Man United Waa Inay U Dhaqaaqdo Guardiola, Waana Fursadii Ugu Danbeysay Ee Ay Ku Heli Kareen – Rio Ferdinand.

0
Saturday December 19, 2015 - 09:46:18 in Sports News by
  • Visits: 859
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Man United Waa Inay U Dhaqaaqdo Guardiola, Waana Fursadii Ugu Danbeysay Ee Ay Ku Heli Kareen – Rio Ferdinand.

    Rio Ferdinand ayaa cadaadiska ku sii kordhiyay Louis van Gaal isagoo sheegay inay qasab tahay inay Manchester United u dhaqaaqdo Pep Guardiola. Van Gaal ayaa cadaadis xoogan ku hoos jira iyadoo United aysan badinin muddo shan kulan, taageerayaasha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rio Ferdinand ayaa cadaadiska ku sii kordhiyay Louis van Gaal isagoo sheegay inay qasab tahay inay Manchester United u dhaqaaqdo Pep Guardiola. Van Gaal ayaa cadaadis xoogan ku hoos jira iyadoo United aysan badinin muddo shan kulan, taageerayaasha ayaana ka daalay qaabka ciyaartooda. Guardiola ayaa ka tagaya Bayern Munich dhamaadka xilli ciyaareedkan iyadoo daaficii hore ee United Rio Ferdinand uu sheegay inay tahay inay Red Devils u shaqaaqo tababarihii hore ee Barcelona.

"Waxba ma ahan kooxdii aad joogto. Haddii qof tayo u leh sida Guardiola uu diyaar soo noqdo, cid walba ayaa xiiseyneysa.” ayuu yiri Ferdinand.

"Tababaraha ugu fiican adduunka waqti xaadirkaan waa Guardiola, marka uu diyaar soo noqdana dadku waa ay xiiseyn doonaan, waxaana qabaa inaysan United ka duwaneyn.

"Waxaan ka fekerayaa halka uu aadi karo, meesha kaliya ee uu aadi kara waa England. Guardiola uma socdo Italy.

"Guardiola waxa uu ka soo shaqeeyay labo ka mid ah seddexda horyaal ee ugu fiican adduunka, horumarikiisa xiga caadiyan waxa ay noqon doontaa Premier League. Waxa uu imaanayaa koox Premier League, ka dibna koox kale oo Premier League ah kuma biiri doono sidaasi darteed waxaad heysataan kaliya hal fursad.

"Intuu Manchester City ku biiro ka dib kuma biirayo Man United. Intii uu Chelsea ku biiro ka dibna uma dhaqaaqayo United. Sidaasi darteed waxaad heysataan hal fursad oo aad ku heli kartaa tababaraha caalamka ugu fiican.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip