HORDHAC: Tottenham vs Arsenal

0
Saturday February 10, 2018 - 09:30:44 in Wararka by
  • Visits: 679
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HORDHAC: Tottenham vs Arsenal

    Tottenham ayaa maanta marti galin doonta Arsenal kulan xiiso leh oo laga filanayo labada dhinac weerar aan kala joogsi lahayn. Wararka Labada dhinac:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tottenham ayaa maanta marti galin doonta Arsenal kulan xiiso leh oo laga filanayo labada dhinac weerar aan kala joogsi lahayn. Wararka Labada dhinac:

HORDHAC: Tottenham vs Arsenal


 

Saxiixa cusub ee Tottenham Lucas Moura ayaa kulankiisii ugu horreeyay maanta u safan kara naadiga ka dhisan London.

Toby Alderweireld, Harry Winks iyo Danny Rose ayaa dhammaan ka soo laabtay dhaawacyadii ay qabeen iyagoona ka soo muuqday kulankii dhawaa ay la ciyaareen Newport County tartanka FA Cup.

Petr Cech ayaa shaki laga muujinayaa taam ahaanshihiisa, waxaa la badelay ciyaartii Everton kaddib markii uu soo gaaray dhaawac kubka ah.

Danny Welbeck ayaa taam u noqon kara kulanka, halka Nacho Monreal uu ka soo kabtay xanuun.

Ogeysiiska Ciyaarta:

Kulanka:Tottenham vs Arsenal (Premier League)

Goobta:Wembley Stadium

Goorta:3:30 Galabnimo

Garsoorka:Anthony Taylor (England)

Kulmada Fool ka Foolka:

◾Waxay kulmeen 194-kulan dhammaan tartamada, Arsenal ayaana gacan sarreysa oo adkaatay 81 jeer halka Tottenham ay badisay 62-jeer.

◾Arsenal ayaa garaacday Spurs markii ugu horreysay Bishii November todobo kulan oo Premier League ah.

◾Kulankani waa kii ugu horreeyay ay labada kooxood ku ciyaraan gegada Wembley tan iyo bishii April 1993, kolkaa ay Arsenal ku adkaatay 1-0 semi final ka FA Cup waxaana goolkaasi u saxiixay Tony Adams.

◾Harry Kane ayaa lix gool ka dhaliyay Arsenal lix kulan uu horyaalka ka hor yimid. 21-gool ayuu dhaliyay 32-kulan kulamada Derby London ee Premier League, isku cel celis 0.66-gool kulankiiba.

◾Pierre-Emerick Aubameyang ayaa afar gool ka dhaliyay Tottenham afar kulan uu ka horyimid, hal gool uu ka dhaliyay Champions League iyo saddex Gool oo Europe League ah.

Safafka Macquulka ah ee Tottenham Vs Arsenal:

GoolFM.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip