Ra'iisul Wasaare Khayre "Dawladda waxaa ka go'an sidii ay u xoojin laheyd tayada iyo tababarka Ciidamada Soomaaliyeed"

0
Wednesday January 03, 2018 - 19:45:20 in Wararka by
  • Visits: 331
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Khayre "Dawladda waxaa ka go'an sidii ay u xoojin laheyd tayada iyo tababarka Ciidamada Soomaaliyeed"

    Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali khayre ayaa ka qayb galay munaasabad loo sameeyay dufcad ka mid ah ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo dhameystay tababar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali khayre ayaa ka qayb galay munaasabad loo sameeyay dufcad ka mid ah ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo dhameystay tababar.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaana boggaadiyey saraakiishan cusub ee Boliiska Soomaaliyeed, waxuuna ku amaanay sida ay ugu soo hureen naftooda in ay u shaqeeyaan dalkooda, isla markaana ay ka filayaan isbadal ballaaran oo la taaban karo inay ku soo kordhin doonaan guud ahaan ammaanka dalka.

"Waxaan idinku hambalyeynayaa sida wanaagsan ee aad diyaarka ugu tihiin difaaca dalkiina hooyo, waxaa la idin kaga fadhiyaa inaad door lixaad leh ka qaadataan ciribtirka argagixisada, waxaana ku kalsoonahay inaad waajibaadkiina si weyn uga soo bixi doontaan, Dawladda Soomaaliya waxaa ka go’an sidii ay u xoojin laheyd tayada iyo tababarka Ciidamada Soomaaliyeed’’.Ayuu yiri R/W Khayre.

Ugu danbeyn, R/Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa u xiray saraakiishan cusub darajooyin, isagoo sheegay in ay wax weyn ka badeli doonaan hannaanka Booliska iyo sidii mar kale dib loogu soo celin lahaa kaalintii fir-fircooneyd ee ku lahaayeen amniga guud ee dalka.   ---DHAMMAAD---

B828F21D-27AF-42C8-9ECB-89FE299F1080
E0344681-C0AA-4B82-9ECA-B709E4F7A014
337B3999-8648-4CD2-BE7E-F0C5356748ED
27C25E0C-D433-4DA8-8F73-671E81BFD749
C7410EE1-1DC8-4317-BEFC-076E6B8C2B66
53572B49-E2B2-4E63-AC08-86E0F0A969D3
E13AEF52-005B-41C0-A3BD-8EBF8187D534
6AAC266C-6A90-4A85-8347-1928ED8C437D
©2018 Office Of the Prime Minister | Mogadishu | Somalia





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip