Daacish oo la sheegay in ay kordhiyeen Weeraradooda ay ka fuliyaan Soomaaliya

0
Wednesday May 09, 2018 - 21:04:03 in Wararka by
  • Visits: 388
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daacish oo la sheegay in ay kordhiyeen Weeraradooda ay ka fuliyaan Soomaaliya

    Maqaal dheer oo lagu daabacay barta ka faaloota Colaadaha iyo Dagaalka ee long war journal la yiraahdo ayaa lagu sheegay in Daacish ay Bishii lasoo dhaafay Dilal badan ka geeysteen Soomaaliya, taasi oo ka dhigan in uu kobcayo Garabkooda Bariga Africa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maqaal dheer oo lagu daabacay barta ka faaloota Colaadaha iyo Dagaalka ee long war journal la yiraahdo ayaa lagu sheegay in Daacish ay Bishii lasoo dhaafay Dilal badan ka geeysteen Soomaaliya, taasi oo ka dhigan in uu kobcayo Garabkooda Bariga Africa.

Afar ka mid ah Shan weerar oo ay sheegteen wixii ka dambeeyay 15 kii April waxay ka dheceen Magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho.

Bartamihii April Daacish waxay Wakaaladooda Wararka u faafisa ee Amaq news ku shegteen in maleeshiyaad Daacad u ah ay Askari Military-ga Soomaaliya ka tirsan ku dileen Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose, Isbuuc ka dibna waxay sheegteen in sargaal ka tirsan heey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ay ku dileen Magaaladda Muqdisho, Afar maalmood kadib ayey hadana sheegteen Sargaal kale oo ay nabad sugdda Muqdisho uga dileen.

Dilka Daacish ay sheegteen ee uu soo aruuriyay joornaalka maqaaalkaan qoray waxaa ka mid ah Todobaadkii lasoo dhaafay dil Magaaladda Muqdisho loogu geeystay Askari booliiska ka tirsan iyo mid nabad sugidda ka tirsan.

2018 gudaheeda Daacish waxay Soomaaliya ka geeysteen ugu yaraan 13 Weerar sida Maqaalka lagu xusay, taasi oo ka badan tii 2016 kii ay geeysteen.



Daacish oo xoogooda Soomaliya uu yaalo Buuleeyda puntland ayaa hadda u muuqda in ay dhaq-dhaqaaqyadooda kusoo kordhinayaan koofurta Soomaaliya. Kaliya mahan Dilalka waxa ay sheegtaan, Laakiin waxay sidoo kale sheegteen ugu yaraan Shan Qarax oo Soomaaliya ay ka geeysteen.

Meelaha ay sidoo kale Daacish Weeradda ka fuliyaan waxaa ka mid ah Magaalooyinka puntland ee Boosaaso iyo Qandala ay ka mid yihiin.

Maleeshiyaadkaan oo uu Hugaamiyo Cabdulqaadir Muunin waxay lagu sheegay in ay tiri ahaan u dhexeyaan 200 ilaa 300, hadase ma muuqdaan Dadaalo is wata oo Caacish wiiqaya.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip