Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya

0
Friday May 04, 2018 - 22:24:03 in Wararka by
  • Visits: 398
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya

    Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay Ra'iisul Wasaaraha cusub Abiy Ahmed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay Ra'iisul Wasaaraha cusub Abiy Ahmed.

Kulankan ayaa waxaa Madaxweynaha Jubbaland ku wehliyay Wasiitka Arrimaha Gudaha Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish, Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Aadan Aw Xirsi.

Axmed Madoobe ayaa noqonaya Mas’uulkii u horeeyay oo ka socda maamul goboleedyada Soomaaliya oo la kulma Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Itoobiya.

Barta Facebook ee Madaxweynaha Jubbaland ayaa la soo dhigay sawirka kulanka iyo qoraal kooban oo aan lagu faah faahin waxyaabihii looga hadlay.

Hase ahaatee Maamulka Jubbaland ayaa ka mid ah maamulada xiriirka tooska la leh Dowladda Itoobiya, waxaana loo arkaa maamulka labaad ee dowlad goboleedyada Soomaaliya oo u dhow Itoobiya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip