"Laga bilaabo maanta oo ah 3-da bisha Janaayo sanadka 2017 waxaa la bilaabay qabashada araajida musharaxiinta waxayna socon doonta qabashada araajida illaa iyo 10ka bishan.”ayay tiri Marwo Xaliimo Yarey guddoomiyaha Guddiga Doorashada Qaran.

Musharax walba waxaa laga doonayaa inuu u soo gubiyo guddiga doorashooyinka arjiga ka qeybgalka doorashada waxaana laga doonayaa musharaxiinta ragga ah, 5,000 oo dollar musharaxa dumarka ahna $2,500.

Musharaxiinta xilkan doonaya inay u tartamaan ayaa waxaa ka mid ah C/llaahi Sanbaloolshe, oo hore ugu guuleystey sanadkii hore isla kursigan, balse waayay markii uu noqday taliyaha ciidamada nabadsugida Soomaaliyeed, waxaa kale oo wararka ay sheegayaan in uu yahay musharax kursigan Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali C/llaahi Cosoble iyo Daahir Cabdulle Cawaale oo ka mid ahaa musharaxiinta Madaxweynaha Hirshabelle iyo qaar kale.

Guddoomiyaha guddiga doorashada heer qaran Marwo Xaliimo Yareey ayaa shalay soo gaartay magaalada Jowhar, iyadoo kulamo la yeelatay Madaxda dowlad goboleedka Hirshabelle iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ku dhowaaqista kursiga doorashada xildhibaan heer federal
1of 5