DHAGEYSO:-Xildhibaan Joodax"Xildhibaanada aan ka shaqeyn la`anahay waxaan u arkaa arimo siyaasadeed"

0
Friday May 04, 2018 - 22:13:13 in Wararka by
  • Visits: 348
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DHAGEYSO:-Xildhibaan Joodax"Xildhibaanada aan ka shaqeyn la`anahay waxaan u arkaa arimo siyaasadeed"

    -Iyadoo eedeeyn loo soo jeedinayo mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu eedeeyay in uu ka shaqeyn la`ayahay maamulka gobolka Banaadir iyo Garsoorka gobolka ayaa eedeeyntaas iska fogeeyeen xildhibaanada Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

-Iyadoo eedeeyn loo soo jeedinayo mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu eedeeyay in uu ka shaqeyn la`ayahay maamulka gobolka Banaadir iyo Garsoorka gobolka ayaa eedeeyntaas iska fogeeyeen xildhibaanada Soomaaliya.

Shalay ayey aheed markii Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Dr. Aweys Sheekh Cabdulaahi uu sheegay in howlaha Garsoorka Gobolka Banaadir ay ka wadi la’yihiin Xildhibaano mar walba soo fara galiya kiisaska dacwadaha ee ay qabato Maxkamada Gobolka Banaadir.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. yariisow) ayaa asigane sheegay in uu ka shaqeyn la’yahay Wasiiro, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin, kuwaasi oo uu tilmaamay in ay wataan dano gaar ah oo ay doonayaan in loo shaqaaleysiiyo.

Xildhibaan Warsame Maxamed Xasan Joodax oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Idaacada Kulmiye ayaa ka hadlay eedeeyntaas loo soo jeediyay xildhibaanada.

Xildhibaan Joodax ayaa yiri”anaga waxaan matalnaa shacabka, kama shaqeyno in aan qofna dulmina qofna danaheeda raadina, Baarlamaanka in laga shaqeyn la`ayhayay uma arko waxaan u arkaa in arinta ay tahay mid siyaasadeysan”

Halkan ka dhageyso xildhibaan Joodax oo arimahaas ka hadlaya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip