Ronaldo oo diyaar u ah inuu bixiyo lacagaha ay ku soo sheegatay xukuumadda Spain

0
Tuesday March 20, 2018 - 08:03:37 in Wararka by
  • Visits: 555
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ronaldo oo diyaar u ah inuu bixiyo lacagaha ay ku soo sheegatay xukuumadda Spain

    Wararka ka imaanaya Spain ayaa sheegaya in xiddiga kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo uu diyaar u yahay in uu iska bixiyo dhammaan lacagaha ay ku soo sheegatay dowladda Spain ee ku saabsan baaritaanka canshuuro uu horey u bixin waayay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Spain ayaa sheegaya in xiddiga kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo uu diyaar u yahay in uu iska bixiyo dhammaan lacagaha ay ku soo sheegatay dowladda Spain ee ku saabsan baaritaanka canshuuro uu horey u bixin waayay.






Wargeyska ‘El Mundo’ ayaa saakay qoray in Ronaldo oo ka cabsi qaba in xabsiga loo taxaabo uu isku furan doono lacagtiisa wax alla iyo wixii lagu leeyahayna uu iska masixi doono.

Bishii December ee sanadkii 2016-kii ayaa warbixinno soo baxay oo ay soo saareen European Investigation Collaboration (EIC) oo qaabilsan kiisaska baaritaannada Yurub iyo Mediapart ay ku soo ogaadeen in ciyaartooy fara badan oo caalamka ah oo uu ka mid yahay Cristiano Ronaldo ay lacago canshuuro ah la gooyeen oo aysan bixin.

Intii u dhexeysay 2009-2016 ayaa Ronaldo lagu soo eedeeyay in uu qariyay lacag ku waajibtay, waxaana xafiiska xeer ilaalinta Spain uu sheegay in Ronaldo uu khiyaamay 14.7 Milyan oo Euros, iyadoo xafiiska Maaliyaddana uu sheegay in uu xabsi mudanayo maadaama afar kiis oo dembi ah lagu hayo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip