Midowga Yurub oo ugu deeqay dowlada Soomaaliya 180 Malyan oo Euro ah

0
Saturday May 05, 2018 - 18:33:50 in Wararka by
  • Visits: 303
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midowga Yurub oo ugu deeqay dowlada Soomaaliya 180 Malyan oo Euro ah

    Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Midowga Yurub ay isku raaceen in 100 Milyen oo EURO lagu kabo miisaaniyadda Dowladda,iyo 80 Mliyan oo dhismaha Ciidanka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Midowga Yurub ay isku raaceen in 100 Milyen oo EURO lagu kabo miisaaniyadda Dowladda,iyo 80 Mliyan oo dhismaha Ciidanka ah.

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta dib ugu soo laabtay dalka kadib markii uu ka qeybgalay shir loogaga hadlay arrimaha Soomaaliya magaalada Brussels ee dalka Belgium ayaa goordhow warbaahinta la hadlay isagoo faahfaahin ka bixiyay shirkii uu uga qeyb galay magaalada Brussels ee dalka Belgium

Kheyre ayaa sheegay in uu la kulmay madax kala duwan oo ka socotay dalalka Caalamka, islamarkaana uu kala hadlay sidii ay taageero u siin lahaayeen Soomaaliya.


Waxaa uu sheegay ra’iisul wasaare Kheyre in ay lacagtaasi ay ka faai’deysan doonaan, islamarkaana lagu horumarin doono howlaha ka socda Soomaaliya.

Kheyre ayaa sidoo kal sheegay in dhowaan la qaban doono shir ay ka qeyb gali doonaan Madaxda Soomaalida oo looga hadlaayo Ammaanka Soomaaliya.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip