Xiriirka SOMFA oo Doorasho ku qabtay Kismaayo + Sawirro

0
Friday December 18, 2015 - 14:12:21 in Sports News by
  • Visits: 944
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiriirka SOMFA oo Doorasho ku qabtay Kismaayo + Sawirro

    Xaflad balaaran oo lagu dooraney Gudoonka cusub oo xiriirka Kubad Cag-yaraha Jubaland ayaa waxaa lagu qabtay xarunta Wasaaraa Arimaha Bulshada ee Maamulka JUbaland, waxaana kasoo qeybgalay Madaxda Wasaarada Arimaha Bulshada, Jubaland,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaflad balaaran oo lagu dooraney Gudoonka cusub oo xiriirka Kubad Cag-yaraha Jubaland ayaa waxaa lagu qabtay xarunta Wasaaraa Arimaha Bulshada ee Maamulka JUbaland, waxaana kasoo qeybgalay Madaxda Wasaarada Arimaha Bulshada, Jubaland,  gaar ahaan Wasiirka Arimaha Bulshada Jubbaland Macalin, Wasiir ku xigeenka dhalinyarada Sportiga DFS Cismaan aadan Dhuubow, Agaasimaha wasaaradda Dhalinyarada Sportiga DFS C/laahi Aabow Husein, Agaasimaha Dh & Sportiga Jubaland Burhaan Kukuuyo, wasiiro katirsan Jubalan, Gudoomiyaha Degmada Kismaayo Timo Jilac, Ururada Haweenka Jubaland iyo Ciyartoyda Mini football ee Jubaland& Madaxda Xiriirka Kubad cag-yaraha Soomaaliya SOMFA.

Kahor qudbadihii xaflada ayaa waxaa halkaasi lagu Doortay Xiriirka mini Football ee Jubaland oo kooxihii sideeda ahaa ee halkaasi Cod Gacan taag ah ugu Doorteen Guoomiyaha JUMFA Mudane Maxamed C/qaair Kilwa ( Carabeey) halka sidoo kale Gudoomiye ku xigeen iyo Xubno xiriirka Kubad Cag- yaraha ayaa halkaa lagu dhisey.

Sidoo kale waxaa Halkaasi lagu bixiyey Qalab Sports lagu gudoonsiinayey Kooxaha Kubad-cagyaraha ee Magaalada Kismaayo Xarunta Jubbaland ayaa lagu qabtay Xarunta wasaarada Arimaha Bulshada ee maamulka Jubbaland State ee Kismaayo.

Wasiirka Arimaha Bulshada ee Jubaland Macalin Maxamed ayaa halkaasi si weeyn ugu mahad celiyey dadaalka Wasaaradda Dhalinyarada & Sportiga FS iyo Xiriirka mini football Soomaaliya ee isku howlay iney tiro wafdi aad u badan KIsmaayo kusoo gaaraan.

"aad ayaad u mahadsantihiin KIsmaayo kusoo dhowaada,waxaana idinka dooneynaa inaad wax weyn kusoo kordhisaan Ciyaaraha Jubaland iyo in Kuba Cagyaraha kasoo baxaan Ciyaartooy mustaqbal leh oo magaca Gobolkaaan kor u qaada” ayuu yiri wasiirka.

Gudoomiye Kuxigeenada Xiriirka Kubad-Cag yaraha Soomaaliya Yaasiin Abuukar Cariir & Cabdi Xaq Maxamed Axmed & Xoghayaha SOMFA Aadan Cabdulle Mahdi ayaa iyaguna halkaasi ku faah-faahiyey hadafka Xiriirka SOMFA ee ah in guud ahaan Gobolaa iyo Maamulada dalka lagu balaariyo Kubad-Cagyaraha oo caalamka ooo dhan iminka kajira soomaaliyana ay kubiirtey dhowaan aqoonsi rasmiyana ka heshay Xiriirka Caalamka ee (World minifootball Federation).

Ugu Danbeyntii wasiir ku-xigeenka Dhalinyarada & Sportiga ee Dowlada FS Mudane Cismaan Aadan Dhuubow ayaa halkaasi ka jeediyey qudbad balaaaran oo aa loogu riyaaqey, isagoo aa ugu mahaceliyey Wasaaradda Arimaha Bulshaa ee Jubbalan, Xiriirka cusub ee JUMFO iyo sidoo kale xiriirka Kubad-Cag-yaraha Soomaliya SOMFA oo ku guuleystay in markii ugu horeeysay dhaq-dhaqaaqooda gaarsiiyaan Gobolada alka iyagoo mudo yar jirey.

"Wasaaradda Dhalinyarada & Sportiga ee DFS aad ayey u dhiiri gelineysaa Arintan oo runtii u muuqata mid lagu hormarinayo Sportiga dalka gaar ahaan JUbaladn,waxaana SOMFA laga doonayaa iney guud ahaan Maamulada dalka ay gaaraan si loo helo ciyaaryahano mustaqbal ku leh Kubad Cag-yaraha kana qeybgala Tartamada caalamka ee nagu soo fool leh” ayuu yiri Cismaan Dhuubow.

4 9 11 14 17 18 19 21 26 27 30 C

WD: C/Xafiid C/samad Zaciimka


Kismaayo Jubbaland State
Zaciimka02@hotmail.com

xigasho;-somaliweyn.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip