Madaxdu yeeyna noqon Aakhira Moog.

0
Monday February 05, 2018 - 23:43:06 in Wararka by
  • Visits: 812
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxdu yeeyna noqon Aakhira Moog.

    Sayid Cumar RC, caruurtiisa waxa uu kula dardaarmay culeeyska masuuliyadda in ay ka fogaadaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sayid Cumar RC, caruurtiisa waxa uu kula dardaarmay culeeyska masuuliyadda in ay ka fogaadaan.

Sayid Cumar RC oo ka mid ah 10 kii Saxaabi ee Jannada loogu bishaareeyay, ayaa yiri: waxaan ka baqayaa Qiyaamaha in la i weeydiiyo, Baqal ku kuftay waddo aan hagaagsaneeyn, oo la i yiraa maxaad waddada ugu hagaajin weeyday.

Nabi Sulymaan SC, asaga oo Nabi ah oo Janna galaya, ayaa haddana waxaa la xisaabinayaa muudo aad u dheer,bacdamaa mulki badan la siiyay oo Jinni, Insi iyo noola kaleba ah sidii uu u adeegsaday.

Sh. Ibrahim Yare ayaa u yimid Md. Adan Cabdulle Cusman markii Madaxweyna nimada loo doortay, Adan Cade ayaa siiyay Hadiyad culumo/Marti, laakin shiikhii waa ka diiday, waxa uuna yiri: Safar dheer illaa Ceeldheer ugama imaan in aan xoolo kaa rabo , ee waxaan rabay in aan kuu sheego,haddii Ceeldheer ama meel kale Haweeneey ku foolato ayna daawa la’aan ugu dhimato, waxaa lagu weeydiinayaa, maxaad wax ugu qaban weeyday?. Md. Aadan cade waa ooyay, Shiikhiina waa iska tagay markuu fariintaa digniinta ah u gudbiyay.

Kursiga maanta oo kaliya yaan laga fekerin, ee berri ha laga fekero, berrito ma ahan wax dheer waxaa suura gal ah in daqiiqado ka dhiman yihiin.

Haddii aad sheegatay, masuuliyada Min Zaylac illaa Dhoobleey,ogoow qofkii wax lagu yeelo ama cadaalad daro lagu sameeyo in wax lagaa weeydiinayo. Ha u sheegin Ummada been bareer ah, ku dadaal wanaaga si su’aaluhu kuugu fududaadaan.

Xasuuso qiimaha uu leeyahay kitaabka qur’aanka ah ee aad ku dhaaratay iyo magaca ALLE ee aad ku dhaaratay Culeeyska uu leeyahay.

Masuuliyiintu waa badan yihiin,Qofba heer ayeey masuuliyadeedu gaarsiisan tahay,Aqristoow, Aniga iyo Adiguna waan ku jirnaa.

Waa iga talo.

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip