Xaliimo Yarey:-"Dowladda Ha Keento Hab Lagu Sugi Karo Amniga Muwaadiniinta Wax Dooranaya",!

0
Saturday May 05, 2018 - 11:40:07 in Wararka by
  • Visits: 349
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaliimo Yarey:-"Dowladda Ha Keento Hab Lagu Sugi Karo Amniga Muwaadiniinta Wax Dooranaya",!

    Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Goddomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka oo Wareysi gaar ah siisay Idaacada Simba ee Magaalada Moqdisho Iyadoo ku sugan dalka Tunuusiya ayaa waxaa ay ka Warbixisay Howlaha shaqo Ee Guddiga Madaxa Banaan E

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Goddomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka oo Wareysi gaar ah siisay Idaacada Simba ee Magaalada Moqdisho Iyadoo ku sugan dalka Tunuusiya ayaa waxaa ay ka Warbixisay Howlaha shaqo Ee Guddiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Qaran.

Ugu horeyntii waxay sheegtay Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Goddomiyaha Guddiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Qaranka Xilliga Dalka Lagu qabanayo Doorashada Qof iyo Cod in Laga Rabo Dowlada Federaalka ah Ee Soomaaliya in ay sugto Amniga Muwaadinka Soomaaliyeed ee dooranaya in markaasi Uu dhiibto Codkiis Si Uu U Doorto Masuulka Uu Ku Qanacsan yahay.

Waxa ay sheegtay in aad Lagu baahan yahay In Wasaarada Arimaha Gudaha ay Soo Saarto Sharciga Doorashada Taasi oo ay Ku sheegtay in ay tahay Mishiinka ugu Weyn Ee Guddiga Doorashada La’aantiisa aysan Shaqeyn Karin.

Ugu dambeynta Guddomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka qaran ayaa waxaa ay ka Warbixisay Ujeedka Socdaalka ay Ku Joogto dalka Tuniisiya Waxaa ay Carbaabtay in halkaasi ay u tageen in ay Soo indheeyaan Qaabka Dalka Tunuusiya ay ugu dhacesa Doorashada Qof iyo Cod.

 

Audio Player
 
 
00:00



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip