Manchester United oo guul ka gaartay Brighton & Hove Albion una gudubtay quarter final-ka FA Cup

0
Sunday March 18, 2018 - 09:33:26 in Wararka by
  • Visits: 651
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Manchester United oo guul ka gaartay Brighton & Hove Albion una gudubtay quarter final-ka FA Cup

    Manchester United ayaa gaartay guul weyn kadib markii ay 2-0 ku dileen Brighton & Hove Albion kulan ka tirsan quarter final-ka koobka FA Cup, iyagoo iska xaadiriyay Semi final-ka tartanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manchester United ayaa gaartay guul weyn kadib markii ay 2-0 ku dileen Brighton & Hove Albion kulan ka tirsan quarter final-ka koobka FA Cup, iyagoo iska xaadiriyay Semi final-ka tartanka.

Jose Mourinho iyo wiilashiisa waxey iska dhaqeen ceebtii kasoo gaartay Sevilla kulankii ka tirsanaa 16-ka Champions League, markaas oo 2-1 lagu suldaaray.

Manchester United oo inta badan ciyaarta maamulkeeda heysay, waxey labada gool ka heleen Romelu Lukaku iyo Nemanja Matic, iyadoo Matic uu sidoo kale caawiyay goolka uu saaxiibkiisa Roemlu dhaliyay, halka Ashley young uu caawiyay goolka Matic.


Goolhaye Sergio Romero ayaa dadaal fiican sameeyay isagoo dhawr kubad oo halis ah ka badbaadiyay kooxda Brighton & Hove Albion xidigaheeda, wuxuuna noqday badbaadiye fiican.

Natiijada waxey noqotay mid kusoo dhamaata 2-0, Man United ayey guusha ku raacday, waxeyna semi final-ka tartanka kula midowday Tottenham Hotspur.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip