Tababare Jose Mourinho oo laga ceyriyay Tababarnimada Kooxda Chelsea

0
Friday December 18, 2015 - 12:47:17 in Sports News by
  • Visits: 910
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababare Jose Mourinho oo laga ceyriyay Tababarnimada Kooxda Chelsea

    Kooxda Chelsea ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay ceyrisay Tababare Jose Mourinho, kadib markii kooxda xilli ciyaareedkan uu soo wajahay hoos u dhac aad u weyn. Chelsea ayaa kaalinta 16aad kaga jirta kala sareynta Horyaalka Primeir League, iyado

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Chelsea ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay ceyrisay Tababare Jose Mourinho, kadib markii kooxda xilli ciyaareedkan uu soo wajahay hoos u dhac aad u weyn. Chelsea ayaa kaalinta 16aad kaga jirta kala sareynta Horyaalka Primeir League, iyadoo kulankii ugu dambeeyay ee Isniinta 2-1 uga badisay kooxda hogaanka u heysa Horyaalka ee Leicester City.

Mourinho ayaa sanadkii 2013 ku soo biiray kooxda Chelsea, taasoo aheyd markii labaad, kadib markii uu ka soo tagay kooxda Real Madrid ee dalka Spain.

Roman Abramovich ayaa ah markii labaad oo uu ceyrinayo Tababaraha reer Portugal Jose Mourinho oo uu horay koobab badan u soo qaaday.

Jose Mourinho oo lagu naaneyso Special One ayaa waxaa uu lacag ahaan u helayaa 40-milyan oo doollar, maadaama uu qandaarkiisa ahaa 4-sano markii uu kooxda heshiiska u saxiixayay sanadkii 2013-dii.

Chelsea ayaa difaacaneysay Horyaalka, kadib markii ay ku guuleysatay xilli ciyaareedkii hore, waxaana bilowgii hore xilli ciyaareedkan ku bilaabatay qaab aad u hooseysay, markii labadii kulan ee ugu horeysay hal dhibic heshay.

Jose

Shaqa ceyrintan ayaa sabab u ah wada shaqeyn la’aan aad u hooseysay oo ka dhaxeysay Tababare Mourinho iyo ciyaartoydiisa, waxaana uu maalin ka hor markii ay ka adkaatay Leicester ku dooday in ciyaartoydiisa ay khiyaameen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip