Isku aadka Champions League oo la sameeyay, Arsenal iyo Barcelona oo isku aaday

0
Monday December 14, 2015 - 19:09:15 in Sports News by
  • Visits: 911
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isku aadka Champions League oo la sameeyay, Arsenal iyo Barcelona oo isku aaday

    Isku aadka wareega 16 ee Champions League ayaa goor dhow lagu sameeyay magaalada Nyon ee dalka Switzerland, halkaasoo ah xarunta Xiriirka Kubadda Cagta ee Yurub UEFA.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isku aadka wareega 16 ee Champions League ayaa goor dhow lagu sameeyay magaalada Nyon ee dalka Switzerland, halkaasoo ah xarunta Xiriirka Kubadda Cagta ee Yurub UEFA.

Tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka 2015/2016 ayaa Final-kiisa waxaa lagu qaban doonaa magaalada Milano, iyadoo qori-tuurkii Tartankan uu goob joog ka ahaa Javier Zanetti oo ahaa Kabtankii hore ee Inter Milan.

Kooxaha Arsenal iyo Barcelona oo Tartankan dhowr jeer oo hore ku kulmay ayaa mar kale isku beegmay wareega 16-ka.

Barcelona oo difaacaneysa koobkan ayaa sanadkii 2006-dii ka qaaday Arsenal koobkii Champions League, sidoo kale waxaa ay labo jeer ka reebtay wareega 16 oo ay isku soo beegmeen labo xilli ciyaareed isku xigay sanadihii 2010-2011.

Sidoo kale waxaa xiisa gaar ah yeelan doona ciyaarta dhex mari doonta kooxaha Chelsea iyo PSG oo markii labaad isku aaday wareega 16, sanadkii hore ayaa Chelsea lagu reebay wareegan.

Kooxda Juventus oo Finalkii u dambeeyay ee xilli ciyaareedkii 2014/2015, balse Barcelona kaga adkaatay 3-1, ayaa waxay ku aaday Kooxda Bayern Munich.

Real Madrid oo koobkan ku guuleysatay 10-jeer ayaa ku aaday Kooxda Rome ee dalka Talyaaniga.


Manchester City ayaa waxay nasiib u yeelatay inay koox yar ku aado, oo ah Dynamo Kyiv oo ka dhisan dalka Ukraine.

isku aad (2) isku aad (1)



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip