Ar dekadaha la wareejinayo armaa Carabu naga isticmaashaa,kadibna..NASASHADA JIMCAHA.Q- 78-aad.

0
Friday January 12, 2018 - 16:54:39 in Wararka by
  • Visits: 949
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ar dekadaha la wareejinayo armaa Carabu naga isticmaashaa,kadibna..NASASHADA JIMCAHA.Q- 78-aad.

    Afeef: Waxa akhyaar loogu maahmaahana malehe. 1 -Nin ayaa gabar ka soo qaaday Goob caways (Night club),wuxuuna geeyay magaalada banaankeeda.waxay ku tiri: Night Club-ka uma imaan macna la'aan ee hadaad wax iga rabtid i sii 50$. Wuu siiyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afeef: Waxa akhyaar loogu maahmaahana malehe. 1 -Nin ayaa gabar ka soo qaaday Goob caways (Night club),wuxuuna geeyay magaalada banaankeeda.waxay ku tiri: Night Club-ka uma imaan macna la'aan ee hadaad wax iga rabtid i sii 50$. Wuu siiyay.

Soo noqodkii, Markii ay baabuurkiisa soo galeen ayuu iska fadhiistay.waxay ku tiri: Maad na dhaqaajisid? wuxuu ku yiri: Club-ka macna la’aan uma imaan,waxaan ahay Taxi-iile, noqoshaduna waa 50$.

( Ar dekadaha la wareejinayo armaa Carabu naga isticmaashaa,kadibna lacagtii Taxi-laha nalaga ceshadaa. Heshiisyadu sida ay u qoran yihiin naga fiiriya, inteyna gaarin Burcad badeedeenii ayaa noo roonayd.waa iga talo). (Fiiri sawirada 1& 2-aad)

2-Wiil 9 sanno jir ah, ayaa Caajis & Lafa xanuun qabteen, isaga oo u socda kubbad uu kooxda iskoolkiisa u soo ciyaari lahaa.Hooyaddii ayaa ku tiri: farmashiyahaan kaniini kaaga keenaa.

Wuxuu ku yiri: Hooyo , Vigra ii keen.waxay ku tiri: Yac, ma kaasaad cuntaa? Wuxuu ku yiri: Maya, ee sow ma ahan kii aad Aabe markuu caajiso u keeni jirtay.(fiiri sawirka 3aad.)

( Diasporoy, sida lagu xaliyo, dhibaatada bulsho/maamul ee ka jirta waddamada waaweyn, waa ka duwan tahay xalka waddamada yar yar, yaan dhalinyarada nalaga waalin, ee naga dhaafa: It happened in UK,US and it was solved,like …… ).

3-Wasiirkii Beeraha ayaa xogheeyntiisii gurigeeda u raacay,hurdo ayaana la tagtay Habeen barkii ayuu soo toosay.Xogheeyntii ayuu ku yiri: Kabaheyga qaad ee Carra madoowda Jardiinkaaga, mar mari.Caleenta Geedahana dhaxda uga rid.

M



arkuu gurigiisa tegay ayaa xaaskiisii ku tiri: Xageed saacaddaan ku soo daahday?.wuxuu ku yiri: macaanto,Been kuuma sheegi karo oo Allaa beenta xarimay. Waxaan gurigeeda u raacay xogheeynteeyda, hurdaana ila tagtay,waxaan soo toosay anniga oo qaawan.

Xaaskii ayaa Kabahiisa fiirisay,waxayna ku tiri: Been ayaad sheegee, Afgooyaad kormeer u jirtay .( fiiri Sawirka 4aad).

( Runta farsameeysan waa lagu badbaadi karaa, laakin beenta farsameeysan haley doortee ku eg tahay lagumana badbaado).

4-Haweeney 10 caruura oo aan Aabe la yaqaan aan lahayn ayaa dhimatay. Aabaheed ayaa markii la aasayay yiri: Haday isku yimaadeen,muddaan isku keen ka weysnaay.

Caruurteedii mid ka mid ahaa ayaa yiri: Awoowe,ma waxaa jannada iskugu imaanaya Hooyo iyo Aniga Aabaheey, mise kuwaan kale Aabayaashood? Awoowgii ayaa yiri: maya ee lugaheeda.( fiiri sawirka 5aad)

( Somaliyeey , haddan labadii Luggood ee 1960-kii aan isku heyn wayno, Aduunyadu waxay dhamaanee anaga oo ah 10 Soomaali oo aan lahaeyn Aabe la yaqaan)

5-Hooyo ayaa gabadheeda weydiisay,sided ku soo heshay 10 kan Dollar? Waxay tiri gabadhii: wiilal ayaan sharad kula dhigtay in aan darbiga iskoolka fuuli karo.

Hooyaddii ayaa ku tiri: Doqonyahey, waxay rabeen inay arkaan Nigis/ kastuumada qurxoon ee aan shalay kuu soo gaday,sow kuma dhihin: yaan kastuumadan qof kaa arkin.

Gabadhii ayaa ku tiri: Hooyo Doqon ma ihi, waan ka qarsaday, Boorsadaana ku ritay, kadib ayaana Darbiga fuulay.( fiiri sawirka 6aad)

( Taliye ayaa ciidankiisii ku yiri: sow idinma dhihin markaad howl galeysaan wajiyada qarsada. Asgari ka mid ahaa ciidanka ayaa yiri: waan qarsanay wajiga, waardiyaha waxaan tusnay ID-ga, si uu irida nooga furo.waa iga talo Askarta duruusta ha loo dhameystiro.( fiiri sawirka 7aad)

6-Wiil dibadda looga keenay dhaqan celin, ayaa macallinkiisii Dugsigu ku yiri: hadaadan foodaan dheer iska xiirin,marka naftu kaa bexee ee Sammada laguu wado,malaa’igtu foodaan dheer ayay kaa jiidayaan iyaga oo ku leh soo soco, soo soco.

Wiilkii ayaa ku yiri: macallin, yurub saa ma ahan,Lugaha ayay ka jiidaan, waxaan arki jiray Hooyo oo lugaheeda kor u taagee oo leh: Oh my……… ,I am coming.( fiiri sawirka 8aad).

( Ar ilmaha yaan qolka lala seexan,ilma faraha ka baxay oo beerta galayaan macalimiintaan masaakiintaa oo aan Af-ingriiska aqaanin lagu wareerin ).

Qore: Yahay Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip