Kooxda Horseed oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa'uud, markii 2-1 uga badisay Heegan

0
Friday December 18, 2015 - 12:41:43 in Sports News by
  • Visits: 875
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Horseed oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa'uud, markii 2-1 uga badisay Heegan

    Kooxda Horseed ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa markii u horeysay muddo 33-sano kadib ku guuleysatay koobka loo yaqaano Jeneraal Daa'uud, kadib markii ciyaartii kama dambeysta aheyd ee Final-ka ay 2-1 uga badisay Kooxda Heegan ee ciida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Horseed ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa markii u horeysay muddo 33-sano kadib ku guuleysatay koobka loo yaqaano Jeneraal Daa'uud, kadib markii ciyaartii kama dambeysta aheyd ee Final-ka ay 2-1 uga badisay Kooxda Heegan ee ciidanka Booliska.

Ciyaartan oo ka dhacday garoonka Banaadir Stadium ayaa aheyd markii u horeysay si toos ah looga daawado TV, gaar ahaan Telefishinka Qaranka.

Xamaasada uu kulankan lahaa ayaa ahaa maadaama labada kooxood ay matalaan Ciidamada Booliska iyo Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana kumanaan taageero oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir u soo daawasho tageen ciyaarta.

Kooxda Heegan ayaa qeybtii hore ee ciyaarta dhalisay gool, iyadoo kooxda Horseed kaarka cas laga siiyay mid ka mid ah ciyaaryahanada ajnabiga ee u ciyaara, markii uu qalad galay.

Laakiin Kooxda Horseed oo aan marna ma gelin wax niyad jab ah, waxaana qeybta labaad ay la soo baxeen dar dar xoogan, waxaana iyagoo 10-ciyaaryahan ku ciyaarayay ay heleen goolkii bar baraha ahaa.

Goolka bar baraha ee Horseed ayaa waxaa uu garoonka ka dhigay mid sawaxan iyo sacab ay muujinayeen taageerayaasha, gaar ahaan Ciidamada xoogga dalka oo iyagoo aan gacmaha hub ku sidan ugu sacbo tumayay, taageero ballaaran u muujinayay kooxdooda.

Horseed ayaa dhalisay goolkii labaad, waxaana aheyd mid aad u cajiib ahaa, iyadoo dad badan ay aaminsanaayeen in maadaama Horseed 10-ciyaaryahan ku ciyaareysay, goolna loogaga hormaray in laga badi doono, hase ahaatee taas ma dhicin.

Taageerayaasha Horseed ayaa dib u xusuustay magacii loogu yeeri jiray xilliyadii beri-samaadkii ee wacdaraha ay ka dhigi jirtay garoomada oo ahaa Cawo iyo Maalin Horseed.

Kooxda Horseed ayaa koobkii Jeneraal Daa’uud la hoyatay, iyadoo ugu dambeysay 1982, waxaana xilli ciyaareedkan kooxda aad ayaa looga cabsi qabaa, maadaama ay xidigo ajnabi soo iibsatay.

horseed (1) horseed (2) horseed (3) horseed (4) horseed (5) horseed (6)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip