Maxkamadda Racfaanka oo Amar cusub kusoo rogtay C/raxmaan C/Shakuur

0
Wednesday January 03, 2018 - 19:40:15 in Wararka by
  • Visits: 330
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Racfaanka oo Amar cusub kusoo rogtay C/raxmaan C/Shakuur

    Maxkamadda Racfaanka , ayaa burisay go'aankii Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ka gaartay dacwaddii loo haystay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ahayd inaan wax racfaan ah laga qaadan karin go'aankii maxkamaddaasi, sida uu Idaac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Racfaanka , ayaa burisay go'aankii Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ka gaartay dacwaddii loo haystay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ahayd inaan wax racfaan ah laga qaadan karin go'aankii maxkamaddaasi, sida uu Idaacada Risaala u xaqiijiyay Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka.

Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir, ayaa wuxuu sheegay in Xafiiska Xeer ilaalinta loo madax banaaneysiiyo baarista Kiiska C/raxmaan C/Shakuur Warsame.

Sidoo kale maxakamadda racfaanku waxay safarada ka mamnuucaday siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur inta uu socdo baaritaanka dacwadda loo haysto, waxaana ay sheegtay in safar dhanka dibadda ah uusan u bixi karin.

Maxkamadda Racfaankaa ayaa ganaax lacageed waxa ay dul dhigtay Qareeno ka mid ah kuwa ka shaqeeya Gobolka Banaadir.

Shan kamid ah waxa lagu xukumay in shaqada laga joojiyo muddo labo bilood ah, iyo inay bixiyaan lacag shilin Soomaali ah oo u dhiganta $2000.

Sadexda qareen ee kale iyana waxa lagu xukumay inay bixiyaan ganaax lacageed oo shilin Soomaali ah oo u dhigma $2000.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip