Qadar iyo Imaaraadka: Maqaayada (Al –Khaliiji Restaurant )

0
Tuesday January 09, 2018 - 11:42:55 in Wararka by
  • Visits: 802
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qadar iyo Imaaraadka: Maqaayada (Al –Khaliiji Restaurant )

    Dowladaha Qadar & Imaaraadku waa 2 waddan oo ku yaal khaliijka waxaa ka dhexeeya Colaad siyaasadeed oo cadawgoodu u sameeyay,Mid waliba wuxuu ku dadaalayaa in wixii kan kale uu dhisto uu ka burburiyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladaha Qadar & Imaaraadku waa 2 waddan oo ku yaal khaliijka waxaa ka dhexeeya Colaad siyaasadeed oo cadawgoodu u sameeyay,Mid waliba wuxuu ku dadaalayaa in wixii kan kale uu dhisto uu ka burburiyo.

Dadka qaar ka cawiran hal IL siyaasadeed oo dhinac kaliya wax laga tusay ayaa ku leh,Dowladda imaaraadka ayaa faragalin nagu heyso,mid kale ayaa ku leh dhibku waa Qadar.Hal il siyaasad ku fiirshe yuuna ku indha tirin, ee indhaha wada fur dhinacyadana iska fiiri, hadaadan taa rabin ku biir xayawaanka loo tababaray in hal il oo kaliya ay siyaasadda ku fiiriyaan.

Qadar waxay maalgashatay koox si ay u noqdaan Dowlad iyadu ay leedahay, Imaaraadku iyana waxay maal gashadeen koox kale si ay u burburiso kooxda Qadar,adiguna waxaa tahay (Mafcuulu bihi).

Labaddii kooxood ayaa mid waliba dadka ku leeyahay hebel waxaa uu Lacag ka soo qaatay dalkaa iyaga ayuuna u shaqeeyaa, Labadaba waa runtood,labaduba waxay ka wada shaqeeyaan maqaayada Al- Khaliiji.

Qofka la leeyahay hal il wax ku fiiri, ama dhagaha ka fureyso hebel waa adiga, Adigaa ah war moogaha la dhagrayo, indhaha fur dhagahana sifeyso.

FG: Mr.Mafcuulu Bihi,indhaha fur, dhagaha iska sifey, haddii kale waxaad noqonee mid la isticmaalo isaga oo aan is ogeyn.

FG: Arragtidaada xor ayaad u tahay,Xattaa haddii il kaliya aad siyaasadda ku fiiriso, ama aad dhaga xiran tahay, kan ku isticmaalayana aadan aqoon.

Qore: Yahya Amir





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip