Ra'iisul Wasaaraha oo ka qayb galay munaasabad lagu soo bandhigayay Wax-qabadka Wasaaradda Maaliyadda

0
Wednesday January 03, 2018 - 19:20:22 in Wararka by
  • Visits: 281
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaaraha oo ka qayb galay munaasabad lagu soo bandhigayay Wax-qabadka Wasaaradda Maaliyadda

    Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay wax-qabadkeedii sanadlaha ahaa, Wasiirka Wasaaradda Maaliyada ayaa ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay intii ay xukuumaddu jirtay, isagoo sheegay in miisaaniyadda daw

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay wax-qabadkeedii sanadlaha ahaa, Wasiirka Wasaaradda Maaliyada ayaa ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay intii ay xukuumaddu jirtay, isagoo sheegay in miisaaniyadda dawladda ay samaysay koror fiican oo lagu ammaani karo, waxuunabogaadiyay sida ganacsatada Soomaaliyeed ay isugu xilqaameen bixinta cashuurta.

Wasiirka ayaa ka hadlay daymaha Soomaaliya lagu leeyahay oo gaaraya 5.5 Bilyan oo dollar iyo sida looga dhaafi karo ay tahay Soomaaliya oo la timaado dawlad wanaag iyo isla xisaabtan muuqda oo hay’adaha dawladda la yimaadaan si deymaha looga cafiyo. Sidoo kale IMF ayaa dawladda Soomaaliya kala shaqeyneysa in la xoojiyo qiimaha shilinka Soomaaliga oo muddooyinkan danbe tayo ahaan iyo qiimo ahaanba hoos u dhac ku yimid.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda F.S Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in marnaba aysan suurto gal ahayn in dalka soomaaliya uu sidan uu ku sii jiro dhaqaalihiisa, waxuuna tilmaamay in Xukuumaddiisa iyo shacabka Soomaaliyeed u wada istaagaan sidii loo hormarin lahaa dhaqaaqaha dalka.

Mudane Khayre ayaa xusay in ganacsatada Soomaaliyeed looga baahan yahay iney laba jibaaraan bixinta cashuuraha iyo kobcinta dhaqaalaha dalka. Ganacsatada Soomaaliyeed ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ku ammaanay sida ay mar walba u garab taagan yihiin dawladda.

"Anaga ka dawlad ahaan waxaa naga go’an in amaanada aad noo dhiibtaan aan ka ilaalino musuq-maasuq oo howlihii loogu tala galay ku qabano, si aad u ogaataan canshuurtii aad bixiseen halka ay martay”.Ayuu yiri RW Khayre

---DHAMMAAD---

CCDD81D9-EFBC-4CF4-9DD5-D7B2E04E466D
4D97DCC9-C5D2-4C33-82A3-B7DD8BDEEBF4
7D86C9B5-240A-49FE-9876-2C716D767797
B6025AAC-FB5A-4B91-AFF2-C0B35D9A57C4
784B7818-1FAE-4F93-A2EF-986BB3A38637
48093D4F-B6B2-44D1-A435-AA9DD2B7F676
1CA260BC-0CA4-429C-8D0C-470E5789E2E8
DBB31604-CC44-4F87-A21F-E42768D211D0
CFF5D87D-A981-495E-9B2C-E0B6492223FC
BE4953A0-3228-4AAF-8BE5-9E0BE9AFE7FF




 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip