Ciqaabta uu Maxamed Saalax ka wado Premier League waxaa ka bad-baaday 2-koox oo qura

0
Sunday April 01, 2018 - 07:55:51 in Wararka by
  • Visits: 721
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciqaabta uu Maxamed Saalax ka wado Premier League waxaa ka bad-baaday 2-koox oo qura

    Maxamed Saalax ayaa wacdaro aan innaba caadi ahayn ka dhigaya xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Liverpool.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxamed Saalax ayaa wacdaro aan innaba caadi ahayn ka dhigaya xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Liverpool.



 

Wiilka Masaariga ayaa galabta markale shabaqa tagay kulankii ay 2-1 uga adkaadeen Crystal Palace.

Ma ahan oo kaliya inuu yahay gool dhaliyaha ugu sarreeya Ingiriiska 29-gool ee wuxuu kaloo hogaaminayaa gool dhalinta shanta horyaal ee ugu waa wayn Yurub.

Wuxuu soo bar bareeyay Rikoodhka Didier Drogba ee Afrikaankii ugu horreeyay ee hal xilli ciyaareed Premier League ka dhaliya 29-gool.

Haddaba Maxamed Saalax ayaa goolal ka wada dhaliyay dhammaan kooxaha Horyaalka marka laga reebo Man United, Swansea City iyo West Brom.

Labada koox ee hore wuxuu la ciyaaray labada lugba taa oo ka dhigan inay yihiin labada koox ee kaliya ee ka bad baaday ciqaabta Maxamed Saalax, balse West Brom wuxuu la soo ciyaaray hal kulan oo qura oo ushiisa way ku dhici kartaa kulanka labaad.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip