Guulwadayaasha cusub ha isku dhihin Hooyadaa iyo Abootadaa ayaa muxaafid ah.. NASASHADA JIMCAHA-Q.80-aad.

0
Friday January 26, 2018 - 13:01:45 in Wararka by
  • Visits: 893
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guulwadayaasha cusub ha isku dhihin Hooyadaa iyo Abootadaa ayaa muxaafid ah.. NASASHADA JIMCAHA-Q.80-aad.

    1-Faarax oo ku jiray isbitaalka dhimirka ee Santa Maria ayaa ditorkii weydiiyay dhowr Su'aalood,Faaraxna si fiican ayuu uga jawaabay,dhaqtarkii ayaa yiri: Ninkani waa soo hagaagay maskaxiyan, ee gurigiisa geeya. Laba kaaliye oo sii wehliya iyo d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Faarax oo ku jiray isbitaalka dhimirka ee Santa Maria ayaa ditorkii weydiiyay dhowr Su'aalood,Faaraxna si fiican ayuu uga jawaabay,dhaqtarkii ayaa yiri: Ninkani waa soo hagaagay maskaxiyan, ee gurigiisa geeya. Laba kaaliye oo sii wehliya iyo darawalkii ayuu ku daray. markii meel dhexe la marayo ayuu Faarax ku yiri: waa kaa gurigeeygii, Labadaa wiil ee iskuulka u socda ee guriga hor taagan waa wiilasheydii, kadibna Naag ayaa ka soo baxday Gurigii, Farax ayaa mar kale yiri: haweeneeydaasina waa xaaskeeygii. Kadibna nin ayaa ka soo baxay gurigii,Faarax ayaa yiri: Ninkaasina waa aniga oo shaqo u degdegaya.War miyaa dhiman? waxaa dib loogu celiyay Isbitaalkii.

Afar cisho kadib ayuu codsaday in Ticket on-line ah loo jaro ,dibna loogu celiyo Soomalia,waana laga aqbaly oo laga soo fasaxay qolkii number 5 ee lagu daweynayay, wuxuuna hore u soo qaatay koobkiisii iyo caagiisii biyaha ee diaspora caanka ku ahayd.( Fiiri Sawirada 1,2,& 3aad.

( kadibna Gobal ayuu iska soo sharaxay,haddana waa masuul sare, wixii uu arkana waa wixiisii).

2-Agaasime Axmed yare ayaa 5 bil kadib fasax qaatay dibna ugu noqday qurbihii,asaxaabtiisii oo ku soo booqatay gurigiisii wuxuuna ku yiri: Xamar guul, Xamar Guul, horta aan idiin sheegee Baabuur Tareel ah oo aan 5 darawal ka ahaa mudadii aan qurbaha idinla joogi jiray, ayaan iibsaday 5 bilood oo kaliya markii aan Xamar ku maqnaa .

Qurbaha Naag ku dhali karta ayaa ku dhaqi karta ayaa islaamuhu nagu sabsabaan, laakin Xamar Gabar yar oo aan dhali karo ayaan ku dhaqaa kuna sasabaa.qarqar iyo iyo qaboow waan ka reysaty, Nabad & Nolol aan la isla wada qabin ayaan xamar ku Heystaa. Axmed Xilka loo dhiibay ma buuxin karyay, aqoon iyo waaya atagnimo ma u lahaa? ad lee waaye ( fiiri sawirka 4aad)

3-Naag ayaa ninkeedii ku tiri: war bal fiiri reerahan deriskeena ah, ninku mar kasta uu baxayo iyo marka uu imaanayo wuu dhunkadaa haweentiisa,( ADIGU MAXAAD SIDAA U SAMEEYN WEEYDAY).ninkii ayaa yiri: waan sameeyn lahaa laakin nagtan deriska ah si wanaagsan iskuma naqaan.,meelaha Banaan buuxi. (……………………………………..)

4- Xamar, Berigii kacaanku waalnaa ayaa nin guulwade ahaa uu oday waayeel ah oo xaafada iskaa wax u qabso uga shaqeynayay ku yiri: JAALLE shaqada si fiican u qabo. Odaygii ayaa ku yiri: Hooyadaa iyo walaashaa ayaa Jaalle ah.

Guulwadihii oo dacwa qaba ayaa odaygii saldhiga geeyay, waxaa la weydiiyay odaygan maxaad ku heysataa,wuxuu yiri: wuu i caayay. Odaygii ayaa yiri: ma aflagaadayn anigu. guulwadihii ayaa yiri: Hooyadey iyo walaashey ayuu wax ka sheegay isaga oo careysan.

Odaygii ayaa yiri: wuxuu igu yiri: Jaalle si fiican u shaqeey, anna waxaan iri: Hooyadaa iyo walaashaa ayaa jaalle ah. Hadday Jaalle wax fiican tahay xoow hee hooyadiis iyo Umbaaydiis ugu diidaa.(fiiri sawirka 5aad).

( Guulwadayaasha cusub ha isku dhihin,Hooyadaa iyo Abootadaa ayaa muxaafid ah, ama ingriis jajaban ugu sheeg).

5-Nin boqor ahaa ayaa yiri: Gabadheyda iyo Boqortooyadeyda barked ayaan siinayaa ninkii buuxiya shuruudaha ,gabadheydana waan ku mehrinayaa, Habeenka aqalgalka waa inuu u tagaa 10 mar oo aan kala go’lahayn None stop lana kala kaceeyn, islaan waayeel ah oo minxiis ah ayaa dhinac fadhiisanee, oo dhulka ku xariiqee hadba xisaabtu halka ay mare, ninkii ku guuleeysan waayana subaxdii qoortaa laga jarayaa.

Dhowr Raga ayaa isku dayday oo dhaafi waayay 2,3,4,5, dhamaanna qoortaa laga wada jaray, muddo markii madaxya badan la jarayay, ayaa nin kale damac ka galay Hantida iyo gabadha Boqorka. Gabadhii ayaa lagu mehriyay,waana la aqal galay, duqdiina waa soo ag fadhiisatay iyada oo wadata qorigii ay dhulka ku xariiqi lahayd. Ciyaartii aan kala go’iyo kala kaca lahayn ayaa bilaabatay, duqdii waxa ay dareentay in ninkii uu sii dhaafay 5 oo aheed halka ugu badan ee ragu ku banjari jireen lana dili jiray,wuxuuna gaaray 8, duqdii oo xanaaqsan ayaa tiri: waxbaa iga khaldanee warxisaabtu ma 5aa mise lix ayay ahayd, gabadhii ayaa ku raacday, ninkii ayaa yiri: adinkaa qaldane waa 8,waa laga diidayay,wuxuu yiri: maxaan ugu murmeeynaa waa 5 iyo waa 8,. Xariiqmaha dhamba iska wada tir, ee hadda koow iiga soo bilow.

Gabadhii ayaa ku qaylisay maya,maya hadda iyo kow aaaa, uma adkeysto eeda beenta dhaaf, kii sagaalaad ayaa hadda u bilaabanayo. Su’aal u gaar ah wiilasha adigu inteed ku hari lahayd illeyn Soomaali ragii turuqyada adkaa tunkooda ka boodi jiri, talaaba xumaa ka haraye?.

Maxaa raggu naftiisa naagaha ugu haligayaa, waa fududahay jawaabtu::: (Men are born between woman’s legs and spend the rest of their lives trying to go back between them, Why? Because there is no place like home)


6-Nin oday ah ayaa wuxuu u yimid Wiil dhalin yara ah oo BAM uu lugta ku xirtay dhagaxna ku garaacayo. Odaygii ayaa gadaal uga sikaday kuna yiri: Maandhoow,Bambadan aad dhagaxa ku garaacee yeyna kugu Qarxin. Wiilkii ayaa ku yiri: Adeer Hadeey iga Qaraxdo mid kale ayaan heystaa. Fiiri sawirka 6.
(Baladkaan meeqaa xaaraan jeebka ku wadata, kuuguna faanaya in xaaraan kale uu heysto haday tani ka khasaarto).

Qore: Yahya Amir

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip