Somaliland oo 355,500 oo Dollar Ku Ganaaxday Shirkad Shidaal "Ogow Sababta"

0
Friday May 04, 2018 - 21:58:59 in Wararka by
  • Visits: 376
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland oo 355,500 oo Dollar Ku Ganaaxday Shirkad Shidaal "Ogow Sababta"

    Somaliland ayaa ganaax lacageed dul dhigtay shirkad ka ganacsata shidaalka oo la sheegay in deegaanada jahmhuuriyada iskeed isku magacawday, ay soo galisay haamo shidaal oo wasaqeysan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland ayaa ganaax lacageed dul dhigtay shirkad ka ganacsata shidaalka oo la sheegay in deegaanada jahmhuuriyada iskeed isku magacawday, ay soo galisay haamo shidaal oo wasaqeysan.

Shirkada ayaa lagu eedeeyyay iney soo galisay deegaanada somaliland shidaal wasaqeysan oofadhiisiyay ama ciladeeyay gadiid fara badan oo dadkii lahaa ay u isticmaleen shidaalkaasi wasaqeysan.

Maareeyaha Hay’adda Dhawrista Tayada Muuse Xasan Xaaji Yuusuf oo warbaahinta kula hadlayay gudaha magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ganaaxaasi uu noqon doono mid ku soo dhaca Khasnada Xukuumada Sohmaliland isla markaana looga loo raacay habka ganaaxaasi dastuurka Soomaaliland.

"Waxa aan soo saarnay Ganaax aanu dul dhignay cidii keentay Shiidaalkii Wasakhaysnaa ee la keenay,ganaaxaas oo aanu ku salaynay ama ku qiimaynay qiimi u qalma 7%, waxaan warqad u qori doonaa cidii ay khusaysay iyada oo uu ganaaxu noqon doono $355,500, waxaana lacagtaas la soo marin doonaa Wasaaradda Maaliyadda”. ayuu yidhi Maareeyaha Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland.

Maamulka Somaaliland ayaa ah maamul ka madax banaan marka loo eego talo iyo tashi ahaan dowladda dhaxe ee Somaaliya, waxuuna maamulka isku magacaaba inuu yahay Jamhuuriyad madax banaan oo aan ka amar qaadan kana mid aheen maamul gobaleedyada kale ee Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip