Goolhayaha Chelsea Thibaut Courtois Oo Fariin U Diray Real Madrid: "Qalbigeyga Waxa Uu Yaalaa Madrid"

0
Wednesday February 07, 2018 - 08:44:21 in Wararka by
  • Visits: 601
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Goolhayaha Chelsea Thibaut Courtois Oo Fariin U Diray Real Madrid: "Qalbigeyga Waxa Uu Yaalaa Madrid"

    Thibaut Courtois ayaa shidaal ku sii shubay wararkii xanta ahaa ee la xiriirinayay Real Madrid isagoo sheegay in qalbigiisa uu yaalo Madrid inkastoo uu wadahadalo qandaraas kordhin ah kula jiro Chelsea.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Thibaut Courtois ayaa shidaal ku sii shubay wararkii xanta ahaa ee la xiriirinayay Real Madrid isagoo sheegay in qalbigiisa uu yaalo Madrid inkastoo uu wadahadalo qandaraas kordhin ah kula jiro Chelsea.




 


25 jirkaan oo qandaraaskiisa Chelsea uu dhacayo 2019 ayaa lagu waramayaa inuu diirada u saaran yahay kooxda heysata koobka horyaalka La Liga iyo Champions League.

Wareysi uu siiyay majalada reer Belgium ee Sport/Foot Magazine, Courtois ayaa xaqiijiyay in wadahadalo ay u socdaan Chelsea laakiin waxa uu sidoo kale ka hadlay jaceylka uu u qabo Madrid oo ay ku nool yihiin labadiisa caruur.

"Xaaladeyda shaqsiyadeed waxa ay la xiriirtaa magaalada Madrid” ayuu yiri. "Labadeyda caruur waxa ay halkaas kula nool yihiin hooyadood. Maalin walba ayaan gabadheyda kala sheekeysta wicitaanka muuqaalka. Waxa ay inta badan ii sheegtaa inay ii xiistay. Wiilkeyga inuu sidaasi iila hadlo weli ma uusan gaarin wuu yar yahay.

"Mar kasta oo aan helo fursad, waxaana isku dayaa inaan ku laabto Spain. Xaalad ahaan ma ahan wax sahlan mar walba. Haa, qalbigeyga waxa uu yaalaa Madrid. Waa wax caqligal ah oo la fahmi karo.

"Haddii ay i doonayaan waa inay la xiriiraan Chelsea. Waan arki doonaa. Laakiin sidaasi ma aysan sameynin. Waxaase hubaal ah inaan maalin uun ku laaban doono Madrid. Waa jeclahay Spain, waan jeclahay magaalada, waxaana halkaas seddex sannadood oo cajiib ah kula qaatay Atletico Madrid. Waan halkaas meeshii aan ku qaan gaaray.

"Waan fahamsanahay in wararka xanta ay soo laabteen maanta, madaama laga hadlayo in Real ay u baahan tahay goolhaye cusub. Laakiin dareen badan ma siiyo, waxaan diirada saarayaa Chelsea.

"Haddii Real ay i xiiseneyso, waxaa xaalada saameyn ku yeelan kara amuuraheyga shaqsiyadeed. Qoyskeyga qiimo la siisto ma leh. Laakiin waxaan kuugu celinayaa in waqti xaadirkaan aan ku mashquulsanahay inaan Chelsea kala hadlo qandaraas kordhin.”



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip