Imtixaanaadka Iskuulada Beledweyne oo saameyn ku yeeshay Fatahaadii Wabiga Shabeelle

0
Saturday May 05, 2018 - 11:29:42 in Wararka by
  • Visits: 374
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Imtixaanaadka Iskuulada Beledweyne oo saameyn ku yeeshay Fatahaadii Wabiga Shabeelle

    Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dib u dhac uu ku yimid Imtixaanaadkii Iskuulo ku yaalla magaaladaas, kaddib markii ay saameeyeen fatahaadii uu wabiga Shabeelle ka geystay, kaasoo ay ku barakaceen kumanaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dib u dhac uu ku yimid Imtixaanaadkii Iskuulo ku yaalla magaaladaas, kaddib markii ay saameeyeen fatahaadii uu wabiga Shabeelle ka geystay, kaasoo ay ku barakaceen kumanaan ruux.

Kumanaan Arday oo dhiganayay illaa 10 Iskuul oo hoos taga Dalladda Waxbarashada ee FPENS oo maanta loo balansanaa ayaa imtixaankooda dib loo dhigay, iyadoo maanta ay aheyd in si wadajir ah ay u fariistaan dhamaan Ardayda Imtixaanka kama dambeysta ah.

Iskuulada ku yaalla magaalada Beledweyne ayaa waxay ka mid noqdeen goobaha isu bedelay biyo fariisinka, kaddib markii ay gudaha ugu soo galeen daadadka ka dhashay fatahaada wabiga Shabeelle.

Guddoomiyaha Iskuulada Gobolka Hiiraan Axmed Dhaqane ayaa sheegay in dhamaan iskuuladii magaalada Beledweyne ay xirmeen, isla markaana iskuulada ay biyo fariisteen, waxaana uu xusay in ardaydii iyo macalimiintii ay ka mid noqdeen dadka magaalada uga qaxay fatahaada wabiga Shabeelle.

Daadadka ka dhashay fatahaada wabiga Shabeelle ayaa waxay ka dhigeen magaalada Beledweyn mid go’doon ah oo ay biyo badan soo galeen, waxaana magaalada isku bedeshay Bad ama Wabi, iyadoo dadkii ku dhaqnaa xaafadaha ay u barakaceen daafaha magaalada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip