Trump oo ku goodiyay in uu jari doono deeqda Falastiiniyiinta

0
Wednesday January 03, 2018 - 20:47:32 in Wararka by
  • Visits: 310
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump oo ku goodiyay in uu jari doono deeqda Falastiiniyiinta

    Waxaa laga yaabaa in dawladda Maraykanku ay joojiso lacagta deeqda ah ee ay siiso Falastiiniyiinta "oo aan rabin in nabadda laga wada hadlo", ayuu yiri Trump.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa laga yaabaa in dawladda Maraykanku ay joojiso lacagta deeqda ah ee ay siiso Falastiiniyiinta "oo aan rabin in nabadda laga wada hadlo", ayuu yiri Trump.



Trump ayaa Twitterka ku soo qoray in deeqda uu Maraykanku bixinayo uusan ku helin "ixtiraam iyo mahadnaq toona”

Wuxuu sidoo kale u aqoonsigiisii Qudus uu u aqoonsaday caasimadda Israa’iil uu ku sheegay in ay miiska wadahadalka nabadda "ka leexisay” arrintii kala qaybsanaanta wayn keenaysay.

Falastiiniyiinta ayaa sheegay in tallaabadaasi ay Maraykanka ka dhigtay mid aan dhexdhexaad noqon karin.

Tallaabadii bishii Disembar waxaa iyadana si wayn u cambaaraysay Qarammada Midoobay, iyadoo 128 dal ay ka soo horjeedsadeen tallaabadii uu Trump qaatay.

Muxuu madaxweyne Trump yiri?

Madaxweynaha Maraykanka ayaa dabo socday hadal uu horray u sheegay oo ku saabsaa lacagta deeqda ah ee ay Pakistan siiyaan, taas oo uu ku sheegay in waxa Maraykanku uu ka faa’iido balaayiinta doolar ee deeqda ah ee uu bixiyo ay tahay "been iyo khayaano” oo kali ah.

"Pakistan oo kali ah ma aha dalalka aan bilaashka ku siino balaayiinta doolar” ayuu madaxweynuhu ku billaabay Twitterkiisa Talaadadii.

It’s not only Pakistan that we pay billions of dollars to for nothing, but also many other countries, and others. As an example, we pay the Palestinians HUNDRED OF MILLIONS OF DOLLARS a year and get no appreciation or respect. They don’t even want to negotiate a long overdue…

…peace treaty with Israel. We have taken Jerusalem, the toughest part of the negotiation, off the table, but Israel, for that, would have had to pay more. But with the Palestinians no longer willing to talk peace, why should we make any of these massive future payments to them?

"Tusaale ahaan Falastiiniyiinta waxaan siinaa boqollaal milyan oo doolar sannad walba, haddana abaal iyo ixtiraam midna kuma helno. Xataa ma doonayaan in ay galaan heshiis nabadeed oo ay ahayd in mar hore la gaaro , ayuu yiri.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip