Xaasaskoodii xageey geesyteen?.

0
Tuesday March 27, 2018 - 20:53:43 in Wararka by
  • Visits: 813
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaasaskoodii xageey geesyteen?.

    Wasiirada 26 ka ah ee noo jooga, 2 kaliya ayaa xaasakoodu Somalia joogaan. Xageey geeysteen? Australia = 1, Canada = 5, USA =1, UK =4, Kenya=8, UAE =1, Denmark = 1, Italy =1, Sucuudi = 1, Tunisia =1, Somali 2. Xildhibaanada golaha shacabka 45

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirada 26 ka ah ee noo jooga, 2 kaliya ayaa xaasakoodu Somalia joogaan. Xageey geeysteen? Australia = 1, Canada = 5, USA =1, UK =4, Kenya=8, UAE =1, Denmark = 1, Italy =1, Sucuudi = 1, Tunisia =1, Somali 2. Xildhibaanada golaha shacabka 45 ingriis. Taliyayaasha ciidamada, madaxweyne, Ra'isulwasare, Gudoonka Baarlamaanaka iyo madaxda gobalada adigaan kuu dhaafay.!!!!.

Wadamada ay ka yimaadeen magaala kasta waxaa maamulkeeda masuul ka ah qof deegaanka degan .

Maxuma in walaalaheen danu geeysay dibadda, laakin su’aashu waa matalaada. Qofka ku matalimaayo.

Qiyaamaha waa adiga iyo camalkaaga, aduunkana waxyaaba aan laguugu matali Karin ayaa badan, sida haddaad xanuunsato qofina kuugu matali karto xanuunka.


Waxaa badanaa la isku matalaa ama la isku wakiishaa maamulka iyo masuuliyada, waxaana kugu matali kara qof aad isku xaalad ku sugantihiin, dhibaatada idin heeysa ay isku mid tahay, isku aragti aad tihiin.

Qofka Somaliya jooga waxaa murug ku haya nabadgalyada xaaskiisa iyo caruurtiisa, taa ma u wakiilan kartaa qof aan caruuru dalka u joogin, oo aan taa culeyskeeda kula dareemeeyn. (((( Si uu u dareemo waa in caruurtiisa uu dalka keeno inta uu dalka xil muhim ah ka hayo ,kadibna dib ha u celiyo)))).

Sharcigii 1960kii dadka deegaanka matalayo waa in ugu yaraan 2 sanno la noolaa dadka, uuna degenaa deegaanka inkastoo taa lafteeda aan si buuxda loo fulin.

Qaraxii shalay 25.3.2018 ka dhacay isgooyska Sayidka waxaan u jiray 150 talaabo oo kaliya, Allaah ayaa iga badbaadiyay, kadibna waxaan ka walwalay bad qabka caruurteeydii isgoolada ku maqneeyd. Walwalkaa inta badan wasiirada iyo madaxda hay’adaha amnigu ilama qabaan, ileyn caruuri kama joogtee, waxaa ila qaba shacabka ila midka ah,(((( qofkii aad isku dhibaato tihiin ayaad isku xal wada raadisiin)))).

FG: ha u qaadan in aan walaalaheey qurba joog aan faquuqayo, laakin waxaan dareemaa in dhibaatada murugada igu heysa ee amniga uuna si buuxda iila wadaagi karin, xaaskiisa isku suuqa kama soo adeegano, caruurtiisuna amaan daridaan ma qabaan, xalkuna isku muhimad nooma lahan.

FG: arragtidaadu waa muhim, dhaliil & dhameystirba.

Qore:, Yahya Amir.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip