Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo soo xiray Shirkii ganacsiga ee ka socday Turkiga

0
Saturday May 05, 2018 - 11:27:02 in Wararka by
  • Visits: 407
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo soo xiray Shirkii ganacsiga ee ka socday Turkiga

    Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay soo xiray shirkii ganacsiga ee ganacsatada Soomaaliya iyo Turkiga uga socday Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay soo xiray shirkii ganacsiga ee ganacsatada Soomaaliya iyo Turkiga uga socday Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga.

Ra’iisul Wasaaraha oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Brussels ee dalka Belgium oo uu uga qeyb galay shir looga hadlayay arrimaha ciidamada ayaa shalay gaaray dalka Turkiga.

Shirkaan uu soo xiray Ra’iisul wasaare Kheyre oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay socday magaalada Istanbul, waxaana ujeedada laga lahaa shirka uu ahaa in lagu dhiiri geliyo ganacsatada Turkiga in ay maalgashadaan dalka Soomaaliya, arintaas oo intii shirku socday aad loo falanqeeyay.

Shirkan oo daba socday shirkii hore uga dhacay Magaalada Ankara ee isla dalka Turkiga ayaa ganacsatada Soomaaliya uga qeyb gashay waxaa hogaaminayay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, Mudane Maxamed Xayir Maareeye, ganacsatada Turkiga iyana waxaa hormuud u ahaa Mr. Deik oo Dalka Turkiga u qaabilsan hay’adaha xiriirka dhaqaalaha dibadda.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa saacadaha soo socda la filayaa inuu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho.

Shirka Ganacsiga
5of 5



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip