Gen Fartaag ayaa sheegay in Kenya ay ku soo xad gudubtay dhanka degmada Beledxaawo islamarkaana ku dhawaad 700 oo guryo cusub oo Soomaali ah xariiqdeen oo dhanka Kenya ay mareen.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dadka deegaanka ay la hadleen ayna ugu baaqeen inay deganaan muujiyaan oo dowladooda ku kalsoonaadaan.

Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo xildhibaanada la hadlay ka hor inta aanan lasoo xirin kalfadhiga labaad ee aqalka sare ayaa sheegay in dowladda uu ugu baaqayo inay arrimahaasi guddi gaar ah u saarto.

Ugu dambey Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa u mahadceliyay xildhibaanada aqalka sare wuxuuna sheegay inay wax badan qabteen labadii kalfadhi ee lasoo dhaafay, waxaaba uu kudhawaaqay in kalfadhiga labaad uu maanta xiran yahay islamarkaana la qaban doono xaflad lagu soo xirayo kalfadhiga labaad ee golaha aqalka sare