE HODAN

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa dhagaxdhigay xarunta Dabdamiska iyo Gurmadka degdegga ah oo laga hirgeliyay degmada Hodan, gaar ahaan Waaxda Xaawo Taako, xaruntan ayaa loogu adeegi doono degmooyinka isku xiran ee Qeybta Waliyow Cadde sida Hodan, Waaberi, HowlWadaag iyo Xamar Jajab.

Eng. Yarisow oo dhagaxdhigga kadib hadlay ayaa tilmaamay in Hodan ay tahay degmadii ugu horeysay ee mashruucan laga fuliyay, waxuna xusay in furitaanka xarumaha gurmadku ay muhiim u yihiin bulshada deegaanka.

Duqa Caasimadda ayaa xusay in guud ahaan degmooyinka kale laga hirgelin doono mashruucan, si shacabka loogu dhaweeyo dawladnimada, isagoo xusay boqolkii maalmood ee ugu horeeyey maamulka uu hoggaamiyo in guulo wax ku ool ah laga gaaray baahinta adeegyada bulshada ee horey dhibaato shacabka uga haysatay.

Guddoomiyaha ayaa waxaa munaasabadda dhagaxdhigga ku weheliyey Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur, Gud doomiyaha degmada Hodan Mudane Maxamed Axmed Cantoobo iyo Agaasimaha Xafiiska Duqa Marwo Nimco Axmed.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ayaa kormeeray wadada isku xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha oo meel wanaagsan mareyo dhisamaha laami saarida ah ee wadadani oo in muda ah bur bursaneyd islamarkaana ay marideeda dhibaatooyin ku qabeen bulshada iyo gaadiidka isticmaala.

Gudoomiyaha gobolka Benaadir, waxuu bogaadiyey isku tashiga shacabka, ganacsatada iyo maamullada degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag oo kaalin muhiim ah ka qaatay hirgelinta wadadan, waxuna ku baaqay in loo istaago dhismaha jidadka Caasimadda, lana bixiyo canshuuraha si bulshadu u hesho adeegga ay u baahan yihiin.

BOGGA CAYAARAHA

KARL-HEINZ RUMMENIGGE OO KA WARBIXIYAY MUSTAQBALKA ROBERT LEWANDOWSKI EE KOOXDA BAYERN MUNICH

Gudoomiyaha kooxda Bayern Munich Karl-Heinz Rummenigge ayaa wuxuu ka hadlay wararka ku aadan in weeraryahanka kooxdiisa ee Robert Lewandowski uu ka tagi doono xili ciyaareedka soo aadan, kadib marka uu furmo suuqa kala iibsiga ee soo aadan.

Wargeyska "Bild” ayaa wuxuu sheegay in Karl-Heinz Rummenigge uu xaqiijiyay in Lewandowski uu sii joogi doono kooxda Bayern Munich xili ciyaareedka soo aadan, taasoo meesha ka saareysa wararka kuaadanaa inuu ka baxayo kooxda.

"Aad ayaan u nasiib badanahay sababa la xiriira in Levandowski uu nala sii joogi doono waqti dheer, Ma jirto wax laga walwalo. Robert wuxuu sii ahaan doonaa ciyaaryahan Bayern Munich xilli ciyaareedka soo socda”.

Si kastaba weeraryahanka kooxda Bayern Munich Robert Lewandowski ayaa heysta heshiis dhacaya ilaa iyo sanada 2021, waxayan saraakiisha kooxda reer Germany doonayaan in laacibkanuu sii joogo garoonka Allianz Arena.

KOOXDA UGU FIICAN XILLI CIYAAREEDKA EE HORYAALKA SERIE A OO LA SHAACIYEY – YAA KAGA JIRA KOOXDAADA 11-KA UGU WANAAGSAN?

Waxaa la shaaciyey kooxda ugu fiican xilli ciyaareedka ee horyaalka Serie A ama 11-ka xiddig ee ugu bandhigga fiicnaa kulamadii la ciyaaray horyaalka Talyaaniga xilli ciyaareedkan gabagabada ah oo dhan.

Shabakadda ciyaaraha ee Goal.com ayaa shaacisay shaxdan ka kooban 11-ka ciyaaryahan oo ay u aragto inay yihiin kuwii ugu bandhigga fiicanaa xilli ciyaareedkan dhammaadka ah ee horyaalka Serie A, waxaana hoggaaminaya Douglas Costa, Jorginho & Sergej Milinkovic-Savic.

Kooxda ku guuleysatay horyaalka Serie A ee Juventus ayaa shaxdan ku yeelatay labo xiddig si la mid ah Inter Milan, AS Roma iyo Napoli oo iyaguna 11-kaan xiddig ku yeeshay min labo laacib.

Dhinaca kale kooxda Lazio ayaa shaxdan xiddigaha ugu badan yeelatay waxaana ay ku leedahay saddex ciyaaryahankan.

Haddaba halkaan hoose ka eeg Shaxda kooxda ugu fiican xilli ciyaareedka ee horyaalka Serie A oo ay soo saartay Goal.com:-

Goolhaye: Alisson

Difaacyada: Joao Cancelo, Milan Skriniar, Medhi Benatia iyo Aleksandar Kolarov.

Khadka Dhexe: Jorginho iyo Sergej Milinkovic-Savic.

Weerarka: Douglas Costa, Luis Alberto, Lorenzo Insigne iyo Ciro Immobile.

JUVENTUS OO BAH-DISHAY AC MILAN KUNA GARAACDAY KOOBKA COPPA ITALIA

Kulan ka tirsanaa Finalka Coppa Italia kooxda Juv-enntsu ayaa ku guulaystay koobka kadib markii ay kooxda Ac Milan ku garaacday 4/0 kadib kulan la yaab lahaa oo qaybtii hore ee ciyaarta lagu kala baxay bar-baro bilaa goolal ah.

Kooxda Tababare Allegri ayaa Ac Milan garaacday qaybtii dambe ee ciyaarta iyaga oo sida daadka u dhex maray daafaca Milan kana dhaliyay 4 gool.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ahayd mid adag oo ay labada kooxoodba adkaayeen iskuna dhaafi waayeen bar-baro iyada oo kooxda Ac Milan ku dhawaatay daqiiqadihii ugu horeeyay in ay goolal dhaliso.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayuu fiicnaaday qaab ciyaareedka xiddigaha Ac Milan iyo Juventus waxana ay bilaabeen in ay sameeyaan fursado goolal laga dhalin karo.

Daqiiqadii 56-aad ayay kooxda Juventus heshay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga daafaca uga ciyaara ee Medhi Benatia kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Juventus ayaa halkeedii kasii waday weerarka waxana ay daqiiqadii 61-aad heshay goolka 2-aad ee ciyaarta oo uu u dhaliyay xiddiga garabka uga ciyaara ee Douglas Costa kaas oo hogaanka u dheereeyay kooxdiisa.

Iska Daafaca Medhi Benatia ayaa aasay Ac Milan daqiiqadii 64-aad isaga oo ka dhaliyay goolka 3-aad ee ciyaarta isaga oo kulanka ka dhigay 3/0.

Ac Milan ayaa garan wayday meel ay wax ka si noqdeen waxana ay garan waayeen sida uu xaalku yahay axana ay galeen fajac iyo la yaab.

Iyaga oo garan la, meesha ay wax ka si noqdeen ayay kooxda Juventus heshay goolka 4-aad iyada oo uu si khalad ah isaga dhaliyay weeraryahanka Ac Milan ee Nikola Kalinic.

Waxa sidaas ku dhamaatay guul ay kooxda Juvetus si cajiib ah ugu qaaday koobka Coppa Italia una sii dhawaanaysa in ay ku guulaysato laba koob.

ENGLAND - PREMIER LEAGUE MAY 13

07:00Burnley? - ? AFC Bournemouth

07:00Crystal Palace? - ? West Bromwich Albion

07:00Huddersfield Town? - ? Arsenal

07:00Liverpool? - ? Brighton & Hove Albion

07:00Manchester United? - ? Watford

07:00Newcastle United? - ? Chelsea

07:00Southampton? - ? Manchester City

07:00Swansea City? - ? Stoke City

07:00Tottenham Hotspur? - ? Leicester City

07:00West Ham United? - ? Everton

ENGLAND - PREMIER LEAGUE

Chelsea 1 - 1 Huddersfield Town

Leicester City 3 - 1 Arsenal

Manchester City 3 - 1 Brighton & Hove Albion

Tottenham Hotspur 1 - 0 Newcastle United

SPAIN - LALIGA SANTANDER

Barcelona 5 - 1 Villarreal

Sevilla 3 - 2 Real Madrid




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip