Saadaasha Khabiirka Ciyaaraha BBC-da Mark Lawrenson Iyo Qabiirka Sky Sports Paul Merson Ee Kulamada 17aad Ee Horyaalka EPL, Maxay U Saadaaliyeen Kooxaha Waa Weyn?

0
Saturday December 19, 2015 - 09:49:01 in Sports News by
  • Visits: 901
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saadaasha Khabiirka Ciyaaraha BBC-da Mark Lawrenson Iyo Qabiirka Sky Sports Paul Merson Ee Kulamada 17aad Ee Horyaalka EPL, Maxay U Saadaaliyeen Kooxaha Waa Weyn?

    Todobaadkaan waxaa la ciyaari doonaa kulamada 17-aad ee horyaalka Ingiriiska waxaana xiiso sii yeelanaya tartanka horyaalka walow kooxda difaacaneysa aysan ku jirin kooxaha haatan isku heysta fooqa sare horyaalka laakin ay dooneyso iney saacada dhina

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Todobaadkaan waxaa la ciyaari doonaa kulamada 17-aad ee horyaalka Ingiriiska waxaana xiiso sii yeelanaya tartanka horyaalka walow kooxda difaacaneysa aysan ku jirin kooxaha haatan isku heysta fooqa sare horyaalka laakin ay dooneyso iney saacada dhinaca kale u rogto madaama ay iska ceyriyeen khamiistii tababare Jose Mourinho

Waxaa hogaanka heysa kooxda laga yaaban yahay ee Leicester City kuwaasoo hogaanka ku haya 35 dhibcood, waxaana kaalinta labaad ku jirta Arsenal halka Man City ay kaalinta seddexaad fadhiso. Man United ayaana afaraad ku jirta.

Mark Lawrenson oo ah qabiirka BBC Sport ayaa saadaal ka bixiyay kulamada isbuucaan waxaana uu guulo u saadaaliyay kooxaha Chelsea, Man United, Liverpool iyo Arsenal taasoo la micno ah inuu guuldarro u saadaaliyay kooxda Man City.

Chelsea oo maanta ciyaareysa iyadoo aan laheyn tababare ka dib markii shaqada laga ceyriyay Jose Mourinho ayuu Lawro u saadaaliyay inay ciyaartoyda is xilqaami doonaan oo ay 2-0 kaga badin doonaan kooxda Sunderland. Waxa uu guul sidaasi la mid ah u saadaaliyay Man United oo iyadana maanta soo dhaweyneysa kooxda Norwich City.

Kulanka axada ay Liverpool martida u tahay Watford, waxa uu Lawro saadaaliyay inay Reds 2-1 ku badin karto, halka kulanka ugu adag isbuucana ee habeenka isniinta dhexmaraya kooxaha Arsenal iyo Man City, Lawro ayaa saadaaliyay in Arsenal oo marti loo yahay inay ku badin doonto 2-1.

football-pundit-paul-merson_3354482

Dhanka kale qabiirka Sky Sports ahna xiddigii hore ee Arsenal Paul Merson ayaa isna guul weyn u saadaaliyay maanta kooxda Chelsea isagoo saadaaliyay inay 3-0 kaga badin doonaan kooxda Sunderland. Halka uu natiijo 2-0 ah u saadaaliyay inay Man United kaga adkaan doonto kooxda Norwich City.

Waxa uu barbaro 1-1 ah u saadaaliyay kooxda Liverpool oo axada marti u ah kooxda Watford, halka uu kooxdiisa hore ee Arsenal u saadaaliyay inay habeenka isniinta ay 3-1 kaga badin doonto kooxda Manchester City.

11 

22





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip