Xassan Sheekh "Haddaad aragto muwaadin Soomaaliyeed oo shisheeye magan ka raadiya, walaalkiis ayuu dulmi u geestay…"

0
Thursday April 05, 2018 - 23:41:11 in Wararka by
  • Visits: 776
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xassan Sheekh "Haddaad aragto muwaadin Soomaaliyeed oo shisheeye magan ka raadiya, walaalkiis ayuu dulmi u geestay…"

    Khudbaddii Gen. Paul Lokech iyo Cawaan-nimadeena! Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ma joogin meesha uu sarkaalkii Ugaandheeska ahaa uu kula hadlayay Guddoonka Baarlamaanka; balse waxa dhacay mar hore ayuu fasiraad ka bixiyay I

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khudbaddii Gen. Paul Lokech iyo Cawaan-nimadeena! Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ma joogin meesha uu sarkaalkii Ugaandheeska ahaa uu kula hadlayay Guddoonka Baarlamaanka; balse waxa dhacay mar hore ayuu fasiraad ka bixiyay Intuu madaxweynaha ahaa. Asagoo la hadlaya shacabka ayuu yiri, "haddaad aragto muwaadin Soomaaliyeed oo shisheeye magan ka raadiya, waxaa ugu wacan walaalkiisa ayaa dulmi u geystay".

December 2016, Jeneraal Xaamud, taliyihii ciidamada booliska ee loogu tala galay in uu dhexdhexaad ka ahaado siyaasadda, ayaa markii ay doorashada soo dhoweyd sheegay in xildhibaanadii hore u ahaa ciidanka sida Shariif Sheekhuna iyo Cabdiqeybdiid ay u codeyn doonnaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

18 murashax oo uu ku jiro madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in aysan ciidamadu dhexdhexaad ka ahayn doorashada, sidaas darteedna laga wareejiyo Akadeemiyada Booliska.

Murashixiintaas ma jirin qof yiri, "maxaad ku diidaysaan ciidanka Soomaaliyeed?”.

Xasan Sheekh wuu aqbalay in doorashada lagu qabto meel dhexdhexaad ah gaar ahaan Afasiyooni.

Dadkii shalay aaminsanaa ciidamada lagu ma kalsoonaan karo waayo dhexdhexaad ma aha, ayaa hadda leh ha lagu kalsoonaado taliyaha booliska, nabad sugidda, oo hoos yimaada Wasiiirka Amniga ee mooshinka saxiixay iyo taliyaha ciidanka xoogga oo hoos yimaada wasaaradda Gaashaandhiga oo uu wasiirkii saxiixay mooshinka oo shalay sidii la ogaa u hadlay. Soo ma aha munaafaqnimo siyaasaadeed!

Waa sababta uu Gen. Paul Lokech uu shalay noogu qudbeeyay sidii madaxweynaha dalka, Mahad Cawadna uu tarjumaan u noqday!

Cawaannimada ha noolaato! Keliya naga ilaaliya inaad noo sheegtaan, ” ajnabi dan leh baa faragelin nagu haya”.

Xaqiiqda waxay tahay: waxaan nahay cawaan u baahan in la kala ilaaliyo!

Qalinkii Hassan Adam Hosow




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip