Wasiir Jamaal oo Socdaal ku maraya Degaano ka tirsan Sool iyo Sanaag

0
Wednesday January 03, 2018 - 19:31:25 in Wararka by
  • Visits: 294
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Jamaal oo Socdaal ku maraya Degaano ka tirsan Sool iyo Sanaag

    Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Jamaal Xasan ayaa maalmahan socdaal ku maraya degaano ka tirsan Sool iyo Sanaag. Wasiirka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay u kuur galayaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Jamaal Xasan ayaa maalmahan socdaal ku maraya degaano ka tirsan Sool iyo Sanaag. Wasiirka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay u kuur galayaan xaalada ay ku nool dadka ku sugan eegaano iyo Tuulooyin ka tirsan Sool iyo Sanaag, amniga iyo hormarka ka jira.

Mudane Jamaal Xasan ayaa sheegay in safarkooda ay ka bilaabeen Sool, iyagoo soo dhaweyn wanaagsan kala kulmay shacabka sidoo kalena soodhageystay Warbixino ku saabsan dhinaca waxbarashada, Caafimaadka iyo Amniga, iyadoo ka dibna u sii gudban Gobolka Sanaag.

Wasiirka ayaa sheegay in xalay ay ku hoydeen Degmada Badhan halkaas oo ay kula kulmeen Maamulka, Odayaasha iyo dadka degaanka, waxayna sookormeereen Mashaariicyo badan oo ka socda degmada.

Wasiir Jamaal ayaa dhinaca kale sheegay in maanta ay ku wajahan yihiin Magaalada Dhahar halkaas oo ay kula soo kulmi doonaan Maamulka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan, iyagoo safarkoodana soo gaba gabeynaya Maalinta Beri ah safarkooda qaatay Afarta Maalin.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip