Neymar oo xaflada dhalashadiisa ku casuumay asxaabtiisii hore ee Barcelona laakiin ma jiro laacib ka tirsan Barca oo tagay xaflada (Ogoow sababta)

0
Wednesday February 07, 2018 - 08:38:35 in Wararka by
  • Visits: 570
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Neymar oo xaflada dhalashadiisa ku casuumay asxaabtiisii hore ee Barcelona laakiin ma jiro laacib ka tirsan Barca oo tagay xaflada (Ogoow sababta)

    Neymar ayaa sanadkaan dhigtay xaflad dhalasho oo cajiib ah, xafladiisa dhalasho ayaana ahayd mid si wayn looga dareemay magaalada Paris.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Neymar ayaa sanadkaan dhigtay xaflad dhalasho oo cajiib ah, xafladiisa dhalasho ayaana ahayd mid si wayn looga dareemay magaalada Paris.




Xiddiga reer Brazil ayaa 26-jirsaday, wuxuuna qorsheeyay inuu dhalashadiisa u dabaal dago 3-habeen oo xiriir ah, axad, isniin iyo talaado.

Image result for Messi Neymar Suarez birthday Party

Sida uu baahiyay Sport, Neymar ayaa casuumaad u fidiyay asxaabtiisii hore ee Barcelona si ay uga qayb qaataan xaflada dhalashadiisa laakiin sidii uu rabay ma dhicin.

Axadii Barcelona ayaa la ciyaartay kooxda Espanyol kulan adag, kooxda ayaana lagu celiyay barbaro 1-1 ah, suurogalna ma ahayn in ciyaartoyda ay u safraan Paris isla waqtigaas.

Sidoo kale, ciyaartoyda Barcelona ayaa isniintii sameeyay tababarka ay ugu diyaar garoobayaan kulanka lugta labaad ee Copa del Rey, sidaas darteed ayeey u seegeen xafladii labaad ee xalay la dhigay.

Messi, Suarez, Pique iyo Coutinho ayaa u diyaar garoobayay inay maanta u safraan Paris si ay uga qayb galaan xaflada ugu danbaysa oo dhacaysa caawa, laakiin nasiib xumo diyaaradii ay ku qornaayeen ayaa baaqatay kadib markii la sheegay in cimiladu ay xunyihiin diyaaraduna ay adagtahay inay baxdo.

Dhamaan ciyaartoydaan ayaa saaxiibo dhaw la ah Neymar inkasta oo uu ka tagay Barcelona suuqii xaggaaga.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip