Leicester oo hogaanka xajisatay, Chelsea oo badisay Mourinho kadib, iyo Man United oo la garaacay

0
Sunday December 20, 2015 - 09:43:00 in Sports News by
  • Visits: 826
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Leicester oo hogaanka xajisatay, Chelsea oo badisay Mourinho kadib, iyo Man United oo la garaacay

    Kooxda Liecester City ayaa hogaanka sii dheereysatay, kadib markii 3-2 uga badisay kooxda Everton, iyadoo ku sii dhow in is araga hore ee Horyaalka Primeir League inay ku dhameysato kaalinta koowaad. Liecester ayaa hogaanka qabatay daqiiqadii 27aa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Liecester City ayaa hogaanka sii dheereysatay, kadib markii 3-2 uga badisay kooxda Everton, iyadoo ku sii dhow in is araga hore ee Horyaalka Primeir League inay ku dhameysato kaalinta koowaad. Liecester ayaa hogaanka qabatay daqiiqadii 27aad, markii gool ku laad ama rigoore uu u saxiixay ciyaaryahanka reer Algeria Riyad Mahrez.

Hase ahaatee daqiiqado kadib waxaa Everton goolka bar baraha u dhaliyay ciyaaryahan Romelu Lukaku.

Qeybtii labaad ee ciyaarta Leicester ayaa la soo baxday dar dar cusub, waxaana ay daqiiqadii 64aad ay dhalisay gool ku laad kale oo uu mar kale dhaliyay ciyaaryahan Riyad Mahrez, waxaana daqiiqadii 70aad gool 3aad u dhaliyay ciyaaryahanka reer Japan Okazaki.

Everton ayaa daqiiqadii 89aad ee dhamaadkii ciyaarta waxaa gool u soo celiyay ciyaaryahan Mirallas, waxaana ciyaarta ku soo gaba gabowday 3-2 oo Leicester ku badisay, iyadoo leh 38-dhibcood.

Kooxda Chelsea ayaa guushii u horeysay gaartay, kadib ceyrintii Tababare Jose Mourinho, waxaana ay kooxda Sunderland ugu badisay 3-1.

Chelsea ayaa 10-kii daqiiqo ee hore hogaanka ku heysay labo gool iyo waxba, waxaana u kala dhaliyay Ivanovic iyo Pedro, iyadoo goolka saddexaad oo rigoore ahaa uu dhaliyay goolka saddexaad isla qeybtii hore.

Taageerayaasha Chelsea ayaa garoonka la soo galay boorar halku dhigyo ay ku muujinayeen taageerada ay u hayaan Tababarihii hore ee Chelsea Jose Mourinho oo maalin ka hor la ceyriyay, kuna tilmaamay halyey guulo badan u horseeday.

Milkiilaha Chelsea Roman Abramovich ayaa ciyaarta daawanayay, iyadoo uu wehliyay Tababaraha KMG ee Chelsea Guus Hiddink, sidoo kale waxaa ciyaarta daawanayay halyeygii hore ee Chelsea Didier Drogba.

Dhinaca kale Kooxda Manchester United ayaa xaalka ku xun yahay, kadib markii kooxda Norwich ay uga badisay 2-1, waxaana guuldaradan cadaadis saartay Tababare Louis Van Gaal, taasoo laga yaabo inuu raaco wadadii Jose Mourinho.

Manchester United oo kaalinta afaraad ku jirtay ayaa u soo dhacday kaalinta 5aad, waxaana Manchester United ay guul la’aan aheyd lixdii kulan ee u dambeysay.

Kooxda Tottenham ayaa 2-0 uga badisay kooxda Southampton, waxaana ay soo ciriirsatay Totttenham kaalinta afaraad.

ep (11) ep (10) ep (9) ep (8) ep (7) ep (6) ep (5) ep (4) ep (3) ep (2) ep (1)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip