Ma dhaci kartaa in 9 Million Dollar oo adiga kuu socoto, aad qabato, kuna eedeyso sharci daro ayay igu soo gashay (Nasashada Jimcaha –Q.92aad).

0
Friday April 20, 2018 - 19:58:05 in Wararka by
  • Visits: 700
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma dhaci kartaa in 9 Million Dollar oo adiga kuu socoto, aad qabato, kuna eedeyso sharci daro ayay igu soo gashay (Nasashada Jimcaha –Q.92aad).

    1-Nin degan xaafadda waaberi oo Calaq iyo Xashiish isticmaala, ayaa soo qaatay 400$ oo ahayd mushaarkiisii bisha, waana kala qorsheeyay , 200$ Marsuufka cidda, 100$ Kirada guriga, 100$ Xashiish & Calaq. Albaabka guriga ayaa waxaa u soo garaacay B

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Nin degan xaafadda waaberi oo Calaq iyo Xashiish isticmaala, ayaa soo qaatay 400$ oo ahayd mushaarkiisii bisha, waana kala qorsheeyay , 200$ Marsuufka cidda, 100$ Kirada guriga, 100$ Xashiish & Calaq. Albaabka guriga ayaa waxaa u soo garaacay Boolis, waxa uu jeexjeexay 100$ ee uu ugu talagalay xashiishka, musqusha ayuuna ku riday. Booliskii ayaa soo galay oo gurigii baaray waxna ka waayay ,isaga jirkiisa ayay ururiyeen waxba kama dareemin,weyna iska tageen.

Waxa uu yiri: haddii 100$ ee aan u qorsheeyay xashiishka ay jeebka iigu sii jiri laheed , saacadaan saldhiga ayaan jiri lahaa, ma anniga ka caqli yar booliska!.( fiiri sawirka 1aad).

( Ma dhaci kartaa in 9 Million Dollar oo adiga kuu socoto, aad qabato, kuna eedeyso sharci daro ayey igu soo gashay).

2-Laba nin oo reer Gaalkacyo ahaa ayaa waxa ay ka xadeen Hotelkii ay u shaqeynayeen, dhallo oo khamri ah,iyaga oo u maleynayay VIMTO, markii ay wada cabeen ayaa iyaga oo sakhraan ah booliskii qabty, waxa la yiri: maxaad ku sakhraanteen?.mid ayaa yiri: maxaad dareentay, Ballo,ma anagaaba sakhraan ah.waxaa la yiri: haddii aydaan sakhraan aheynina maxaa labadiinaba indhihiina wada caseeyay. Kii kale ayaa yiri: Ba’aa ma intaa baad ka shakiday, Ilma adeer baanu nahay oo isku DNA baanu nahay, soow ma maqal ilma indha case ilgiir.( fiiri sawirka 2 & 3aad).

( koo agaasime ka ahaa ururinta deeqaha agoonta, ayaa hal million ka xaday, isaga oo leh ilmaheeyguba waa Agoontii mustaqbalka. Cudur uur weynaad la yiraa ayaa caloosha uga dhacay, markii la weydiiyay waxa caloosha ka hayo?. waxa uu qiil ka dhigtay beryahan ayaan GYM galay, waa six packs. Dadka qaar indha adagaa!!! ( fiiri sawirka 4aad)

3-Laba sakhraan ah ayaa arkay Tabeele weyn oo ay ku qoran tahay ( GURI Kiro ah).mid ayaa garaacay tiirkii tabeelahu ku surnaa, muddu markuu garaacayay ayuu saaxiibkii weydiiyay, Guriga cidiba ma joogtee yaa naga kireynaya. (Fiiri sawirka 5aad).

( somalidu armey tabeele Guri ku sawiran yahay, horuumar u maleyeen)

4-oday faarax oo mar dhaw ka yimid baadiyaha Gaalkacyo ayaa dhalinyaro xaafadda Boondheere ku sheekeysaneyso waxa uu weydiiyay. War hablaha Boondheere side loo khukaansadaa? Mid baa ku yiri: Abaa, ma fahmeeysid miyaa? Si SIYAASADEYSAN ayaa loo shukaansadaa.

Oday faarax Gabar isgooyska Nasiib buundo maree ayuu ka dabatagay. Shukaansigiina ku bilaabay, Naa heedhe,dagaalka Suriya madax xanuunkiisa naga daaye, beryahan arrintii dekeda berbera iyo Imaaraadku inteey maree???. Indhaha kaliya looma kala gadine, si loo fiirshee haddaad arki leheed.

(Siyaasiyiin aan Somaliya ku arkay ma ciyaalkii Boondheeraa soo siray).

5-Laba sakhraan ah , ayaa mid miraayad isku fiiriyay, waxa uu yiri: walee wajigaan waan arkay, meeshii aan ku arkay ayaan garan la’ahay.

Kii kale ayaa intuu dhinac isaga riixay miraayadii hor istaagay, kadibna inta saaxiibkii ku jeesytay si cara leh ku yiri: Doqon ayaad tahay, ma leeys inkiraa, ma hadda ayaad aniga oo kula joogo wajigeeyga garan weyday. (Fiiri sawirka 6aad).

( Masuul ayaa fahmi waayay xilka uu u dhaartay waxa uu ahaa. saaxiibkii ayuu weydiiyay, waxa aan u dhaartay maxeey haayeen?. Saaxibkii ayaa yiri: markii aad dhaaraneysay waan kula joogay,laakin wixii aad u dhaaratay waad iga qarisay).

6-Mid reer Gaalkacyo ahaa ayaa isaga oo u careysan mid galabta ciyaarta Jarta ka soo badiyay, ayuu masjidka ugu yimid, waxa uuna arkay kii oo Salaadii Maqrib dadka dushinayo, Salaadii ayuu ku xiratay, markii shiikhii marayo walla laaliina, ayuu kii soo xasuustay Jartii galabta, inta jameedadii ku soo jeestay ayuu ku yiri: ilama Adeera yaaloow marana Aamiin ha u oranina.


kana waa Lafgaab, walee inaan malaa’igtu duca lafgaabeed ayna meesheeda ka qaadin sida aan ka maqlay Wadaad reerayaga ah.

(Mid NGO leh ayaa hayad Nairobi joogta u ogolaatay lacag uu ceelal ku qodo, nidkale oo NGO leh, ayaa gaaladii u tagay kuna yiri: war NGO-ga aad lacagta siiseen ma taqaaniin, waa lafgaabtii Reer hebel, weligood ceel ay qodeen wallaan biyo laga cabin, Geel ay soo dheceena lagma hilbeeysan . Gaalkii ayaa ku yiri: shit, everyone is against his brother. Waxaad wada qabtiin cudur la yiraa walaal diid).

Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip